Xildhibaan Wakiillada Ugu Baaqay In Ay Saddex Saddex Xaas Guursadaan, Madaxweynaha Aan Loo Kicin, Kelmadda Mudane-na Lagu Baddalo Huunno

0
457

Hargeysa, August 23, 2021- (Foore)- Xildhibaan Axmed Yaasiin oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland oo laga soo doortay Gobolka Awdal ayaa shalay dooddii Golaha waxa uu ka jeediyey kelmadihii ugu hadal haynta badnaa ee Bulshadu ka fal-celinaysay illaa xalay kadib markii uu Xildhibaannada Golaha Wakiillada ugu baaqay in ay saddex saddex xaas guursadaan, sidoo kalena marka uu Madaxweynuhu golaha soo galo aan loo kicin ee kaliya lagu soo dhaweeyo kelmadda Huunno soo dhawaw isaga oo dhinaca kale ku baaqay in kelmadaha Mudane iyo Marwo lagu baddalo kelmadda HUUNO.

Xildhibaan Axmed Yaasiin oo sababaynaya dooddiisan qosolka iyo hadal haynta badan dhalisay ayaa waxa uu yidhi: “Waxaan ku darayaa qodobka 26aad ee uu xildhibaan Xirsi yidhi halagu daro Mudane iyo Marwo, anuu waxaan aaminsanahay waa runtii waa lab iyo dheddig laakiin kelmad qiimo badan oo koobsanaysa oo macnaheedu yahay walaalkayga qiimaha badan ee aan jecelahay ee sharfan markaad qofka ku leedahay. Kelmad noqonaysa walaalkayga hanuunsan ee toosan ee aan u han weynahay, kelmaddaasi oo koobsanaysa oo macnaheedu yahay HUUNO. Waa nabad gelyo, huuno waa nabadgalyo. In guddoomiyaha la yidhaa huuno Guddoomiye. Gabadha ama inanta marka lala hadlayana waxa ay noqonaysaa Huuno guddoomiso markaa kelmaddaa HUUNO waa kelmad qiimo badan oo salaam ah. Waatii laga hadlayay golaha iyo amnigiisa iyo in mudanayaashu aanay hub la soo galin qoladayada reer Galbeedka kolay hub iyo budh ma qaadano toorrayna ma qaadano hana raalli ahaadaan saaxiibaday markaa kelmaddaa HUUNO waa in golaheenu qaataa si aynu uga maarano Budh, Toorray iyo baaskoolad”.

“Gobolkan aan ku naalno waxa weeyaan xaaladda amni iyo dhaqaale ee aan wanaagsanayn oo ay had iyo jeer dhici karto in xoog la isku muquuniyo dalkeena Somaliland waxa aynu nahay dalka ugu tiro yar marka laga tago Jabuuti oo awood kale oo waaweyni ilaaliyaan uunbaa innaga tiro yar xagga baaboleeshanka. Sidaa darteed anigu waxaan doonayaa si aynu sunne wanaagsan oo lagaga daydo aynu u noqono Golaheenu in xeer hoosaadka waajib laga dhigo qodob jidaynaya in Mudane kasta ama Huunno kasta oo halkan fadhiya uu saddex xaas samaysto ama yeesho maadaama uu Mushaharkiisu ku filan yahay si aynu tusaale ugu noqono baayac-mushtarkeena iyo dadka kale ee dhaqaalaha haysta si aynu taranta u xoojinno haddii Alle yidhaa. Waa soo jeedin oo taranta ayaynu badinaynaa. Qodobka kale waxaan qabaa in aynaan Madaxweynaha qaranka u kicin marka uu soo galo. Waxa muhiim ah innaga oo Madaxweynaha qaranka jecel in aan salaanno uu Huunno uun ku nidhaa oo aynaan u kicin”. Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Yaasiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here