“Somaliland Yaan Lagu Marin Habaabin Ereyga ‘Soomaaliyeed’ ” — Qalinka: Maxamed Dhimbiil

0
112

WAA IN AAN JAMHUURIYADA SOMALILAND LAGU MARIN HABAABIN EREY BIXINTA AFSOOMAALIGA EE MACNAYAASHA SHARCI XAMBAARSAN SIDA EREYGA (SOOMAALIYEED).

Waxaa jira erey bixin dadka jamhuuriyada Somaliland adeegsadaan shacbi iyo dawladba oo sameynaya macneyaal kale ama dawlada soomaaliya u sameysatay erey bixin sharci si ay ujeedadeeda ugu gaadho iyo qaabka ay aduunka wax ugu sheegayso , oo ka duwan sidii loo adeegsan jiray hore.

Erey bixinta sharci (legal terminology) ee dastuurka jamhuuriyada federaalka soomaaliya uu u adeegsado ereygan soomaaliyeed  waxaa ay ku fadhidaa qodobka 8aad ee dastuurka kumeelgaadhka ah ee jamhuuriyada federaalka soomaaliya oo qoraya ;
Qodobka 8aad ( shacabka iyo jinsiyada )
1- Shacabka Jamhuuriyada Federalka Soomaaliyeed waa mid , lamana kala qaybin karo wuxuuna ka kooban yahay dhamaan muwaadiniinta.
2- Jinsiyada Soomaaliyeed waa mid qur ah , sharci gaar ah oo ay soo saaraan Golaha shacabka jamhuuriyada federalka Soomaaliyeed ayaa xadidaya sida lagu helayo , lagu laalayo ama lagu waayayo.
Labada qaybood ee 3aad iyo 4aad na waa la mid qaabka ay wax u qorayaan.
Sida ku cad Qodobka dastuurka jamhuuriyada federaalka soomaaliya ee 7aad oo sheegaya dhulka faqrada Qodobkaasi ee 5naad ayaa sidan u qoran ;
5) Xuduudaha Jamhuuriyada Federalka soomaaliya ;
a) waqooyi : Gacanka Cadmeed
b) waqooyi Galbeed ; Djibouti
c) Galbeed ; Ethiopia
d) Koonfur Galbeed ; Kenya
e) Bari Badwaynta Hindiya
Dastuurkani waxaa uu kaga duwan yahay dastuuradii Jamhuuriyadii Soomaaliya ( Somali Republic ) qofka uu u yaqaano muwaadinka Soomaaliyeed ayaa si dhab ah loo qeexay waxaana lagu soo koobay dadka jamhuuriyada Somaliland iyo dadka jamhuuriyada federaalka soomaaliya oo laga dhaxaysiiyey magaca ( jamhuuriyada federaalka soomaaliyeed ) , halkii ay dastuurada hore ee 1960skii qofka soomaaliga ahi ugu qeexnaa soomaalida 5 tii Soomaaliyeed.
Waxaa halkaasi kaaga cad in dastuurkani loogu talogalay Jamhuuriyadii Somalia ( Somaliland iyo Somalia ) oo hadda kala ah Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Federalka Soomaaliyeed , ayaa waxa uu ka mid noqonayaa sheegashooyinka Jamhuuriyada Somaliland ee Soomaaliya oo sifo sharci loo soo dhigey.
IFTIIMIN ;
Sida ku cad dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 4’aad qofka muwaadinka jamhuuriyada Somaliland waxa uu u yaqaanaa ;
Qodobka 4aad
1- Qof kasta oo u dhashay Somaliland kana isiran dadkii deganaa Somaliland 26 June 1960 kii iyo ka hor , waxa loo aqoonsanayaa muwaadin Somaliland.
2- Xeer baa cadeynaya sida lagu heli karo ama lagu waayo karo jinsiyada Somaliland.
Xeerka muwaadinka jamhuuriyada Somaliland ama xeerka loo yaqaano xeerka jinsiyada waxa la yidhaahdaa xeer lr 22/2002 waxaana uu si cad u cadeynayaa muwaadinka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 2aad.
MAXAA DHIBAATO AH EE KU JIRA ADEEGSIGA EREYADA NOOCAN AH ?
Qaranka jamhuuriyada somaliland waxa uu halgan ugu jiraa in uu aduunka iyo beesha caalamka ku qanciyo in uu yahay dal madax banaan oo dawlad gaar ah yahay, sida ku cad dastuurka dalka jamhuuriyada somaliland iyo go’aanadii dib ula soo noqoshada dawladnimada jamhuuriyada Somaliland ee ka soo baxay shirkii Burco 27 April ilaa 15 May la iskula qaatay , sidoo kale dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland afti dadwayne oo dhamayd ogolaansho 97% ah lagu ansixiyey 31-May-2001.
Qadiyada jamhuuriyada Somaliland iyo raadinteeda aqoonsigu waxa ay ku taagan tahay laba tiir oo waaweyn oo aan aduunku iska indha tiri karin oo kala ah:
1-  Dood sharci oo adag oo ay Somaliland haysato iyo cadaymo sheegaya in ay ahayd dal ama gobol gaar gobanimadiisa uga qaatay mahmiyadii ingiriiska 26-June-1960kii.
2-  Doonista go’aanka shacabka jamhuuriyada Somaliland iyo waxgaradkoogu ay iskula qaateen shirkii Burco ee 27 April ilaa 15 May ee 1991 kii , iyo aftidii dadwaynaha jamhuuriyada Somaliland u qaadeen dastuurka dalka 31-May-2001.
Haddaba waxyaabaha badan ee la rabo in lagu marin habaabiyo qadiyada iyo jiritaanka qaranka jamhuuriyada Somaliland oo loo tuso caalamka in uu yahay qayb ka mid jamhuuriyada federalka soomaaliya waxa la sameeyey xirfado iyo xeelado loogu talogalay in Somaliland lagu wiiqo oo badhna ka soo baxeen shirarkii wadahadalada , badhna ay yihiin beeno lagu celceliyo si aduunku u rumaysto oo ay ugu wayn tahay doorashada Somaliland baa muqdisho lagu qabanayaa.
SOO JEEDIN
Waxa aan u soo jeedinayaa hay’adaha xeer dejinta dalka , garsoorka iyo fulinta qaranka jamhuuriyada Somaliland;
1-   in siyaasad cad iyo qorsheyaal qaran laga yeesho arimaha noocan ah ee ay ka mid yihiin erey bixinta dawlada jamhuuriyada Somaliland u taqaano wax badan oo hore loo adeegsan jiray in wax laga badalo laguna soo saaro faafin si aanay wax u yeelin oo u marin habaabin qadiyada iyo dawladnimada qaranka jamhuuriyada Somaliland.
2-   In dib u eegis iyo is qiimeyn qaran lagu sameeyo shirarkii wadahadaladii jamhuuriyada Somaliland iyo jamhuuriyada federalka Somalia waxii ka soo baxay iyo saameynta uu Somaliland ku yeeshay faaiido iyo qasaare ba.
3-   In xukuumadu mawqif cad ka istaagto siyaasada somaliya iyo Somaliland ka dhaxaynaysa , waxii aynu wadaagi karno iyo waxii lagu kala duwan yahay , aduunkana u cadeyso hadalada maalin walba lagu celcelinayo ee muqdisho in aanay ahayn qaar jamhuuriyada Somaliland quseeya.
Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here