Hargeysa, August 19, 2021- (Foore)- Wariye iyo Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa jawaab ka bixiyey haddal toddobaadkan ka soo yeedhay Madaxweyne Biixi, kaas oo nuxurkiisu ahaa in Madaxweyne Biixi uu difaacay xarunta dhaqanka Hargeysa iyo iskuulka Abaarso.
Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa sheegay in aanay mudnayn Xarunta dhaqanka iyo Iskuulka Abaarso in la amaano,isla markaana ay waxay keeneen aanay ahayn wax lagu amaano,balse uu yahay wax laga xishooda oo laga yax-yaxo.
Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan:- “Xarumaha wax-barashada ay fartu ku goddan tahay iyo xarumaha dhaqanka ay fartu ku goddan tahay,xarumahaas waxay keeneen wax la amaano maaha ,waa wax laga qajilo weeye oo laga xishoodo weeye in maanta kuwaa lala safto .”
Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa sheegay in xarumahaas la keenay dadka u ololleeye in filiciladii lagu hallaagay quumu luud oo ah ninku inuu ninka wax ka dayo ama naagtu ay naagta wax ka daydo “Dadkaas waxay keeneen bulshada ugu guracan adduunka, Bulshada aan samayn xattaa waxa uu sameeyo xawaanku,waxay keeneen labka labka wax ka daya ama hungureeya iyo dhediga dhediga wax ka daya ama hungureeya ,dadka noocaas ah ayey inoo keeneen oo dadkeenii ayey ku sii dhex dayeen oo ay uga dhigeen tusaale wanaagsan,itaas ayaa ku filnayd oo ahayd in Madaxweynuhu uu xisaabta ku darsado,itaas ayaa ku filnayd inay tahay meeshaasi meelo aan khayr lahayn meelo aan wanaag soo waddin ,meelo aan ummadda muslimiinta iyo islaamka wax u dan ah meelo aan lagu hayn.”
Dhana kalene Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa sheegay in culimadda iyo wax-garadka dalku ay ka digeen halista xarumahaas,isla markaana ay Xukuumadda ugu baqeen inay wax ka qabato “Xarumaha baas ee iskugu jira wax-barashada iyo dhaqanka,waxa ka digay oo ummadda uga digay xumaantooda iyo dhibta ay leeyihiin culimaddii ayaa ka digtay , guddidii wanaag farista ayaa ka digtay,wax-garadkii ayaa ka digay intuba wey ka digeen meeshaas, Dawladda wey kula dar-daarmeen oo dadka ka qabta ayey yidhaah-deen. Waxa uu intaas ku daray Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon “Arragtida guud ee Bulshada haddii la soo haddal qaado meelahaas intooda baddani wey diidan yihiin .”
Gunaananadkii Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu xarumahaas khadka ka saaro aanu garab siin wax ku lidi ah diinta Islaamka,isla markaana uu haysto fursad qaaliya “Adduunka waa laga tegayaa fursad ayaad haysataa dahabi ah maanta illaahay waxa uu Madaxweynaha ka dhigay qof ka tallin karra oo go’aamin karra oo diidi karra gaaladu waxa ay doonnayso oo illaahay raaligelin karra,markaa maanta fursad ayaa haystaaye ummaddan diinta islaamka ku dhaq oo wixii diinta islaamka la dagaallamaya ummaddan ka qabo oo illaahay ha la kulmin addiga oo garab siinaya xarumaha noocaas ah .”