Shaqada culus marka aad ku dhex jirto, waxay u baahan tahay in aad si adag diiradda u saarto oo mashquulka kale iska ilaaliso. Balse mararka qaar, adigoo meel wanaagsan ay waxkasta kuu marayaan waxaa kaa soo dhexgalaya telefoon ama qof iska socdo oo sheekeynaya – halkaas waxaa ku lumaya wixii diiradda aad saareysan waana jahwareer. Waxaa la ogaaday in qofka haddii mar ay wax ka mashquuliyaan shaqo uu hayay, waxaa ku sii xiga in Emial-ka la eego, facebook la fiiriyo, iyo arrimo kale, kuwaas oo keenaya in ay kaa lumiyaan wixii aad diiradda saareysa iyo wanaaggii aad haysay. Baaritaan sida lagu ogaaday, mashquul yar ka dib, haddii shaqada aad dib u bilowdo, waxaad markale u baahaneysaa 10 illaa 15 daqiiqo, si aad ula qabsato. Haddaba, arrin la yaab leh ma ahan in dareenka shaqo ee howlaha u baahan yihiin in ay adag tahay sidii loogu guuleysan lahaa. Markasta wax uunbaa kaa soo dhexgalaya oo ku jahwareerinaya. Balse haddii aad raacdo seddaxdan arrimood, waxaa suuragal ah in aad ku guuleysato:
- Sameyso Wakhti aad iska xireyso wax kasta oo ku mashquulin kara
Xitaa ha ahaato 20 daqiiqo amah al saac – yeelo wakhti aad ku adkeysato joojinta wax kastoo kaa soo dhexgeli kara shaqada. Telefoonka iska qari, hana eegin facebook ama Twitter. Waa in maskaxdaada ay taas ka soo go’daa oo isu ciqaabtaa haddii ay nafta aqbali waydo.
- Garo xilliga iyo meesha kugu wanaagsan ee aad shaqo qaban karto
Inta badan dadka, waxay shaqo diiradda saari karaa lix saacadoo oo keli ah, Isbuucii ba, sida uu sheegay David Rock, oo wax ka aasaasay Machadka Maskaxda-hoggaaminta. Haddaba aad ayey u adag tahay in wakhtiga aad u adeegsato si caqliyeysan. Mark hore naftaada baro iyo meesha kugu wanaagsan. Sidoo kale, inta badan dadka waxaa u fiican subixii ama habeenkii xilli dambe. Taas micneheedu wuxuu yahay in aynaan shaqo wax soo saar leh qaban Karin inta maalinta lagu jiro.
- Naftaada ka celi in ay sida carruurta u dhaqanto – Waa is mashquulinta iyo dib isu dhigidda
Way adag tahay in arrintaas aad ogaato, balse marka aad si dhow isu eegto, waxaa kuu soo bexeysa in maalaayacni uu wakhtiga kaaga lumayo. Marka aad dib u dhiganeyno shaqo ina sugeysa, wuxuu micnaha yahay, arrin ama wax baan isku mashquulineynaa – waa is jahwareerin. Sida ugu degdegsan ee aad dabeecaddaas isaga bedeli karto waa in aad is ogaato oo naftaada ka warhayso. Ka dibna waa in aad bilowdo shaqooyiinka muhiimka kuu ah, oo aadna ku qiimeyso sida aad dareemeyso.