Hargeysa, August 5, 2021- (Foore)- Siyaasi Ismaciil Yare oo kamid ah madax-da Xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay doorkii uu siyaasi Maxamuud Xaashi ku lahaa doorashadii ay ku guulaysteen Xisbiyadda Mucaaradku ee shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.
Siyaasi Ismaaciil Yare ayaa sheegay in doorashada ururrada siyaasadda ay ka horayso doorashada Madaxtooyadda Somaliland,isla markaana loo baahan yahay in marka hore la qabto doorashada Madaxtooyadda,maddaama oo ay tahay mid ka soo horaysay doorashada ururrada siyaasada.
Ismaaciil Yare ayaa ugu horeyn ka hadlay doorkii siyaasi Maxamuud Xaashi uu ku lahaa guushii Xisbiyadda Mucaaradku ay ka gaadheen doorashadii shir guddoonka “ Waxa weeyaan siyaasi Maxamuud Xaashi raggii siyaasiyiinta ahaa ee waxan ka shaqaynayey ayuu kamid ahaa, laakiin masuuliyadda gaar ah oo uu hanashadeed halkaa gaar u leeyahay ma jirto ,waxay ahayd mid ay axsaabta isbahaysigu iska kaashadeen isaganuna dhiniciisa wuu ka qabanayey oo wuu ka dedaalayey ,maddax-da ayeyna kulmayeen guushaana wax ayuu ku leeyahay,lakiin lama odhan karro keligii isaga ayaa ka dambeeyey ee waxa weyaan guul raacday axsaabtii isbahaysiga oo ay ku gaadheen inay is tageeraan guushaasi waa mid loo daynayo inay leeyihiin Madax-da Xisbiga WADDANI iyo madax-da Xisbiga UCID isaguna raggii siyaasiyiinta ahaa ee taageero baddan ka muujiyey ee la shaqaynayey ayuu kamid ahaa isaguna wuu mahadsan-yahay .”
Dhanka kalene Siyaasi Ismaaciil Yare ayaa ka hadlay furrista ururrada siyaasadda, waxaanu sheegay in wakhtigoodii aanu dhaweyn, isla markaana ay doorashada Madaxtooyaddu ka soo horayso“Degaankii lagu tartamayey ee wanaagsanaa ee aan shakiga lahayn wey soo dhaaftay qaabka wax loo dooranayaa uma arko nidaam sax ah oo wax lagu waddi karro,xilligii la furayey may ahayn in iminka la furro ,liisanadii saddex-da Xisbi may dhicin,waxay dhacayaa doorashada Madaxweynuhu marka ay dhacdo kadib,markaa kadib in la furro mooyee hadda lama gaadhin wakhtigoodii .”
Waxa uu intaas ku sii daray “Waxa aanu sugaynaa hadda sidii loo qaban lahaa ee loogu diyaar garoobi lahaa doorashadii tartanka Madaxtooyadda ee maaha in loo diyaar garoobayo tii axsaabta in la furrayo, waayo waxa ka horeeya doorashada Maxweynaha,taas ayey tahay in marka hore la qabto.”ayuu yidhi siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) oo ka tirsan xisbiga WADDANI.