Hargeysa, September 2, 2021- (Foore)- Xildhibaan Sheekh Axmed Dayib Aadan oo Ku-caddeeye loo yaqaano kana mid ah xildhibaannad cusub ee Golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi kula taliyay in aanay hodin xaaladdii uu qasriga Madaxtooyada ku yimid Afar sano ka hor oo ay shacabka Somaliland cod aqlabiyad ah ku doorteen maantana xaaladdaasi aanay oolin wax badanina is baddaleen.
Xildhibaan Sheekh Axmed Dayib Aadan oo qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka bulshada ee Facebook waxa uu ku faahfaahiyey qodobo dhawr ah oo uu ku qaadaa dhigay xaaladda siyaasadeed ee wakhtigan gaar ahaan damaca Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee doorashada soo socota iyo talooyin uu u jeediyey Madaxweynaha, beeshiisa, beelaha kale iyo dalka guud ahaan.
Xildhibaan Sheekh Axmed Dayib Aadan oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu qoraalkiisa ku yidhi sidan:
Waxay ila tahay in aanay:
1- Madaxweyne Biixi hal arrin hodin.
2- Musharrax Madaxweyne Cirro hal arrin hodin.
3- Beesha Sacad Muuse hal arrin seegin.
4- Beesha Habar-yoonis hal arrin seegin.
5- Somaliland inta kalena hal seegin.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waa in aaney hodin guushii ballaadhneyd ee uu ku haaneeday qasriga looga arrimiyo Jamhuuriyadda Somaliland 13 Nov. 2017kii, oo ku timid shan arrimood oo kala ah:
1- Xukuumaddii xilligaa oo xisbiga Kulmiye hogaaminayey.
2- Beelweynta Habarjeclo oo si har la’aan ah uga abaal celineysay dhismihii Beesha Sacad Muuse dhistey Madaxweyne Siilaanyo.
3- Beelweynta Ciise Muuse oo si har la’aan ah uga abaal celineysay dhismihii Sacad Muuse dhisay Madaxweyne Cigaal Rabbi Jannatul-firdawsa ha ku galladee.
4- Beesha Sacad Muuse oo aan marna Somaliland Madaxweyne ka noqon oo lahayd waa markayagii.
5- Bulshada kale ee Somaliland oo filasho-weyn ka qabtey hoggaamin taariikhdu xusi doonto Madaxweyne Muuse Biixi.
Haddaba intaas oo isbiirsatey ayaa dhalisay guushii Mar la aragteyda ahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi talada dalka ku haaneeday.
Waxayse tahay su’aashu:
1- Madaxweyne Muuse Biixi muxuu ugu abaal guday dadkii sida hagar la’aanta ah ugu maamuusay kursiga looga arrimiyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland ?!!!.
2- Ma dhabawday filashadii mugga lahayd ee reer Somaliland ka qabeen hogaaminta Madaxweyne Biixi ?!!!.
3- Maxaase keeney afar Sano ka dib in uu raadiyo taageerayaal laxaad leh oo uu geeska galiyey markuu guusha hantiyey 13 Nov. 2017kkii?!!.
La soco …