Maxaan Ka Bartay Waayaha Nolosha?

0
737

Ilaahay wuxuu aduunkan ku abuuray bani’aadam, kuwaas oo uu ilaahay siiyey ku noolaanshaha iyo waliba ku tasarufkiisa, Wuxuu ilaahay ka dhigay kuwo ka kooban rag iyo dumar waxaa kale oo ay ku kala duwan yihiin xagga midabka, xaga dhaqanka, luuqadaha, iyo diimahaba, laakiinse waxay ka siman yihiin dadka kan adduunka ku nooli inay arkaan indhahoodu dhagahooduna maqlaan wax kasta oo la odhan karo waa wanaag amaba way wanaagsan yihiin.

In kasta oo ay ku kala aragti duwan yihiin, Laakiinse waxaynu odhan karnaa dhamaan dadka adduunka ku nooli waxay jecel yihiin inay noolaadaan waliba si fiican u nooladaan, laakiinse waxay ku kala duwan yihiin, Muminku wuxuu u noolayahay nolosha adduunyadu in uu badbaado aakhiro, halka dadka kale ee intaa ka soo hadhay ay iska noolyihiin iyagoon u aabo yeelin waadi kasta oo ay ku halaagsamayaan iyo waliba meel kasta oo ay addunyadu la gasho.

Waxaan intaas uga baxayaa muhiimada hadalkeena oo ah qodobo dhawr ah oo qofkii si dhab ah ugu dhaqmaa uu nolosha ku noolaanayo farxad iyo raaxo kaligii iyo dadka dhexdiisaba aakhirana uu ka mid noqonayo kuwa guuleysnaya ee liibaaney.

Qobobadan waxaa inta badan laga soo turjumnay Risaalada qaaliga ah ee uu leeyahay Muftiga reer Suuriya iyo masar ee Dr. Mustafa Al-Subaaci Wuxuu sheikhu cinwaan uga dhigay Risaalada “sidaasay noloshu I bartey ” oo uu soo bandhigey sida uu tijaabo ahaan ugu arkay ku dhaqanka qodobadan iyo sida uu ugu liibaanayo nolosha qofka qaata qodobadan.

Waxaa uu sheekhu ku bilaabey sidan :

Sideed guud ahaan u noolaanaysaa?.

1: Ha quusan, quusashadu waa inaad ka gaalowday naxariistii Rabbi.

2: Ha cadhoodhin, cadhadu waa dilaaga wanaaga nafta.

3: Ha xaasidin qof kale, xaasidnimodu waxay xumeysaa nolosha quruxdeeda.

4: Ha murugoon, murugadu waxa ay sababtaa in uu jidhkaagu diciifo.

5: ku dadaal ilaalinta nadaafadaada.

6: Hana iska noolaan adigoon u aabo yeelin waxaa kaa ag dhacaya dunid.a

7: hana noqon mid markasta doorbida waxay naftiisu jeceshahay oo keliya.

8:isku day inaad u ixtiraamto dadka kale sidaad u jeceshahay in laguu ixtiraamo.

Sidee Lagugu Jeclaanayaa:-

1: ilaahay wuxuu kugu jeclaanayaa, inaad badiso cibaadadiisa, akhlaaq wanaagsan.

2: dadku waxay kugu jeclaanayaan, deeqsinimo badan , wanaag aad u samayso.

3: deriskaagu wuxuu kugu jeclaanayaa , waji furfurnaan , dhaqan wanaagsan.

4: walaalahaa waxay kugu jeclaanayaan , inaad xusto wanaagooda iyo inaad Ilawdo khaladkooda

5: macalinka ardaydiisu waxay ku

jeclaanayaan ku dadaalida fahamkooda, iyo u dabacsanaantooda.

6: Ardayga macalinkiisu waxu ku jeclaanayaan : fahamkaaga oo deg deg badan iyo ixtiraamkooda oo aad badiso iyo aragtidaada wanaagsan oo aanad la baqan.

7: Qoyskaagu waxay kugu jeclaanayaan si fiican oo aad ula dhaqanto iyo mashaakilkooda oo aad fahanto.

8: Madaxdaadu waxay kugu jeclaanayaan : shaqadaada oo wanaagsan iyo ixtiraamkooda oo aad badiso.

9: Ilaahay iyo ummadiisu waxay kugu jeclaanayaan in aad sameyso wax kasta oo wanaagsan iyo in aad ka fogaato wax kasta oo xumaan ah.

Iska Ilaali 6-dan Qoddob:

Lixdan qodob ku dhaqankoodu wuxuu kugu sababi karaaa halaag adduunyo iyo mid aakhiro :

1: Rabitaanka naftaada ee xumaanta oo badata.

2: cilmi aanad u baran ilaahay dartii.

3: maal aad heshey oo ku dhaxalsiiya bakheylimo damac badnaan.

4: Wakhti firaaqo kugu soo mara oo aad uga faaidaysato macaasi.

5: Caqligaaga oo ku siiya khiyaameynta dadka.

6: In aad kula kacdo xaasidnimo qof uu ilaahey u nicmeeyey.

Sidee ayaad u bari kartaa Carruurtaadu inay kuu samo falaan:

1: In aad ula dhaqanto si wanaagsan.

2: in aad tustid khaldkooda.

3: in aad xusuusisid waajibkooda.

4: in aad tusto sida fiican ee aad u jeceshahey iyaga iyo hooyadood ama aabahood.

Dariiqa Tarbiyadda Wanaagsan:

1: Tus dariiqa wax jecleysiinta ka hor intaanad wax necbeysiinin.

2: Tus Dariiqa waanada ka hor intaanad canaanin.

3: Tus dariiqa canaanta intaand garaacin.

Xusuusnow Laba Meelood:

Laba meelood ku ilmee Cibaado ku dhaaftey oo aanad ka aanad ka faaiideysan intaad xooganayd.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here