Hargeysa, August 5, 2021- (Foore)- La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha Doorashooyinka Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo ka mid ah Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in bulshadu fahmi la dahay sababta Kulmiye loogaga guulaystay doorashadii Golaha Wakiillada iyo Deegaannada ee 31 May qabsoontay laakiin, jawaabteedu tahay in Xisbiga KULMIYE gudihiisu tartamayay.
Cabdillaahi Cukuse oo magaalada Hargeysa ku qabtay shir jaraa’id oo uu xukumadda ku ammaanay kagana difaacay eedihii ku aaddana loolankii shirguddoonka oo laaluush lagu eedeeyay Xukumadda waxa ay wariyeyaashu su’aalo ka waydiiyeen sababta Xisbi Xaakimka loogaga guulaystay shirguddoonka Wakiillada iyo Maayarrada magaalooyinka dalka waxaanu ku jawaabay“Afkaad iga qoryo-qoryaynaysan ee waxaan ka warwareegayay haddaan sheego xisbiga KULMIYE guuldarrada maba yaqaan; waa xisbiga kaliya ee laba jeer ku guulaystay madaxtooyada dalka, waa xisbiga kaliya ee laba jeer oo doorashada baarlamaanka la qabtay mar walba kaalinta labaad galay waxa doorkan dhacay ee aad fahmi kari la dihiin waxa weeye Kulmiye laftiisii uun baa tartamayay, kuwii shalay Kulmiye ka baxay iyo kuwii maanta Kulmiye joogay wax weyn oo kale may dhicin,” ayuu yidhi Mr Cukuse.
Dhanka kalene La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha Doorashooyinka Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa ka muquurtay dedaaladii uu Xisbiga KULMIYE uu ku doonnayey inuu ku hanto shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, kaas oo aan ka dhex muuqan jirin dhaq-dhaqaaqyaddii ay katiriinta Xisbiga KULMIYE ay ku doonnayeen inay ku hantiyaan shir guddoonka Golaha Wakiillada, waxaana la sheegay inuu ku maqnaa dalka Itoobiya.
Siyaasi Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaan sinama uga dhex muuqan muddooyinkii ugu dambaysay ee ay xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE sida maalinlaha ah saacad walba ugu mashquulsanaayeen kaambaynka ay ugu jireen hanashada shirguddoonka wakiillada iyo fadhataysigii xildhibaannada isbahaysiga.