Boorama, August 26, 2021- (Foore)- Cabdiraxmaan Indho-cadde oo ka mid ahaa koox xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku eedaysay in ay ka dambeeyeen falal argagixiso oo ay ka mid ahaayeen dilkii Magaalada Boorama loo gaystay haweenaydii sama-falaha ahayd ee Annalena Tonelli muddo dheern aku xidhnaa xabsiyada dalka ayaa shalay waxa uu dib u helay xorriyaddiisa isaga oo sheegay in uu ku faraxsan yahay xorriyadda uu helay.
Cabdiraxmaan Indho-cadde oo markii xabsiga laga sii daayay Magaalada Boorama warbaahinta kula hadlay ayaa waxa uu ka dareen celiyay sida dareenkiisu yahay isaga oo dhinaca kalena farriin u diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
“Bishii sagaalaad 29-keedii ayaan xabsiga Galay, wiilkaygii isaga oo caloosha ku jira aan xabsiga galay maanta waa nin weyn oo mudakar ah oo xaafaidul Qur’aan ah. Ilaahay ayaa mahaddaa isla leh. Macallimiintii iyo dhammaan dadkii ku tabcay iyo dhammaan ehelkii waan u mahad naqayaa ma soo koobi karo. Dhammaan dhallinyarada I soo dhawaysayna waan u mahad celinayaa. cid kasta oo hawshaydan ka qayb qaadatay waan u mahad celinayaa. Waxa kale oo aan mahad u celinayaa Suldaankayga Suldaan Baade oo iga hadhi waayay muddooyinkii dambe oo dhan. Waxa laga yaabaa dad badani in aanay ogayne xataa ay gaadhay in uu Madaxweynihii hore ee Siilaanyo uu Madaxa ka dhunkado oo uu yidhaa waar bal ninkaa noo soo daa. Maalin uu wafti Madaxweyne Siilaanyo ku yimid Boorama ayuu ku yidhi waar bal ninkaasi uun noo soo daa intuu madaxa ka dhunkaday, halkaasi ayuu gaadhay Suldaan Baade waanan u mahad naqayaa. May dhicin intii Ilaahay qaddaray uunbay kolay gadhay” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Indhocadde isaga oo hadalkiisa intaasi ku daray:
“Anigu maanta dhallinyaradaa I soo dhawaysay nin iyo laba ayaan garanayaa. Waxa laga yaabaa in ay raggani kuwii maalintaa dhashay ay ahaayeen. Anigu maanta oday baan ahay dadka waanaaggooda, horumarkooda iyo wixii dani ugu jirto ayaan ka shaqayn doonaa sidaasi ayaanan isku ognahay haddii Alle idmo. Warxumo tashiilkii iyo waxyaabihii borobagaandaha ahaana wuu iska dhammaaday. Intasi ayaan ku soo koobayaa xaalad caafimaad baan ku jiraa oo hadalku wuu I dhibayaa idinna qorrax baad taagan tihiin. Waxa aan halkan farriin gaar ah u marinayaa Madaxweynaha oo aan leeyahay Madaxweyne waad mahadsan tahay tallaabo fiican baad qaaday laakiin Madaxweyne Farxadda noo dhammays tir. Waxa jira inammo Xamar ka yimid oo nagula jiray, wallaahi xalay waan seexan waayay oo saddex ahaa. Aniga waliba way iga xadhig horreeyeen. Waxa la soo xidhxidhay iyaga oo dhallinyaro ah. Way nagaga hadheen jeelkii markaa murugadaasina way na haysaa oo farxaddii ma dhammays tirna. Waxaan leeyahay Mudane Madaxweyne go’aankaa aad annagaba naga qaadatay waxaan ku leeyahay iyagana ku sood aa oo xorriyadooda sii” ayuu yidhi
Bishii Oktoobar sannadkii 2003 ayay ahayd markii Haweeneey ka tirsaneyd saraakiisha Hey’adaha Gargaarka ay kooxo dabley ah oo aan la aqoon magaalada Boorama ee caasimadda Gobolka Awdal ku dileen haweenaydii Annalena Tonelli, oo mudo 33 sano ah caawinaysay dadka saboolka ah ee Africa, waxa ay horaantii sannaadkaasi haweeneydaasi oo u dhalatay waddanka Talyaanigu ku guulaysatay abaalmarinta ugu sareysa ee ay bixiso Hey’ada UNHCR taasi oo lagu siiyey dadaalkeeda ku wajahan dadaalkeeda dadka saboolka ah ee Somaliland ee ay wax tari jirtay.
Indho cadde ayaa ka mid ahaa dad lagu eedeeyey dilkaasi kaasi oo ka mid ahaa maxaabiista shalay ay xukuumadda Somaliland sii daysay kadib muddoda intaasi le’eg oo ay ku dhammaysteen xabsiga weyn ee Hargeysa. Ragga kale ee falal argagixisanimo ku eedaysnaa ee ay shalay xukuumaddu sii daysay waxa kale oo ka mid ahaa Jaamac Cabdi Ismaaciil (Jaamac Kuutiye) iyo Daa’uud Saalax Iidle.