Haweeney dhibaato ku qabta seygeeda oo aad u soo habsaama habeenkii marka uu so hoyanayo ayaa ugu dambeyn kusoo rogtay ganaax layaab leh taasi oo doodo ka dhalisay markii xaajadan lagu baahiyay baraha Bulshada. Haweeneyda oo aanan magaceeda la shaacin ayaa seygeeda mar kasta oo uu soo daaho dul dhigtay ganaax lacageed oo dhan Konton Doollar $50 oo u dhiganta £38 Ginida Ingiriiska ah haddii uu ka habsaamo wakhtiga uu soo hoyan lahaa. Lamaanahan oo u dhashay waddanka Ingiriiska oo isqaba muddo laba sano ah ayaa midba midka kale waxa uu ku dhibtooday dabeecaddiisa, sida ay haweeneydani ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay boggeeda Reddit oo ka mid ah aaladaha lagu wada xidhiidho.
“Saaxiibkey waxa uu yeeshay saaxiibo cusub iyaga ayuuna inta badan fasaxa usbuuca 3-5 subaxnimo lasoo qaataa,” ayay ku tidhi qoraal ay soo dhigtay boggeeda Reddit.
‘Ma weydiiyo cidda uu la joogo ama waxa uu sameynayo ka hor inta aanu tagin laakiin waxaan xaq u leeyahay marka uu soo laabto uun in aan la xisaabtamo. Ma dhibo marka uu maqanyahay. Waxaan rabaa inuu haysto firaaqadiisa sababtoo ah bini aadamka way mudanyihiin taasi.
Waxay sheegtay in wali ay dhibeyso iyada inuu waqti dambe yimaaddo iyo dhaqanka uu lasoo baxay saaxiibkeed. Waxay tilmaamtay inaanay dhibaato weyn ku qabin bixitaankiisa balse xaqiiqdu ay tahay in isagu uu cadhoodo marka ay banaanka iyadu u baxdo taasoo ay sheegtay inay dartiis u joojisay balse iyana aanay aqbalayn imika in ay aragto isaga oo xilliga uu doono iska soo hoyanaya.
Ugu dambeyn haweeneyda ayaa keentay sharci qabanaya labadooda si cadaalad looga dhigo. “Haddii labadeena mid kamid ah aanu joogin guriga 4:00-am, waa inaan midka kale siinaa 50$ qofna aanu sii cadheysnaan Karin,” ayay tidhi. Sababta ayay ku sheegtay inay tahay inuu ka daalo bixinta $50 isla markaana uu guriga yimaado waqtiga la rabo ama lagu heshiiyay.