Qof kastaa waxa uu jecel yahay in uu gaadho guul oo nolosha ku qaato farxad iyo waxa uu higsanayo oo uu guul ka gaadho balse waxa lagu kala hor maraa ama lagu kala tagaa hadba sida loo kala qabsado arrimo sabab u noqda inaad guul gaadho. Dhaqamada iyo dabeecadaha iyo arrimaha ku lifaaqan, waa kuwo aan la jili ama matali Karin balse si dabiici ah u yimaadda. Inkastoo ay jiraan kuwo la barto oo nafta lagu ababiyo. In aad dhaqamo badan oo wanaagsan yeelato waxay kaa caawinayaan qabashada howlo muhiim u ah noloshaada. Waxa ugu yarna waa cadeyga iyo in aad shaqo u diyaargarowdo. Waxaa aad u badan arrimo aan si maalinle ah u sameyso oo haddana aanad ogeynba in aad sameysay. Waxaa ka mid noqon kara xallinta khilaafaadka. Qofkasta wuxuu leeyahay dhaqamo uu si joogto ah u sameeyo. Waxayna u qeybsamaan seddaxdan arrimood:
Dhaqamo aadan ka warhayn balse qeyb wayn ka ah noloshaada, sida cadeyga, lebisashada, shaqo tagidda, salaanta dadka kale. Dhaqamo wanaagsan oo guul keena, sida cunto caafimaad leh oo la cuno, jimicsiga, waxbarashada iyo akhrista buugaagta – waa dhaqamo la barto. Dhaqamo dhibaato keena, sida caajiska, dib u dhigidda wax kasta, cunto xumada iyo kuwa kale – waa dhaqamo lala qabsado, haddii aan la iska celin oo la iska goynin. Maxay yihiin dhaqamada wanaagsan? Waa dabeecadaha kuu horseedaya in sida ugu wanaagsan aad u noolaato, guulo aasaasi ahna ka gaadho Adduun iyo aakhiraba. Balse arrinta ugu muhiimsan waa in aad iska joojiso dabeecadaha iyo dhaqamada xun oo diiradda aad saarto kuwa wanaagsan oo keli ah, sidoo kalena waa in aad joogteysaa, illaa ay ka noqonayaan wax caadi kuu ah. Haddaba waa kuwan qaar ka mid ah dabeecadaha iyo dhaqamada wanaagsan ee naftaada aad bari karto:
- Salaadda subax ka dib, ku bilow jimicsiga maskaxda
Waxaa lagu taliyaa in maskaxdaada ay subixii sameyso jimicsi ay ugu diyaargaroobeyso howlaha iyo shaqooyinka adag ee maalintaa horyaalla. Waxay arrintaas (meditation) kaa caawineysaa in maskax buuxda oo firfircoon la soo baxdo, sidoo kalena la tacaasha xaaladaha adage e maalinta. Walwal iyo culeysyo qaar ayaa suuragal ah in aan la kulanto maalinta. Haddaba waxaad u baahan tahay in istiraatiijiyado iyo diyaargarow wanaagsan la timaado.
- Waxa yar ee aad haysato Allihii ku siiyay ku mahdi oo ku shukri
Waa wax iska dabiici ah oo aad u badan in dadku ay ka fikiraan sidii waxbadan oo dheeraad ah u heli lahaayeen, iyo in aanay ku filneyn waxa ay haystaan. Balse ogow in dad badan oo kaa dhib badan jiraan. Waa dhibaatooyin aan la arkin ama la dareemin, in markasta aad raadiso oo walwal kugu noqdaan wax aanad haysanin ama awoodin, iskana illowdo waxa uu Alle SWT ku siiyay. Sida keli ah ee dhibkaas aad uga bixi karto waa in aad diiradda saarto oo aad eegto waxa aad haysato, oo Allena aad u mahad naqdo. Wuxuu Alle ku siiyay waxaa ka mid ah guul noloeed, caafimaad, farxad iyo maskax aad ku fakarto. Haddii waxa aad haysato aanay ahayn walxo, eeg oo meel ku qor arrimaha kale ee aan la arki Karin ee aad haysato.
- Dhaalla-caddaynta
Imikaba Akhriste, waxyar istaag oo dhoollacadee ka hor inta aanad akhriska qormadan sii wadin!. Wajiga furan iyo dhoolla-caddayntu waa arrin xataa diinteena Islaamka ee xaniifka ahi innagu boorrisay. Sida lagu ogaaday cilmi- baadhis uu sameeyay Machadka Seyniska Cilmi-nafsiga; Wejiga dhoollacadeeya waxaa lagu gartaa nolosha farxadda leh. Wejiga in farxad ay ka muuqato markasta waa muhiim. Looma baahna dhoollacadeynta beenta ah. Waa in ay daacad tahay oo mid iska dabiici ahna noqotaa. Waa dhaqan iyo dabeecad wanaagsan oo u fiican dareenka, qalbiga iyo maskaxda. Adigoo murugeysan oo xanaaqsan, haddii aad dhoollacadeyso, isla markiiba niyaddaadu way hagaageysaa, wayna sii dayneysaa wixii ku gilgilayay. “wajiga furan waa sadaqo” ayuu islaamku yidhi.
- Cun Quraac Ka Sameysan Cunto Caafimaad Leh
In maalinta aad ku bilowdo cunto caafimaad leh waa mid ka mid ah dabeecadaha wanaagsan, muhiimna u ah noloshaada. Sida lagu ogaaday baadhitaan, illaa hal-bilyan oo qof ayaa subixii u gooya quraacda. Haddii aad ku daashay in subax kasta lagu xusuusiyo in aad quraacato, haddaba dhabta la xidhiidha noloshaada ayaa ku daaleysaa. Si aad u guuleysato waa in aad quraacato oo awood iyo tamar aad is geliso. Dhaqan wanaagsan ayey qof kasta u tahay in xilli fiican uu cuno quraacda, oo ka celineysa caajiska iyo daalka maalinta. Quraac oo dhammi iskuma jirto ee waxa muhiim ah in aad cunto quraac caafimaad leh hadba inta aad heli karto.
- Jimicsi Jidhka Ah Samee
Wakhtiyadan dambe ee noloshan casriga ah jimicsi la’aantu waa sida nolol la’aan oo kale. Qof aan jimicsanayn waa sidii qof wax waliba ka maqan yihiin oo kale. Waa dhaqan iyo dabeecad wanaagsan in aad sameyso jimicsiga jidhka iyo murqaha. Uma baahnid in aad orod dheer sameyso ama biro culus aad qaado. Balse waa in aad ugu yaraan 15 daqiiqo oo jimicsi ah aad sameysaa. Jimicsiga wuxuu sidoo kale u wanaagsan yahay fikirka, maskaxda iyo sida daalkaaga maalintaa uu noqonayo. Sidoo kale waxaa hagaageysa hurdadaada.
- Maaree Wakhtigaaga
Waa arrin kale oo fiican in dabeecad iyo dhaqan aad ka dhigato maareynta wanaagsan ee wakhtiga. Waa arrin saameyn wayn ku yeelaneysa guulaha aad gaadhayso. Waxayna kuu fududeyneysaa in aad ogaato waxa aad wakhtigaaga ku bixisay. Maareynta wakhtigu waa waxa kala saara dadka guuleysta iyo kuwa aan waxba qabsan Karin. Wakhtigu waa qaali, haddii aadan ka faa’iideysanna, wuxuu kugu dhaafayaa si fudud. Wakhtiga waxaa uu ka kooban yahay daqiiqad illaa sannad iyo sannado. Haddaba inta aad da’yartahay ka faa’iideyso, oo xilliga aad caafimaadka qabto ka faa’iideyso. Xilliga aad dhaqaalaha haysato ka faa’ideyso. Marnaba yaanu si fudud oo bilaash ah kugu dhaafin wakhtigu.
- La Imow Ujeedooyiin Maalinle Ah Oo Kaa Go’an In Aad Sameyso
Qof kasta wuxuu leeyahay ujeeddo iyo arrimo uu tiigsanayo oo la xidhiidha shaqadiisa ama noloshiisa. Ogowna, innagoo dhami waxaan leenahay waddo inoo gaar ah oo aan ku socono. Haddaba wakhtigey doontaba hakugu qaadatee, yoolkaaga waad gaadhi doontaa. Waxaa muhiim ah in aad yoolkaa u kala qeybiso kuwa yaryar oo aad ku gaadhayso oo maalin kasta qeyb yar aad kaga guuleysato. Runtu waxay tahay: Dadka guuleysta lama yimaaddaan ujeedo aanay dooneyn in ay fuliyaan. Arrin kasta waxaa weheliya go’aan adag oo ah in aanad fashilmi Karin. Haddii aanad ujeeddoba lahayn aad maalintaada xaqiijiso side ayaad u gaadhi kartaa nolol wanaagsan oo horumar leh.
- Raadso wax ku dhiirageliya
Marka aad keligaa wax ku celceliso oo ay kaa fashilmaan ama ay noqon waayaan sidii aad fileysay, waxaad marka dambe dareemeysaa niyad-jab iyo tabar la’aan. Haddaba waa muhiim in aad raadsato wax ku dhiirageliya oo horey kuu sii riixa, kuna xusuusiya muhiimadda ay leedahay in aad raacdo yoolkaaga. Arrinta ugu muhiimsan waa in adiga aad is dhiirageliso maalin walba, adigoo isu muujinaya guusha kaa horreysay iyo waxa wanaagsan eek u sugaya. Xilliga jimicsiga maskaxda aad sameyneyso, si wanaagsan u geli maskaxdaada fikirrada fiican.
- Baro sida maalgashiga loo sameeyo adigoo taxadaraya
Qof aan maalgashi sameyn waa geed aan si wanaagsan miro u dhalin. Maalgashiga wuxuu kaa caawinayaa in aad dhaqaale kugu filan hesho oo wax meel dhigato iyo in xilliga qasaaraha iyo shaqo la’aanta aad u baxsato. Haddaba shirkadaha la maalgashado wax ku darso adigoo aan iska joojin shaqooyiinkaaga kale ee aad haysato. Waa waddada ugu fudud ee lacag loo keydsado.
- Miisaaniyad sameyso, lana soco qarashka kugu baxaya
Waxa ugu daran waa lacagaha yaryar ee sida maalinlaha ah aad u adeegsato. Waxaa wanaagsan in aad la socoto oo aad ka warhayso waxa kugu baxaya ee dheeraadka ah. Sidoo kale waa muhiim in aad miisaaniyad leedahay oo og tahay waxa kugu baxaya bishaas iyo maalin kasta, sidoo kalena aa dog tahay waxa aad keydsaneyso. Isticmaalka lacagta wuu kordhaa marka aadan lahayn miisaaniyad wanaagsan. Haddii aadan ka fikirin qarashkaaga, waxaad noqoneysaa kuwa diinta ay ka digtay ee xoolaha ku ciyaara ee qasaariya.
Ujeedada
Baro oo manta bilow sidii aad naftaada ku bari lahayd dabeecadaha iyo dhaqamada wanaagsan. Markasta oo aad mid ka mid ah gaarto ama barato, waxaad gaartay guul ka mid ah arrimohoo aad tiigsaneysay.