Hargeysa, August 19, 2021-(Foore)– Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somaliland ayaa shalay soo gaba-gabeysay dacwadda kiiskii dilka ee bilowgii bishii July ee sannadkan Jaamacadda Camuud qeyb-teeda Boorame loogu geystay Allaha u naxariistee marxuum Ibraahim Cabdishakuur oo ahaa arday Jaamacaddaasi wax ka baran jiray.
Maxkamadda ciidamada ee Somaliland oo iyadu kiiskan gacanta ku heysay ayaa shalay ku dhowaaqday in xukun dil toogasho ah lagu ridday Cismaan Diiriye Buraale oo ah askarigii ka dambeeyey dilka marxuumka oo xilligaas ka mid ahaa ardayda Jaamacadda Camuud.
Sidoo kale askariga geystay falkan dilka ah ee la xukumay ayaa ka mid ahaa ciidamada waardiyeynayey dhismaha Jaamacadda Camuud ee dilkani ka dhacay.
Sida ay shaacisay maxkamadda oo fadhiyo kala duwan ka yeelatay kiiskan, Cismaan Diiriye ayaa lagu helay falka lagu soo eedeeyey, kadib marqaatiyo & cadeymo lagu helay. Dilka Ibraahim Cabdishakuur oo 21 sano jir ahaa, kana soo jeeday maamul Goboleedka dalkaasi Soomaaliya ee Puntland, gaar ahaan Boosaaso ayaa dhaliyey cadho xoogan, maadaama lagu dilay Jaamacaddii uu dhiganayey. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland markii uu dilkani ka dhacay magaalada Boorama oo keenay guux badan dadka dejisay oo shacabka ugu baaqday inay is dajiyaan, iyada oo sidaas lagu xidhay askarigii geystay dilka oo ay maanta xukun adag ku ridday maxkamadda milatariga ee Somaliland.
Xukunkan ayaa waxaa sidoo kale aad usoo dhoweeyey ehellada marxuumka, ardayda jaamacadda iyo guud ahaan shacabkii ka cadhooday dilka wiilkaasi dhallinyarada ahaa.
AUN Ibraahim Cabdishakuur ayaa waxa uu dhiganayey sannadkii labaad Kuliyadda Engineering-ka ee Jaamacadda Camuud qeybteeda magaalada Boorama.