Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Sabab Layaab Leh Oo Sirdoonka Qaranku Magaalada Ceerigaabo Uga Soo Eryeen Dhawaan!!

0
619

Hargeysa, August 16, 2021- (Foore)- Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil Sheekh Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyay arrin layaab leh oo ka qabsatay magaalada Ceerigaabo oo si khasab ah lagaga soo kaxeeyey isaga oo sheegay in nin sheegtay sirdoonka Ceerigaabo in uu madax u yahay uu khasab kaga soo dhoofoyey isaga oo markii uu Hargeysa yimid loo sheegay in dambiga loo haystaa yahay maxaad Badhan u tagtay.

Arrinta Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil oo hadal hayn badani ka dhalatay ayaa waxa uu sheegu faahfaahin rasmi ah ka bixiyay sida ay wax u dheceen in sida uu uga xun yahay ilaa hadda waxa dambiga looga dhigay oo ah kaliya in uu laba maalmood ku maqnaa Magaalada Badhan ee Bariga Gobolka Sanaag.

Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil Sheekh Xasan oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland oo arrintan layaabka leh warbaahinta u faahfaahinayay waxa uu yidhi: “Ummadyahay anigu ma ihi nin siyaasi ah. Idinkula hadli maayo luuqadda siyaasiyinta qarnigan. Warka aan idiin soo gudbinayona u dhigi mayo si diblomaasiyadaysan. Waxaan ahay nin culimo ah oo umaddu markhaati iiga tahay hawshaa aan ku aaddanahay iyo xilkeeda. Wixii igu dhacay aniga oo Ceerigaabo jooga ayaan doonayaa in aan idinla wadaago. Filan waa ayay igu noqotay aniga oo Ceerigaabo u jooga hawl nabadayn ah muddo 28 maalmood ahna ay igu qaadatay. Qoysaska aan u tagay sidii aan ka filayay ayay ii qaabileen aniga iyo sheikh Maxamed Cali Biixi. Markii hawshii noo soo dhammaanayso aniga iyo sheekhii ayaa dhambaal la igu yidhi waxa uu ka yimid xaruntii Hargeysa ayaa wakhti salaaddii subax oo Jimce ah ayaa nin ii sheegtay masuulkii sirdoonka Ceerigaabo ayaa huteelkii iigu yimid. Waxa uu igu yidhi odayow illaa shalay magaalada waad ka maqnayd. Laguma arag illaa xalay taleefankaaga waad densatay. Waxaa lagaa rabaa in aad si dhakhso ah u gasho magaaladii Hargeysa. Waxaan ku idhi bal aashaa hadal anigu shalay dadkii aan dhexdhexaadinaynay ayaa labadii galinba dhex fadhinay oo iyaga ayaa marag iyo markhaati ka ah.  Imika ayay hawshii aanu soo wadnay meel wanaagsan noo maraysaa oo aanu labadii daraf ballaminay. Waxaan ku idhi waar hawshaa min fadlak fursad ii siiya aan soo gunaanadee. Dabadeed anaguna halkii nalaga rabo aan aadno. Waxa uu igu yidhi haddii aad ka bixi waydo Ceerigaabo markaad quraacato wixii dhaca adiga ayaa masuul ka ah. Waxaan idhi waar dee Ruushkaba 24 saac iyo wax ka badan baa dalalka lagaga saari jiree nin shisheeye ma ihiye waxaan ahay muwaadin hantidaydii baa taalla. Waa maxay saacad kaga bax dalka. Ceerigaabo waa magaaladaydii. Aduu ninkii waxa uu ku adkaystay in wixii dhaca haddii aan ka bixi waayo aan masuul ka ahay. Waayahay baan ku sidii sidii baan markaa anigu ku soo baxay. Waxaan ku idhi markaan Hargeysa tago yaan u tagaa cidda I doonaysaa waa ayo. Waxa uu igu yidhi markaad sidaa u tagto waxaad tagaysaa meheradaada markaad sidaa isu taagto ciddii ku rabtay baa kuu iman doonta.

Sagaalkii subaxnimo ayaan ka soo dhaqaaqay Ceerigaabo. Halkan waxaan soo galay siddeedii fiidnimo. 11 saacadood oo kali ah ayaan u soo kala socday Hargeysa iyo Ceerigaabo. Markii aan gurigaygii iyo meheradaydii imid cid taagan oo I qaabisha ama wax ii sheegata maan arkin. Markii aan Hargeysa soo galay waxaan la xidhiidhay ku xigeenka Sirdoonka Faysal Guhaad Cabdi Gahayr. Waxa lagu yidhi sheekhii wuu soo galee maxaa laga rabaa. Faysal waxa uu yidhi anigu sheekhaa iyo arrimihiisa war iyo wacaal uma hayo. Wuu is bari yeelay. Waxaanu la hadalnay taliyihii sirdoonka. Waxa la hadlayay nin kornayl ah oo aanu walaalo nahay. Waxa lagu yidhi sheekhii wuu soo galee maxaa lagu haystaa. Waxa uu yidhi wax allaaliyo wax aan sheekaa ka rabaa ma jiro mana u yeedhanin. Intaasi markii ay na kala gaadhay ayaa 24 saac ka bacdi ayaa ninkii sirdoonka ugu sarreeyey ee igu yidhi wax dambi ah uma haysano ayaa haddana waxa la iiga keenay in uu yidhi ninkaasi waxa uu tagay BADHAN. Waxaan la yaabay warkaa Badhan ee eedda la iiga dhigayo. Badhan waa dalkagii waa dalkeennii umaddeenii baa joogta. Laba maalmood baan joogay Badhan illaa dhawr boqol oo qof ayaan cabashadoodii la wadaagay oo xanuusanaya kadib waxaan ku soo noqday Ceerigaabo. Hawshaydii nabadayntii baan halkii ka bilaabay. Waxa la iiga eed dhigay sida aan arkayo Badhan buu tagay” ayuu yidhi sheekhu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here