Waa Kuma Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed Oo Noqday Gudduumi Yaha Cusub Ee Golaha Wakiilada JSL

0
632

Hargeysa, August 5, 2021- (Foore)- Dorraad waxa si rasmi ah loogu dhawaaqay natiijada doorashada shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland kadib markii ay fadhigii ugu horreeyey ee koowaad yeesheen Golaha Wakiillada cusub ee somaliland dhawaan loo doortay kuwaasi oo dhaarinta xildhibaannada cusub kadib si toos ah u guda galay doorashada shir-guddoonka Golahaasi oo muddo ay ku hirdamayeen Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE iyo is-bahaysiga xisbiyada Mucaaridka waxaana guddoomiye shalay loo doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo WADDANI ka soo baxay.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed Waxa uu heley 42 cod, halka Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ooh ore u ahaa Wasiirka Arrimaa Dibadda Somaliland oo la tartamayay uu heley 39 cod. Haddaba aan is waydiinee waa kuma shakhsiyadda Cabdirisaaq Khaliif Axmed ooh ore xilal wasiirnimo uga soo qabtay isla xukuumadda xisbiga KULMIYE ee Somaliland ka hor intii aanu ku biirin xisbiga WADDANI.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood ee caasimadda Gobolka Sool, sannadkii 1967-kii, waxabarshada hoose waxa uu ku qaatay isla magaaladaasi Laascaanood.

Halka uu waxbarashadiisii sare markii dambe uu ku qaatay dhinaca Koonfurta Soomaaliya wakhtigii dawladdii hore ee Soomaaliya.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed mar uu ka hadlayay taariikhdiisa nololeed Waxa uu sheegay in aanu ku shaqayn wixii uu bartay ee takhasuskiisu ahaa isaga o u baydhay dhanka ganacsiga gaarka ah, maamulka iyo ugu dambayn siyaasadda oo uu galay.

Labaatankii sano ee u dhaxeeyey 1991 illaa 2010 hawlahaas ayuu ku mashquulsanaa Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo waxa uu ahaa nin ku shaqaysta Ganacsiga gaarka ah iyo maamulkaba.

Xukuumadii ugu horreysay ee madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo eek a dhalatay xisbiga KULMIYE markii uu talada ku guulaystay sannadkii 2010-kii, Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa uu ka noqday wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska.

Halka mar kale isla xukuumaddaasi uu gadhwadeenka ka ahaa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu sannadkii 2013ka mid noqday isaga oo bishii Juulaay loo magacaabay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland.

Mudadaasi waxa uu ahaa Wasiir ka dhex muuqda xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo illaa laga soo gaadhayay sannadkii 2015 markaasi oo xisbiga KULMIYE tartan xooggani dhexdiisa ka jiray oo ay dhinacyo hogaankiisa ku tartamayaa isku haysteen waxaana dhacday in uu Cabdirisaaq Khaliif Axmed ka mid ahaa xubno Wasiirro ah oo saluug ka muujiyey go’aan uu Madaxweyne Siilaanyo ku dhisayay wakhtigaasi Madaxweynaha wakhtigan Mudane Muuse Biixi Cabdi, sidaana ay isaga casileen xukuumaddii uu ka midka ahaa.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo xubno kale oo ay isku aragti ahaayeen waxa ay wakhtigaasi ku biireen xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

Muddo kooban kadib waa sannadkii 2016 kiiye, Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro waxa uu Cabdirisaaq Khaliif Axmed u magacaabay Xoghayaha Maaliyadda ee xisbiga WADDANI.

Bishii March, Sannadkii 2018 Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa uu noqday Guddoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee Xisbiga Waddani isaga oo lagu doortay shirweynihii xisbiga WADDANI yeeshay ee lagu dooranayay hogaanka shanta sano ee xisbiga.

Horraantii sannadkan 2021 waxa uu noqday Musharrax rasmi ah oo xisbiga WADDANI ku matalayay Gobolka Soo loo uu uga tartamay golaha wakiillada Somaliland taasi oo uu doorashadii Somaliland ka dacday 31-kii May ku soo baxay. Heshiiskii ay galeen xisbiyada Is-bahaysiga Mucaaridka ee WADDANI iyo UCID waxa uu Cabdirisaaq Khaliif ka mid noqday xubnaha ay is-bahaysigu u soo xusheen in ay ugu matalaan tartanka shirguddoonka wakiillada isaga oo ay gaar ahaan ugu soo xuleen xilka Guddoomiyenimo oo ugu dambayn uu shalay ku guulaystay.

Dadka siyaasadda Somaliland u kuur gala ee falanqeeyaa waxa ay ku tilmaamaan shakhsiyadda Cabdirisaaq Khaliif Axmed siyaasi qunyar socod ah oo ay aad isugu dhaw yihiin madaxda sare ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here