Hargeysa, September 2, 2021- (Foore) – Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta Miisaanka leh ee ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka digay in loo kordhiyo Xisbiyada hadda jira oo wakhtigu kaga egyahay bilawga sannadkan inagu soo fooleh, waxaanu soo jeediyay in ururo Cusub la furo.
Waxa uu sheegay in haddii ururo Cusub la furi waayo in dalku gali doono fadqalado siyaasadeed oo horleh, sidoo kalena waxa uu sheegay inay arintaasi dhaawac u gaysan karto Dimuqraadiyadda Somaliland lagu amaano. Waxa uu sheegay in wakhtigu Xisbiyada Jira kaga eg yahay Bisha May ee Sanadkan fooda inagu soo haya ee 2022-ka, waxaanu soo jeediyay in arintaasi laga digtoonaado.
Siyaasi Buubaa ayaa sidan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay Warbaahinta muuq baahiyayaasha ah ee dalka ka hawlgala waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waan in la joogteeyaa oo tobankii sanno-ba mar la furaa ururadda Siyaasiga ah, sida sharcigu dhigayo, oo waa inaan laga laba labayn, oo wakhtigooda lagu qabtaa doorashada Ururadda, waa inay arintaasi noqotaa arin joogtaysan oo mudaysan, oo aanay wakhtigeeda kolayba dhaafin, sidaasi ayay illa tahay aniga oo wax ku samaanayaan”.
Waxa kale oo uu yidhi “Aad iyo aad ayaa hadda loo sugayaa, 10-kii sanno ee Xisbiyada hadda jiraa way dhamaadeen, wax yar ayaa ka hadhay, waxay illa tahay kal dambe ayay kaga dhan tahay, Qaynuunka ayaa waxa uu odhanayaa, in lix bilood ka hor inta aanay ka dhamaan kuwan joogga, waa in la diwaangaliyaa ururo Cusub, waa in intaasi ka hor tartanka la qabtaa, waxay illa tahay inay ku beegan tahay Bisha May ee Sanadkan soo socda ee 2022-ka, oo kal dambe ah ayay Xisbiyadan wakhtigu kaga egtahay, oo waa in ururaddii cusbaa la furaa”.
Waxa kale oo uu yidhi “Waxay aniga ila tahay, lagama maarmaan inay tahay in la furo Ururo Cusub, haddii la furi kari waayaan inay keeni doonto dhibaato weyn oo Siyaasaddeed, ay waddanka u keeni karto, geedi socodkii Dimuqraadiyadan ay aad iyo aad u dhaawici doonto, sidaa awaawadeed aniga waxay illa tahay Tobankii sanadood hadda waa gabaabsi, waa lagama maarmaan in la furo ururadda”.
Mar wax laga waydiiyay haddii ururada la furo bal Inuu ku hamiyayo Urur siyaasadeed inuu furto ayaa waxa uu yidhi “Waan kasoo horjeedaa in Cid ama qof gaar ahi Urur Furto, waayo Urur waxa furan kara dad wada socda oo dhinaca siyaasiga oo midaysan oo dhinac walba, dhaqaale iyo siyaasadba, oo isku ujeedo ah oo isku aragti ah, aniguna haddii aan helo dad aan isku aragti ka nahay siyaasadda waan ka mid noqon karaa”. Ayuu yidhi Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa.