Qisada Tagsiilihii 10-ka Kun Ee Shilin Loogu Qaldamay 10-ka Kun Ee Dollar

0
491

Hargeysa, August 19, 2021- (Foore)- Cumar Cabdi Daauud waxa uu ku nool yahay kana shaqaystaa magaalada Hargaysa. Waa mid ka mid ah dadka ku shaqaysta ama ku xoogsada gaadiidka yaryar ee taxi-yada ah.  Cumar waxa la kulantay arrin ay yartahay in uu qof sameeyaa. Tilmaamaysana akhlaaqdiisa iyo dadnimadiisa, waxa uuna ii sheeggay in yaraantiisii lagu soo barbaariyey in uu ilaaliyo xuduudaha Illaahay. Isaga oo goor duhur ah oo cadceeduna kulushahay ku guda jira shaqadiisa darawalnimo, kuna shaqaysanaya adeegga Dhaweeye ayaa waxa macmiil uu ka qaaday wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland horteeda, macmiilkii ayaana ku yidhi waxa aad i geysaa hotel ka Goljano ee hilib geela.

Masaafo ahaan labadaa meelood ee macmiilku u kala socdaalayaa waxa ay tahay wax ka yar 2 KM, oo lacagteeduna noqonayso 10 kun oo shilling Somaliland ah. Markii uu macmiilkii goobtii gaadhsiiyey ee farriintii lacagtu u soo dhacday ayuu macmiilkii u direy lacag 10 Kun ah, waana ka deggay.

Darawalku waxa uu yidhi ma aan tijaabin lacagta uu ii soo direy ee message ka inta aan sanqadhiisa maqlay ayaan ku idhi mahadsanid oo iska sii watay shaqadaydii. Cabbaar inta uu darawalkii hawlo shakhsi ah soo qabsaday ayuu dukaan ku leexday kadibna waxa uu is yidhi ka iibso alaabyar oo illaa hal dollar noqonaysa. Markii uu dukaankii soo istaagay ee is yidhi lacagtii dir ayuu  waayey lacagtii oo uu arkay in aannuu macmiilkii u soo dirin. Kadibna lacag uu jeebka ku haystay ayuu bixiyey oo ka dhaqaaqay dukaankii. Markii uu gaadhigiisa ku noqday ayuu message yadii lacagaha dib u baadhay kay timi lacag 10 kun oo dollar ah ayuuba soo direy! Waan hubsaday ayuu yidhi oo hadhaagayga ayaan eeggay, mise 10 ka kunba way ku jirtaa. Numberkii uu lacagta uga soo direy ayuu ka wacay macmiilkii balse muu helin. Haddana numberkii ayuu save garaystay oo ka eeggay whatsup in uu leeyahay iyo in kale! Waaba online oo whatsup wuu leeyahay. Wuu wacay! Balse kama qaban. Haddana waxa uu u duubay cod. Kadibna macmiilkii ayaa telefoonka ka qabtay, waxa uu na u sheeggay in uu lacag u direy 10 kun oo dollar ah isaguna uu 10 kun oo shilling ku lahaa. Macmiilkii wuu u qaadan waayey wuxuuna ku yidhi inyar isug accountkayga hubsadee. Waxyar kadibna wuxuu u sheeggay in ay lacagtu ka maqan tahay. Darawalkiina lacagtiisii oo dhammaystiran ayuu u direy macmiilkii.

Waxa xusid mudan saacadihii uu raadinayey macmiilka ee telefoonkiisu u dhici waayey in uu la wadaaggay qaar ka mid ah asxaabtiisa oo qaar ay ku yidhaahdeen war isticmaal halka qaar kalena ku yidhaahdeen iska celi lacagta, darawalku se markasta in uu lacagta celiyo oo helo macmiilka ayuu mar horeba go’aan ku gaadhay. Waxa aynu ku noolnahay duni ay yar tahay in uu qofku haddii uu ammaano helo uu celiyo, Cumar waan u hambalyaynayaa tallaabada geesinimada leh ee uu qaaday. Waxa aannaan ugu ducaynayaa in Illaahay dhididkiisaa uu shaqaysto uu u barakeeyo. Mahadsanid akhriste sida aad ugu xidhan tahay bandhigga Farax! Waxa aan idinka codsanayaa in aad Cumar ila dhiirrigelisaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here