Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Qorshaynaya Tartanka Dib U Doorashadiisa, Guddiyo Uu Hawl Galiyey Oo Bilaabay Olole Xodxodasho Deegaameed Ah Iyo Saluugga Waxqabadka Xukuumaddiisa

0
475

Hargeysa, September 2, 2021- (Foore)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa isu diyaarinaya tartanka teeramkiisa labaad ee Madaxnimada dalka isaga oo si weyn la filayo inuu mar labaad isu soo taago doorashada Madaxtooyada ee innagu soo aaddan oo haddii aanay waxba is baddalin sida qorshuhu yahay la sugayo in ay dalka ka qabsoonto dabayaaqada sannadka dambe ee 2022 oo wax ka yar 14 Bilood uga hadhsan yihiin muddo xileedkiisa.

Madaxtooyada Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa ay bilawday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo hoose kuwaasi oo Madaxweynuhu ku hawl galiyey kooxo isaga u dhawdhaw oo u shaqaynaya hannaan guddiyo ah si ay wada xaajood siyaasadeed oo hordhac ah ugu wajahaan  guddiyada qabaa’ilka qaarkood, taasi oo u muuqata xodxoddasho siyaasadeed iyo ismuujin hor leh oo Madaxweynuhu ku muujinayo sida uu diyaarka ugu yahay in uu isugu soo taago doorashada Madaxtooyada ee sannadka dambe innagu soo aaddan.

Ilo-wareedyo u dhuun-daloola qasriga Madaxtooyada oo wargeyska Foore u warramay waxa ay u xaqiijiyeen in ay guddiyo Madaxweynuhu hawl galiyey bilaabeen dhaqdhaaqyo siyaasadeed oo xodxodasho ah oo ay ku wajaheen qaar ka mid ah odayaasha iyo wax-garadka deegaamada dalka qaarkood, halkaasi oo ay ka qabsoomeen kulamo hoose oo aan la shaacin.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo laba bilood kadib galaya muddo-xileedkiisa sannadkiisii Shanaad ee uu xilka hayo, ahna sannadkii ugu dambeeyey ee muddo xileedkiisa ayaa wajahaya caqabado culus oo saamayn weyn ku yeelan doona dib u soo doorashadiisa iyo olalaha uu doonayo in uu mar kale u galo kursiga Madaxtinimo ee dalka.

Dhaawaca ku yimid is-bahaysigii siyaasadeed ee uu la lahaa deegaanka Bariga Burco oo saamayn weyn ku yeelatay hoos u dhaca laxaadka leh ee ku yimid awooddii xisbigiisa KULMIYE, wax-qabad la’aanta xukuumaddiisa, saluugga weyn ee ay qabaan deegaanka uu dhalasho ahaan isagu ka soo jeedo iyo guud ahaan tabashooyinka is biirsaday ee dalka yaalla oo dad badani xukuumaddiisa saluug weyn ka qabaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, mashaariicdii horumarineed oo si xawli leh isku dhintay tan iyo muddodii uu xilka hayay walina aanu la iman qorshe wax-qabad oo ka iibsami kara shanta sano ee dambe, dhammaantood waa caqabado culayskooda siyaasadeed leh oo saamayn weyn ku yeelan doona inuu mar labaad kursiga ku soo noqdo.

Madaxweyne Muuse Biixi oo tan iyo markii uu xilka qabtay dad badani saluug weyn ka qabaan hannaankiisa hogaamineed, tayada xukuumaddiisa, waxqabadka muddo xileedkiisa iyo hoos u dhaca siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE, dhammaanba arrimahani waxa ay hal-xidhaale ku noqon doonaan hanka Madaxweynaha ee doorashada dambe, waxaanay arrimahani sidoo kale culays weyn ku yihiin kooxaha Madaxweynuhu hawlgaliyey oo aan la ogayn waxa ay ku qancin doonaan deegaamadii horeba uga soo hor-jeeday ha joogaane kuwii taageeri jiray oo u muuqda kuwo si weyn uga fogaday xisbiga iyo Madaxweynahaba muddodaasi afarta sano ah ee uu xilka hayay.

21-kii Bishii November 2017-kii ayay ahayd markii Koomishanka doorashooyinka qaranka Somaliland si rasmi ah ugu dhawaaqeen natiijada doorashada oo ay musharraxiintu sidan u kala heleen:

Xisbiga Kulmiye ee uu murashaxa u ahaa Muuse Biixi Cabdi waxa uu helay 55.19%.

Xisbiga Waddani ee uu murashaxa u ahaa Cabdiraxmaan Cirro waxa uu helay 40.73%

Xisbiga UCID oo uu Musharrax u ahaa Faysal Cali Waraabe waxa uu helay 4.17%.

Isla markii natiijada lagu dhawaaqay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo warbaahinta u warramay waxa uu yidhi: “Waxaan dareemayaa culays weyn oo I fuulay. Waxaad ogtahay dalka oo ah dal aan cidina ictiraafsanayn oo ka mid ah dalalka adduunka ugu dhaqaalaha yar oo u baahan hawl badan iyo xil badan oo shaqo la’aantu ku badan tahay. Waxaan dareemayaa xil aad u culus. Qorshahayga koowaad waxa weeyi Somaliland oo mid ah, kii ii codeeyey iyo kii iga codeeyey iyo kii ka aamusay intuba way ii siman yihiin, madaxweynahana dalka oo dhan baa xilku ka saaran yahay. Muwaadin kastaa xaq dastuuri ah ayuu leeyahay, markaa maanta aniga waxa la iga dhigay odaygii Somaliland. Waxaan leeyaay umadda somaliland sinnaan iyo caddaalad in wixii hawl ah aan ugu qabto wixii tartan iyo xanaf na soo dhex marayna la illaawo” ayuu yidhi Madaxweynuhu wakhtigaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here