Ogow Sababta Dad Badan Kaneecadu Dhiigooda U Jeceshahay Ee Ay Mar Walba Qaniinto

0
805

Dad badan ayaa isku arka iyaga oo ay kaneecadu aad u jeceshahay oo mar walba qaniinto taasi waxa ay keentaa in aad dadka ka maqasho hebel ama heblaayo way dhiig macaan tahay oo kaneecada ayaa jecel. Caafimaad ahaan haddaba maxay arrintani tahay?. Waa arrin jirta in kaneecadu ay dadka qaar ka hesho, kuwa kalane ay neceb tahay inay qaniinto. Sida la ogyahay, kaneecadu qofka iskama qaniinto, waxay qaniintaa kaliya markay u baahan tahay dhiig bini’aadan si ay ugu bacrimiso beedka ay xambaarsan tahay.

Alle SWT wuxuu kaneecada siiyay awood aragti iyo mid urin heer sare ah oo ay ku kala soocato dadka ay u baahan tahay inay dhiigga ka nuugto. Sidaas awgeed, dhiigga ay u baahan tahay waa inuu noqdaa dhiig iyada iyo ukumaheeda caafimaad u leh oo ay xiisaynayso, sida qofkuba uga fogaado cunnooyinka qaar oo aanu ka helin ama uu dhibsanayo.

Maxay Tahay Waxa Ay Qofka Ku Doorato?

Waa su’aal aad u muhiim ah oo cilmibaadhayaashu ku bixiyeen waqti dheer si ay u ogaadaan sirta ka dambayso arrintaan, way jiraan waxyaabo la ogaaday, laakiin waa arrin weli u baahan in si qoto dheer ah looga sal gaadho oo aan wali la wada ogaan.

-Hiddaha: Boqolkiiba 85% waxaa mas’uul ka ah genes-keenna ama hidda raaceenna ama abuuristeena.

-Dufanka Kollestaroolka: Dufankani hadduu ku badan yahay maqaarka waxaa la arkay in kaneecadu ay aad u jeceshahay, laakiin qasab ma aha in haddii dhiigga laga baadho in kolestaroolkaagu kacsanaado.

-Aysiidha Uric / Uric Acid: waa walax kale oo jidhku soo saaro, qofkii ay ku badan tahay, waxaa la arkay in ay kaneecadu jeceshahay, waana wax ay aad u uriso.

-Hawada Carbon-ka: dadka soo saara hawadaan “carbon dioxide”-ka iyadane aad ayay u jeceshahay inay soo ag dhoobanto oo ay jidhkiisa ku soo dul degto iyaga oo dhiigga ka dhuuqaysa.

-Aysiidha Lactic / Lactic Acid: waa maaddo jidhku uu soo saaro, dadka qaar ayaa dhididkooda maadadaan aad looga helaa, waxayna ka mid tahay waxyaabaha kaneecada soo jiita.

-Nooca dhiigga: Inkastoo dhiig walba ay kaneecadu nuugto laakiin waxaa la arkay inay aad u sii jeceshahay dhiigga nooca “O”

-Khamriga: waxaa la arkay in kaneecadu ay jeceshahay in ay cunto dadka caba khamriga nooca “beer-ka” loo yaqaano. Waana arrin aad loo tijaabiyey waxaanay dhiiggaasi ka heshaa maadooyinka biirka ku jira

-Cudurka: cudurrada qaar qofkii qaba ma cunto kaneecadu iyo haddii qofku ay ku badan tahay bakteeriyada qaar oo mas’uul ka ah inay soo saarto walxo laga urin karo dhididka qofka.

-Dharka: waxaa la arkay in kaneecadu ay soo jiidato midabada madawga iyo casaanka, marka dadka labbisan dharka midabadaas leh, kaneecadu way soo jiitaan.

Intaasi waa inta illaa iyo hadda la ogyahay, laakiin cilmibaadhisyo kala duwan ayaa socda si warbixin dheeraad ah looga helo sirtan la xidhiidha dhiiggagga ay kaneecadu jeceshahay.

Fadlan haddii aad tahay dadka kaneecadu jeceshahay, ka xidho dhar suuf ah oo adag ama shandarawad si aaanay  kuu qaniin, isticmaal kiriimyada ama saliidaha la marsado oo ay kaaga carari karto, qolka ama guriga ku qiiji geedaha qaar ay aad u necebtahay sida geedka baxar-saafka iyo wixii la mid ah.

Cudurka Ay Kaneecadu Keento Ee Malaariyada:

Anopheles waxaa la yidhaahdaa nooca dhadigga kaneecada ee keenta malaariyada ama duumada sida dadka qaarkii ay u yaqaanaan!

Waa maxay duumadu ama malaariyadu?

Duumadu waa cudur ay keento kaneeco sumeysan oo qaniinta dadka. Waxay keentaa qandho, ama xumad, dhaxan, madax xanuun, jidh-xanuun, Matag iyo calaamado kale oo badan. Noolaha keena xanuunka kaneecada ayaa raaca dhiigga, wuxuuna tagaa beerka si uu ugu tarmo. Marka ay ka soo baxaan beerka ayay dib ugu soo taabtaan dhiigga si ay cudurka u bilaabaan laba toddobaad ka dib. Noocyo ka mid ah kaneecada ayaa ku jiri kara beerka muddo aad u dheer.

Maxay Malaariyadu U Tahay Cudur Halis Ah?

Ma jiro talaal lagaga hortago malaariyada. Waxay sababtaa duumada ama Malaariyadu xanuun xun oo keeni kara dhimasho. Waxaanay kugu dili kartaa 12 saacadood gudahood. Waxa lagama maarmaan ah in aad ka hortag sameysid, iska ilaalisid qaniinyada kaneecada isla markaasna aad liqdid daawada ka hortagga malaariyada.

Haadii ay malaariyo kugu dhacday, mar hore ma leedahay difaac?

Dadka ay kaneecadu ku dhacdo marar badan waxay yeeshaan difaac jidheed oo aan dhamayn, laakin difaacu waqti yar ka dib ayuu ku tagaa. Inta badan I ilaa 2 sano guduhood ayaad la mid noqon kartaa qofka aanay hore ugu dhicin cudurka kaneecadu. Markaa uma lihid difaac, xataa hadii ay waayo hore kugu dhacday duumo amaMalaariyadu.

Sidee Looga Hortagaa?

Ka hortagga duumada ama kaneecada qaniinyadeedu wuxu kaa badbaadiyaa duumada iyo cudurada kale ee ay keento kaneeco sida- yellow fever, cudurka maskaxda loo yaqaan “Japanese encephalitis” iyo xumadda dengue. Kaneecadu waxay dadka qaniintaa subaxa hore iyo maqribkii inta badan.

Samee Arrimahan Ka Hortagga Ah:

Gasho dhar kuu qariya gacmaha iyo lugaha, qaboojiyaha guryuhu wuxuu eryaa kaneecada. Seexo guri ku leh shebeg daaqadaha. Seexo sariir leh mara kaneeco. Waxa jira mara kaneeco leh maadad disha kaneecada.

Waxad adigu ku buufin kartaa marada kaneecadda dawooyin sida PERMETHRIN.

waxaad iibsan kartaa maro kaneeco ama teendho kaneeco (sansayeeri).

Waxa muhiim ah inaad iibsato maadooyinka la buufiyo ee erya kaneecada sida “DEET”, gaar ahaan kuwa leh “25%-50% DEET.” (PIFPAF-ta)

Maxaan Daawo Ah Oo Kaneeco Ka Hortaggeeda U Qaataa?

Waxa jira dawooyin kala nooc ah oo la isticmaalo, weydii dhakhtarkaaga nooca iyo sida aad u liqayso. Waa lagama maarmaan ah in adiga iyo caruurtuba aad qaadataan daawada ka hortagga kaneecada. Fadlan dawada u qaado sida loo qoray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here