Koox ka soo horjeeda Taaliban oo ku sugan waqooyiga Afghanistan, ayaa sheegtay iney diyaar u yihiin iney wada hadal la furaan ururka Taaliban. Ha yeeshee dhanka kale, waxey tilmaameen haddii wada xaajood socon waayo, iney diyaar u yihiin iney galaan dagaal waqti dheer socon doono. Afhayeenka kooxdani ayaa u sheegay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP, in wiilka Axmed Shaah Mascuud uu ku uruuriyay 9,000 oo dagaal yahan dooxada Panjshir, oo ku taalla waqooyi bari ee caasimadda Kabul.
Axmed Mascuud, oo ah wiil uu dhalay hoggaamiyihii geeriyooday ee Isbahaysigii Waqooyiga dalka Afgaanistaan Axmed Shah Mascuud, ayaa u sheegay wargeyska pan-Arab inuu diyaar u yahay in uu wadahadal la yeesho Daalibaan si loo baajiyo dagaal ka dhaca dalka, balse wuxuu ku adkaystay in kooxdu meesha ka saarto xagjirnimada .
Wuxuu hadalkan ku sheegay wareysi la daabacay 22-kii Ogoosto oo uu la yeeshay weriye Kamal Alam oo ka socda wargeyska maalinlaha ah ee Asharq al-Awsat oo fadhigiisu yahay magaalada London kaasoo sheegay inuu Mascuud uu laba tododbaad ku qaatay gobalka Panjshir. Alam wuxuu sharraxay safar dhib badan oo Mascuud ku tagay Kaabul kuna aaday Panjshir, isagoo sheegay inay u baahnaayeen inay beddelaan marinka laba jeer sababo la xiriira hanjabaadyo weerarro ismiidaamin ah oo soo gaaray “. “Kaliya ma ahan mid ka dhan ah nidaam kasta oo ay soo rogo rabto Taaliban laakiin sidoo kale waa mid ka dhan ah guud ahaan argagixisada caalamiga ah ” ayuu yidhi Axmed Mascuud.
Wadaxaajood siyaasadeed
“Waxaan diyaar u nahay inaan la hadalno Taalibaan, dhab ahaanna waxaan xiriir la leenahay dhaqdhaqaaqa,” ayuu ku yidhi wareysiga uu siiyay wargeyska Al-Sharq al-Awsat, wakiiladeenu dhowr jeer ayay kulmeen, waayo annaguna waxaan nahay Muslimiin.” Shaqsiyaadka caanka ah Afghanistan oo wali dagaal kula jira Taliban?
Balse iyadoo ay taasi jirto laguma khasbi doono inaan wax sameyno, “ayuu raaciyay, isagoo soo xiganaya aabihiis inuu u sheegay Taalibaan 1996-dii, shan sano ka hor inta aysan dilin al-Qaacida sanadkii 2001-dii” Maxaad dooneysaa? Ku dhaqanka diinta Islaamka? Annaguna waxaan nahay Muslimiin, annaguna waxaan rabnaa nabad, markaa aan wada shaqeyno. ”
Mascuud wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu cafiyo dilka aabihiis si loo helo nabad, amni iyo xasilooni Afghanistan. Balse wuxuu sheegay in reer Afgaanistaan aysan diyaar u ahayn inay isu dhiibaan nooc kasta oo argagixiso ah.
“Waxaan diyaar u nahay inaan la dhisno dowlad dhammaystiran oo aan la yeelano Taliban iyada oo loo marayo wada xaajoodyo siyaasadeed,” ayuu yidhi.
“Ma doonayno in dagaalyahanno caalami ah ay halkaan yimaadaan oo ay ka yimaadaan Suuriya, Liibiya, ama xitaa Bartamaha Aasiya.
“Panjshir wuxuu ahaan doonaa safka koowaad ee difaaca ka dhanka ah xagjirnimada “ayuu yidhi Mansuur. Wuxuu intaas raaciyay inay qasab tahay in Taalibaan ay ka tanaasusho ‘ficil ahaan xagjirnimada’ ama ay la’ kulmaan iska caabin
Mr Mascuud ayaa sheegay in ay muhiim tahay isla markaana ay donayaan in dadka , reer Afgaanistaan ay soo afjaraan dagaalkan socday mudada 40-ka sano ah .Wuxuu sheegay sidoo kale in loo baahanyahay in dadka reer Afghaanistaan ay haystaan waxyaabo asaasi ah oo ay ka mid yihiin baahinta xukunka.
Waxaan rajeyneynaa oo aan ku duceysaneynaa inay si dhab ah u doonayaan tan, ma dooneyno inaan dagaalano. Balse iyadoo ay taasi jirto, waxaan diyaar u nahay inaan dagaalano haddii ay soo galaan Panjshir.
Wuxuu sheegay inay si nabad ku soo geli karaan hub la’aan, laakiin haddii ay hub la soo galaan, wuxuu yidhi “waxaan diyaar u nahay inaan iska caabinno inta qof naga dambeeyo”. “Nabadda waa in la siiyaa fursad, xitaa haddii nabaddu ay la jirto Taaliban, “ayuu yidhi Mansuur.
Maxay kooxaha jihaadka ka wada Afrika ugu dabbaaldageen guusha Taalibaan?. Taalibana ayaa horay u sheegtay inay wadahdal lula wareegi doonto dooxdani, balse waxay sidoo kale sheegtay inaysan meesha ka saari doonin suuragalnimada inay sidoo kale xoog kula wareeegaan.
Lama oga illaa hadda in Daalibaan kooxda la dagaalami doonto iyo inay la hadli doonto.