Waddanka Pakistan waxa uu ka mid yahay dalalka adduunka ee sida weyn looga dhaqmo dameeraha oo ay dadkiisu ka manaafacaadsadaan dhaqan ahaana ay aad u isticmaalaan adeegga dameeraha. Khubaro dalkan u dhashay ayaa muddoba daraaso ku waday sidii suuq ganacsi loogu heli lahaa dameeraha oo tiro badan dadlkan ku jooga dadkiisuna aad u dhaqdaan.
Pakistan ayaa laga helaa tirada saddexaad ee dameeraha ugu badan caalamka, iyada oo ay ku nool yihiin in ka badan shan milyan oo dameero ahi marka laga yimaad dalalka Shiinaha iyo Itoobiya oo la sheego in ay yihiin labada waddan ee dameeraha adduunka ugu adani ku nool yihiin. Waxaa dameeraha looga adeegsadaa dalka Pakistan qeybo badan oo ka mid ah adeegyo kala duwan waana xoolo lagu xamaasho. Waxaa caadi ka ah Pakistan inaad ku aragto gaadhi dameerada oo garab soconaya gawaadhida kale ee caadiga ah gudaha magaalada Lahore ee dalkaasi iyo badiba magaalo iyo tuulo kasta oo dalkaasi ka mid ah. Haatan saraakiisha waddankaasi ayaa doonaya inay lacago Malaayiin Dollar ah ku helaan kheyraadkoodaasi.
Sida laga soo xigtay saraakiisha Pakistan shirkado laga leeyahay waddanka Shiinaha ayaa doonaya inay ku maal-gashadaan lacago malaayiin Doollar ah dhismaha shirkado ka ganacsada dameeraha. Saddexda sano ee ugu horreysa, dowladda Pakistan ayaa qorsheyneysa inay dhoofiso in ka badan 80 kun oo dameero ah.
Dalka Shiinaha ayaa hilibka dameeraha aad looga isticmaala iyada oo maqaarkuna ka mid yahay cunooyinka nafaqada leh iyo dawooyinka dhaqanka isla markaana sidoo kale laga farsameeyo hilibka, lafaha iyo haragiisaba agab kale oo qaali ah.
Halkii dameer ayaa la filayaa in lagu iibiyo sicir gaadhaya in ka badan 500 oo Doollarka Maraykanka ah.
Waddanka Paksitan ayaa wajaheysa culays dhanka mushahar bixinta dowladda ah waxayna baahi weyn u qabtaan isdhaafsiga lacagaha qalaad si ay sare ugu soo qaaddo dhaqaalaheeda oo sannadihii ugu dambeeyey hoos u sii socday. Waxa ay ku rajo weyn tahay in dhoofinta dameeruhu uu qeyb ka qaadan karo in baahidaasi la daboolo sannadaha soo socda.