Maxaa Ka Hir-Galay Heshiiskii Somaliland La Gashay Imaaraadka Carabta Ee Madaarka Berbera, Waa Maxay Sababta Wax Looga Badelay?!

0
91

Hargeysa, September 2, 2021- (Foore)- Laba iyo Tobankii Bishii February sannadkii 2017 ayaa kulan labada aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland xukuumadu isugu yeedhay, waxaa markii golaha la yimidna loo akhriyey heshiis ajendihiisu ahaa in madaarka Berbera lagu wareejiyo dawlada imaratka carabta oo u isticmaali doonta qaab ciidan.

Fursad iyo dood midna looma ogolaan mudaneyaasha labada aqal ee goleyaasha qaranka,  waxaana duuduub lagu ansixiyey heshiis 15 qodob oo afsoomaali lagu soo qoray oo xukuumadu wadatay , heshiiskaasi qodkii is yidhaahda ka hadal waxa uu arinku ahaa saara , raaciya , xidha iyo qabta uu ku hadaaqayey gudoomiyaha golaha guurtida oo shirku u afduubnaa.

Heshiiskaasi waxa uu u qornaa sidan ;

Heshiiska Madaarka Berbera ee ay wadagaleen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda imaaraatka Carabta UAE.

1-Heshiiska cida wada galaysa

2-Mashruuca Heshiiska

3-Ujeedada Heshiiska

4-Ogolansho saldhig military

5-Muddada Heshiiska

6-Kirada iyo faaiidooyinka heshiiska

7-Isticmaalka saldhiga milatry

8-Mashaariic horumarineed

9-Abuurista fursado shaqo

10-Iskaashiga iyo adkaynta amniga

11-xuquuqda iyo waajibaadka saaran kiraystaha

12-Xuquuqda kireystaha

13-Maqaadiir

14-Xalinta khilaafaadka

15-Joojinta heshiiska iyo waxa ka dhalan Kara

12/02/2017

  1. Heshiiska Cidda Wada-galaysa
  2. B) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland (Kireeye)
  3. T) Dawladda Imaaraadka Carabta (Kirayste)
  4. Mashruuca Heshiiska

Saldhig Milateri oo laga yagleelayo Madaarka Berbera

  1. Ujeedada heshiiska
  2. B) in la xoojiyo xidhiidhka saaxiibtinnimo ee qotada dheer ee u dhexeeya Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland.
  3. T) in la xoojiyo wada-shaqaynta iyo Iskaashiga labada dhinac, ee arrimaha la xidhiidha Nabadgelyada, Horumarka, Dhaqaalaha, Maalgashiga, Ganacsiga iyo Is-dhex-galka
  4. Ogolaansho Saldhig Milateri

Dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku heshiiyeen:

  1. B) in Saldhigga Milateri laga siiyo Dalka Imaaraadka Carabta Magaaladda Berbera.
  2. T) in loo ogolaado in saldhigga ay u isticmaalaan Madaarka Magaaladda Berbera.
  3. J) in loo oggolaado in ay ka samaystaan Jihada Waqooyiga Madaarka, gaar ahaan dhinaca badda, Deked dhismaheedu kooban yahay, taas oo u gaar ah ciidammadooda.
  4. X) In loo ogolaado in ay dib-u-dhis iyo casriyeyn ku sameeyaan dhabbaha diyaaradaha, iyo guud ahaanba garoonka Magaalada Berbera.
  5. Muddada Heshiiska
  6. B) Mudada heshiiska saldhiggu waa 25 sanno, oo ka bilaabmaysa marka ay si rasmi ah u kala saxeexdaan labada dhinac.
  7. T) Mudada heshiiska ka dib, dhammaan wixii dhismayaal iyo kaabayaal dhaqaale laga hirgaliyey Madaarka iyo Dekedda waxay noqonaysaa hanti qaran.
  8. Kirada iyo Faa’iidooyinka Saldhigga
  9. B) Saldhigga Milateri Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku bixinaysaa hab kiro ah.
  10. T) Kirada ka waajibta saldhigga mudadan oo waafaqsan nidaamka heshiisyada dabeecaddan oo kale leh, wuxuu dalka imaaraadku ku siinayaa Jamhuuriyadda Somaliland mashaariic horumarineed.
  11. J) Mashaariicda waxa la soo marinayaa, fulinteedana ka mas’uul ah Hay’adda (Abu-dhebi Fund), oo u qaabilsan UAE fulinta mashaariicda horumarineed.
  12. Isticmaalka Saldhigga Milateri
  13. B) Saldhiggan waxa isticmaali kara oo keliya Ciidammada Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
  14. T) Waxa reebban in saldhiggan ay adeegsadaan cid kale oo ka baxsan kiraystaha ku cad faqradda sare.
  15. J) Kiraystaha iyo laga kiraystaha labaduba midna cid kale kama kirayn karo goobta saldhigga milateri loo jaangooyey mudada heshiiskani dhaqangalka yahay.
  16. X) Labada dhinac waxa ka reebban in goobta saldhigga milateri ay u isticmaalaan ujeedo ka baxsan ama khilaafsan nuxurka heshiiskani qeexayo.
  17. Mashaariicda Horumarineed

Dawladda Isutagga Imaaraadka Carabtu waxay hirgelinaysaa mashaariicda hoos ku xusan:-

  1. B) Dhismaha Waddada Berbera ilaa Wajaale (Berbera Corridor).
  2. T) Dhismaha Madaar cusub oo laga hirgeliyo Magaalada Berbera (Civilian and Cargo Airport).
  3. J) Fulinta iyo hirgelinta mashaariic kor loogu qaadayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida (Waxbarashada, Caafimaadka, Tamarta, Biyaha), iyo kaabayaasha sida (Dhismaha Waddooyinka, Madaarada, Dekedaha, iwm), mudnaan gaar ah waxa la siinayaa sidii Magaalada Berbera loogu heli lahaa koranto jaban oo laga haqab beelo.
  4. Abuurista Fursado shaqo
  5. B) Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay mudnaan iyo tixgelin gaar ah siinaysaa muwaadiniinta da’yarta xirfadlayaasha ah, ee u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland fursado ay kaga shaqeeyaan dalkooda, mudada heshiiskani dhaqan-galka yahay.
  6. T) Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay ku dhiiri-gelinaysaa shirkadaha waaweyn ee laga leeyahay dalkooda, in ay Somaliland ka sameeyaan mashaariic maalgashi oo abuuri kara fursado shaqo oo gudaha ah.
  7. J) Kiraystuhu wixii uu shaqaale muwaadiniin ah uga baahdo Saldhigga Milateri, wuxuu u marayaa nidaam ku dhisan hufnaan oo ay ka heshiiyeen xuquuqda ka ratibmaysa.
  8. X) labada dhinac waxay fududaynayaan is-dhexgalka iyo isu-socodka muwaadiniinta labada dal.
  9. Iskaashiga iyo Adkaynta Amniga

Labada dhinac waxay wada-shaqayn iyo iskaashi buuxa ka yeelanayaan arrimaha soo socda:

  1. B) ilaalinta amniga marin biyoodka Somaliland ee badda cas.
  2. T) la-dagaalanka budh-cad badeedda iyo wax kasta oo khatar ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada mandaqadda.
  3. J) Ka hortagga iyo la-dagaalanka xaalufinta, wasakhaynta iyo sumaynta biyaha badweynta Jamhuuriyadda Somaliland.
  4. X) in la iska-kaashado dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimillada, sida (Abaaraha, Duufaanada, Dhul-gariirka iwm).
  5. Xuquuqda iyo Waajibaadka Saaran Kiraystaha
  6. B) waxa waajib ku ah kiraystaha saldhiga in uu dhawro xuquuqda iyo xoriyadda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Somaliland.
  7. T) Waxa reebban ku xad-gudubka daaqa, duur-joogta iyo deegaanka ku hareeraysan goobta saldhigga laga yagleelayo.
  8. J) Kiraystaha saldhiggu wuxuu si cad u damaanad qaadayaa in aanuu waxyeelo u gaysan ka dhan ah, amniga iyo degenaanshaha guud ahaan mandaqadda, gaar ahaan Jamhuuriyadda Somaliland.
  9. X) Kiraystaha waxa lagu wareejin doonaa dhammaanba dhismayaasha ka jira Madaarka Berbera gudihiisa, wuxuuna si buuxda uga mas’uul yahay daryeelkooda iyo dayactirkooda, ilaa iyo wakhtiga dib loogala wareegayo.
  10. KH) Kiraystuhu isaga ayaa ka mas’uul ah amniga iyo nabadgelyada saldhigga milateri dhexdiisa
  11. D) Kiraystaha saldhiggu wuxuu xurmaynayaa dhammaanba heshiisyada iyo xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalalka ay saaxiibka iyo bah-wadaagta dhaw yihiin.
  12. Xuquuqda Kiraystaha
  13. B) Kiraystuhu wuxuu u madax-bannaan yahay adeegsiga iyo isticmaalka saldhiggan milateri, si waafaqsan heshiiska labada dhinac.
  14. T) Kiraystuhu wuxuu si buuxda u maamulayaa dhulka uu ku fadhiyo saldhigga milateri, mudada uu dhaqan-galka yahay heshiiska u dhexeeya labada dhinac.
  15. J) Xarunta Saldhiggan Milateri waxay leedahay xurmo iyo xisaanad dublamaasiyadeed oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo xuquuqda ay siiyaan heshiisyada leh dabeecaddan oo kale.
  16. X) Kiraystuhu wuxuu xaq u leeyahay in aan wax macaash iyo cashuur ah toonna la saarin wixii uu qalab ciidan iyo dhisme uu la soo dego.

Kh) Qalabka iyo Agabka Kiraystaha loo siiyey cashuur dhaafka uma saari karo dibedda, ee wuxuu ku isticmaali karaa Saldhigga gudihiisa oo keliya.

  1. D) Kiraystuhu hantidiisa ayuu ku maalgashanaya wixii uu ku kordhiyo dhismaha jira iyo adeegyada aasaasiga ah, sida (Nalka, Biyaha, Internet-ka iyo isgaadhsiinta), kireeyuhuna waa in uu u fududeeyaa.
  2. Maqaadiir (Force Majeure Event)

Ka dib marka Heshiiskan la saxeexo, haddii ay timaado Maqaadiir Eebe ama masiibooyin, aan laga hor-tegi karin ama la joojin karin, sida; duufaanno ama dhulgariir, waxna aanay ka qaban karin labada dhinac, khasaaraha ka yimaada, haddii dhinac xilkii la gudboonaa fulin kari waayo, cidna mag-dhaw looma raaci karo.

  1. Xallinta Khilaafaadka (Dispute Resolution)
  2. B) Haddii khilaaf ama is-afgaran-waa ku saabsan Heshiiskan uu ka dhex dhasho labada dhinac (Kiraystaha iyo Laga Kireeyaha), ama la jebiyo qodobo ka mid ah Heshiiskan, waa in labada dhinacba ay isku dayaan in ay ku xalliyaan wixii is-qabad ah ama is afgaranwaa ah, si wanaag iyo saaxiibtinnimo leh, kuna soo afjaraan muddo Soddan Cisho (30) gudahood ah.
  3. T) Haddii labada dhinac, ay xallin kari waayaan khilaafka ama is afgaranwaaga yimi muddo Soddan Cisho (30) gudahood, waxaa lagu xallinayaa dhexdhexaadin (arbitration), iyada oo la adeegsanayo Xeerrarka Caalamiga ah ee London Court of International Arbitration (LCIA), dhagaysiga dacwadduna ka dhici doono Magaalada London.
  4. Joojinta Heshiiska iyo Waxa Ka Dhallan Kara (Termination and Consequences):
  5. B) Labada dhinac ee heshiiskani ka dhaxeeyaa waxa ay xaq u leeyihiin in ay ka baxaan Heshiiskan, hadii dhinac gudan-waayo waajibkiisa, sida Heshiisku uu dhigayo.
  6. T) Labada dhinac, waxa ay xaq u leeyihiin in ay adeegsadaan Xeerarka Caalamiga ah ee London Court of International Arbitration (LCIA), si ay u helaan wixii magdhow ah ee ay ku dacwoodaan.

Xukuumada Somaliland Maxaa La Gudboon Hadii Heshiiskaasi Loo Fulin Waayo Sida Uu Yahay?

Haddaba sida ku cad Qodobka 6aad ee heshiiska Madaarka Berbera dawlada Somaliland way kireysay , kiradii inkasta oo aan la inoo sheegin sanadkii waxa ay tahay,  hadana waxa lagu sheegay in kirada la inoogu fulinayo mashaariic horumarineed. Markaa halkaasi waxa ka cad mashaariicda horumarineed in aanay aheyn wax sadaqo ama kheyri ah oo la ina siinayo ee ay yihiin kiradii madaarka Berbera. Maareeyaha duulista iyo madaarada Somaliland ayaa golaha guurtida u cadeeyey in aan dawlada imaraatku dhisayn madaarkii ay balan qaadeen , oo uu heshiiskii madaxweynuhu badelay lagana dhigay in madaarkan hadda dhisan ee ay ugu talogaleen ciidamada in aynu wada isticmaali doono. Halkani waxaa ka soo baxay laba qalad oo waaweyn oo aan rabo in dadka jamhuuriyada Somaliland , hay’adaha xeer dejinta dalka , axsaabta siyaasada iyo qof waliba oo reer Somaliland ahi in uu ogaado ;

1- Dawlada imaraatku heshiiskii ay inagula jirtay qaybo ka mid ah ma fulinayso , sida madaar cusub oo aan mid ciidan aheyn oo Somaliland isticmaasho iwm.

2- Madaxweynaha ayaa badelay heshiiskii sida uu maareeyaha duulista iyo madaaradu u sheegay gudida joogtada ah ee golaha guurtida.

Haddaba hadii heshiiska loo fulin waayo sidii uu ahaa waxa inooga yeela xeer oo waxaa uu ku cad yahay heshiiska aynu la galnay UAE , waxa laga yeelayo oo ah ; Sida uu dhigayo qodobka ugu dambeeya ee 15naad faqradiisa B, oo sheegaya waxyaabaha heshiiska burin kara ama hadii dhinac fulin waayo lagaga bixi karo guud ahaan heshiiska waxaana ay u qoran tahay;

  1. Joojinta Heshiiska iyo Waxa Ka Dhallan Kara (Termination and Consequences):
  2. B) Labada dhinac ee heshiiskani ka dhaxeeyaa waxa ay xaq u leeyihiin in ay ka baxaan Heshiiskan, hadii dhinac gudan-waayo waajibkiisa, sida Heshiisku uu dhigayo.

Qodobka 2aad waxa uu u yeelayaa goleyaasha xeerdejinta dalka in war cad oo deg-deg ah laga soo saaro in Madaxweynuhu badeli karo heshiis ay labada gole wadajir ku ansixiyeen oo ah wax layaab ah .

GUNAANADKA ;

Geeska Africa waxa ku yaalla ilaa 10 saldhig military oo ay leeyihiin dawladaha shisheeye ee aduunka kale ka , qaar badan oo kalena way ku soo wajahan yihiin xiligani waliba halka aad loo danaynayaa waa Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba waxa aan ka digeynaa in aan heshiisyada lala galayaa noqon sidii heshiiska dawlada UAE hadii ay qaar kale yimaadaan oo ay Somaliland na dan u aragto in aanay noqon qaar sida heshiiskani aan mad-madaw , gacan togaalayn iyo dano gaar ahi dhex gelin ee si wadaniyad iyo lexojeclo leh looga baaraandego mustaqbalka dalka iyo ka dadkeena insha Allah.

Qalinka: Maxamed Cabdi Jaamac (Maxamed Dhimbiil)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here