Booliska Magaalada Burco Oo Xabsiga Dhigay Nin Qori Ku Jeeni-Qaaran, Sawir Uu Iska Qaadayna Ku Baahiyay Baraha Bulshada

0
140

Burco, August 26, 2021- (Foore)- Ciidamada Ammaanka Somaliland ee Gobolka Togdheer ayaa shalay xabsiga u taxaabay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Jibriil (Indho Khayr) kadib markii uu bartiisa Facebook soo dhigay sawir isaga oo ku jeeni qaaran Qori AK47 ah kuna soo dul qoray hal-ku dheg uu ku muujinayo in uu difaacayo diinta Islaamka.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola xadhiga ninkan dhallinyarada ah ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in Maxamed Axmed Jibriil oo loo yaqaano Indho Khayr ay ciidamada ammaanku xabsiga dhigeen kadib markii laga soo qabtay isla gudaha Magaalada Burco iyada oo aan la ogayn sababta rasmiga ah ee xadhigiisa balse dad badani u aananayaan in sawir uu ninkani ku baahiyay baraha Bulshada gaar ahaan Facebook loo badinayo in ay tahay sababta xadhigiisu sidaana ay ciidamadu xabsiga ku geeyeen.

Muuqaalka sawirkan uu ku baahiyey Facebook iyo qoraalka uu ku dul qoray oo u dhignaa sidan ayaa ahaa mid hadal hayn badan ka dhaliyey baraha Bulshada dhexdeeda oo shalay illaa xalay ay dadku si weyn uga fal celiyeen.

Maxamed Axmed Jibriil (Idho Khayr) waxa uu bartiisa ku baahiyey sawirkiisa isaga oo degta ku sita oo jeeni qaaran Qori aakay ah (AK47) kuna dul qoray hal-ku dheg sidan u dhignaa: “Waxaan U Taaganahay Inaan Difaaco Diinta Islaamka” inkasta oo aanu faahfaahin ka bixin xaaladda difaac ee uu ninkan sheegayo iyo ciddad duullaanka ku soo qaaday Somaliland iinteena Xaniifka ah.

Mar aanu isku daynay in aan xadhiga ninkan wax la waydiino laamana dawladda ee ay khusayso ayaanay noo suurto galin iyada oo xadhigiisu aad u saameeyey ra’yum caamka guud iyada oo dadka qaar ku dhaliileen Maxamed Axmed Jibriil (Idho Khayr) sida uu isaga oo hubaysan sawir isaga soo qaaday sidaana ugu baahiyey baraha Bulshada.

“In qof shicib ahi qori dab leh isku soo sawirro oo aanu ruqsad u haysan kadibna sheego hadal sidaa u dhigan oo aanu faahfaahin waxa uu ka difaacayo diinta Islaamku waa arrin shaki badan leh oo cunfi iyo dagaal dhiirri galinaysa loona baahan yahay in ciidamada ammaanku baadhis qoto dheer ku sameeyaan kiiska ninkan” sidaa waxa yidhi Macallin Axmed Xasan Jaamac oo ka dareen celinayay farriintan sawirka wadata ee lagu baahiyey baraha Bulshada.

Illaa imika Ciidamada Ammaanka ee Gobolka Togdheer gaar ahaan kuwa Magaalada Burco kama aana war bixin ama faahfaahin kama ay bixin xaaladda ninkan la sheegay in ay shalay xabsiga dhigeen.

Sidoo kalena lama oga in ay maxkamad la tiigsan doonaan iyo in ay xabsiga ka sii dayn doonaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here