Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Tuhun Ay Ka Qabtay Doorashadii Dhawayd In Xildhibaanno Dalal Kale U Shaqaynayaa Kusoo Baxaan Baarlamanka!!

0
647

Hargeysa, August 19, 2021- (Foore)- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Siciid Sulub Axmed ayaa eedo culus u jeediyey mid ka mid ah xildhibaannada Golaha wakiillada oo xukuumadda ku eedeeyey arrimo la xidhiidha deegaan Galbeed ka xiga magaalada Wajaale isaga oo Wasiirku xildhibaankaasi ku tilmaamay kuwo ay xukuumaddu sida uu hadalka u dhigay uga shakisan tahay in dalka lagu soo dhex darsaday.

Inkasta oo aanu faahfaahin cidda ku soo dhex darsatay iyo shakiga xukuumadda haddana Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed waxa uu sheegay in dawladdu hore uga shakisanayd in ay jiri karaan xildhibaanno cido kale oo shisheehe wadaan oo lagu so dhex darsado qaranka sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Sulub oo daba socda Xildhibaanka ka hadlay qaddiyadda deegaan u dhaw Wajaale ayaa waxa uu yidhi: “Aniga xildhibaankaasi halkan ayuu iigu yimid. Waxa uu ii yimid bishan 11-keedii. Waxaan u malaynayaa in maalintii xildhibaannada la dhaariyey in ay ahayd bisha saddexdeedii. Wiigbuu qiyastii dhaarsanaa. Su’aalaha uu I waydiiyay waxa ka mid ahaa, waxaad raaciseen dhul magaalo cad ay leedahay ayaad Wajaale raaciseen. Waxaan ku idhi waxan aad ka hadlayso garan maayo. Waxa uu igu yidhi dad baad xidhxidheen, waxaan ku idhi meesha aad ka keentay adaa garana anigu ma hayo. Mashruucaa aad sheegayso adaa garanaya ee xog iiga keen ayaan ku idhi. Kadib waxaan dhagaystay waraysi uu bixiyay. Waxaad moodaysay hadalkiisa markii aan u fiirsaday sidii qof ciil qaba oo kale oo wixii uu marki hore suuqa la joogay la soo galay Golaha oo aan qaranimo danaynayn waxa afkiisa ka soo baxayana aan danaynayn. Annagu ka wasaarad ahaan dhulka ma kala xadayno. Kala xadaynta dhulka waxa qaabilsan wasaardda daakhiliga. Mashruucaasina mid dhul iyo degmo midna ku xidhan ma aha ee waa mashruuc qaran. Mashruuc qolo sheegan karto ama deegaan sheegan karo ma aha. Waa mashruucaa tijaabada taranka xoolaha iyo tayaynta calafka. Ma aha mashruuc cid gaar ah loo samaynayo balse inanka hadalkiisa waxa ka muuqatay qabiil iyo gobolnimo iyo dadkii oo uu isku dirayo oo uu leeyahay waxbaa silig lagu xidhay. Waxaasina wax qarankeena dhibaya weeyi oo aanay ahayn nin umaddi soo dooratay oo gole qaran imanayaa in uu sidaa u hadlo. Waxa hadalkiisa ka mid ahaa oo kale in ay Somaliland albaabadu u xidhan yihiin jiiraanka ay col nahay oo ay albaabada innaga xidheen oo adduunyadu innaga soo hor jeedsatay waana wax lala yaabo. Xildhibaannada waxaan leeyahay taxadar baa ka jiray marka horeba oo waxaan leeyahay malaha waxa jira xildhibaanno la innagu soo darsaday. Kuwa dalka caynkaa u baabiinaya ee warbaahinta waxaa caalamku dhagaysanayo ka sheegaya. Waxaan odhan lahaa xildhibaankaa iyo wixii la ra’yi ahba shalay wixii aad suuqa la joogay ee dareen ahaa ee kugu jiray maanta waad ka kortay oo gole qaran oo ka mid ah golayaasha qarankan in ay taabbo galiyaan laga rabo ah ayaad gashay. Waxaan ku leeyahay mashruucaasi waa mashruuc qaran. Dastuurka qaranka ee kaa dhigay xildhibaan qodobkiisa 12aad waxa uu qeexayaa dalka, dhulka in dadku leeyahay qolo laguma sheegin qoysna laguma sheegin”.  Ayuu yidhi wasiirka xanaanada Xoolaha somaliland Siciid Sulub.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here