Hargeysa, August 23, 2021- (Foore)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shalay qasriga madaxtooyada Somaliland kulan kula qaatay shir-guddoonka golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha wakiilladu, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Kulankan oo ah kii u horreeyey ee ay rasmi u yeeshaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirguddoonka cusub ee golaha wakiilladu ayaa lagu lafo-guray hannaanka wada shaqayneed ee ka dhexeeya golaha sharci dejinta iyo xukuumadda. Iyo sidii ay Golaha cusubi ula shaqayn lahaayeen waaxda fulinta oo xukuumadda ah kadib markii dhawaan si rasmi ah loogu dhaariyey xidhibaannada Golaha wakiillada xilka ay umaddu u soo dooratay.
Waxaana kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirrada wasaaradaha xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, mudane Siciid Sulub Maxamed iyo Wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.
Dhinaca shirguddoonka waxa guddoomiyaha ku wehelinaayey guddoomiye ku xigeenka koowaad, Mudane Siciid Mire Faarax iyo guddoomiye ku xigeenka labaad mudane Cali Xaamud Jibriil.
Shuruucda dalka u taalla ayaa qeexaysa nidaamka wada shaqayneed ee u dhaxeeya golayaasha qaranka oo ah in ay is dheelli tiraan si ay dhammaantood hanaan wanaagsan ugu gutaan hawlaha qaranka ee mid waliba u xil saaran yahay isuna dhammays tiraan sidoo kalena isku dheelli tiraan awoodaha qaranka.
Illaa imika Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa u muuqda mid doonaya in uu wada shaqayn iyo xidhiidh wanaagsan la yeesho shir-guddoonka iyo guud ahaan gole waynaha kadib markii lagaga guulaystay doorashadii shir-guddoonka ee dhawaan Golaah ka qabsoontay oo ay u suurto gali wayday in ay doorashada ku soo baxaan shir-guddoonkii ay xukuumaddu u soo xulatay iyada oo ay halkaasi ku guulaysteen shir-guddoonka ay xisbiyada is-bahaysiga Mucaaridku ku guulaysteen.