Wasiir Xukuumadda Ka Tirsan Oo Boqor Buur Madaw Ku Eedeeyey In Uu Isku Dirayo Maxamed Kaahin Iyo Madaxweynaha “Car Dalka Kaalay Haddaad Nin Tahay”

0
598

Hargeysa, August 2, 2021- (Foore)- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Md. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa si adag dhaliilo culus ugu hurgufay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo ka mid ah Madax-dhaqameedka bariga Burco oo dhawaan eedo culus iyo hanjabaado is barkan u soo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa.

Xasan Maxamed Cali oo shalay waraysi gaar ah siiyey Wariye Luqmaan Maxamed Faarax oo ka tirsan telefishanka MM Tv ayaa waxa uu Boqor Cismaan Buur Madaw ku tilmaamay nin nolosha ka dhacay oo aan cidna matalin haddii uu cid waxyeeli karama ay ahayd in uu dalka yimaad isaga oo ku eedeeyey in uu yahay nin caadaystay isku dirka, naxliga iyo hadba meesha lacagi ka gasho in uu ku dhinto marar bandanna xukuumadihii dalku soo xidhi jireen. Isaga oo dhinaca kalena Wasiir Gaafaadhi ku eedeeyey Boqor Buur Madaw inuu isku dhufanayo ama isku dirayo Wasiir Maxamed Kaahin iyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Md. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Ninka la yidhaa Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw waxa caado u noqotay maalin walba inuu hadallo deel qaaf ah oo aad iyo aad dhaqanka uga fog oo anshaxa madax dhaqameed ku xun oo ka waayeelnimo ku xun inuu caadaystay. Cismaan waa nin dhib badan waa nin ka shaqeeya waxyeellada iyo dhibka dadka. Waa nin aan cidna u tudhin waa nin dantiisu meesha ay la gasho xataa hadduu dagaal galin karo galinaya oo ah inaanu ogolayn cid is barbar taagta oo reerka ka soo baxda aanu ogolayn oo uu la dagaalamayo. Waxa ka mid ah maanta waxa xildhibaan ah Cumar Jaamac Faarax. Ma uu rabin ee dan baa khasabtay ee muu rabin inuu soo baxo. Qof kale oo cod leh oo sawd leh in uu reerka ka soo baxo ma ogola. Reerku markii uu khaati iska taagay waxyeelladiisii iyo dhibkiisii waxa ay go’aansadeen in ay Suldaan labaad samaystaan. Hadallada uu maalin walba ku hadlayaa waa kuwo isaga laftiisa waxyeello ku ah oo magac xumo ku ah. Wax aanad yeeli karayn oo aanad ka dhabayn karayn inaad tidhaahdid maaha. Maalin walba haddii aan sidaa la yeelin 24 saacadood gudahood belaayo ayaa dhacaysa oo uu isaga oo dhegta is qabanaya uu car haloo dhawaado car taa hayo. Marka uu taa leeyahay illayn gantaallo ka soo ridi maayo Imaaraadka carabta’e waxa wanaagsan in uu dhulka yimaaddo. Haddii aanu imanba karahayn oo ay maanta xoolihiisii dayacan yihiin oo reerihiisii dayacan yihiin oo aanu dalkaba iman karahaynin waxa ka hadlinayaa waa fulaynimo. Nin cidna waxyeeli karaya ma aha. Haddii uu Madaxweynaha la dagaalamayona dee dhulka ha ugu yimaaddo oo intaa uu dibadda ka leeyahay halkan haka yidhaahdo. Maxamed Kaahin wax wanaag ah oo uu u hayaa ma jirto. God hadduu ku ridi karayana wuu ku ridi lahaa. Wax badanna wuu isku dayay in uu shaqooyinkiisa curyaamiyo in uu waxyeelleeyo. in badan buu isku dayay in uu waxyeello u gaysto maantana waxba iskama baddalin. Laakiin maanta waxa uu meesha ka dayayaa diro diro iyo hadimo uu is leeyahay Madaxweynaha iyo Maxamed Kaahin isku dhufo. Arxan kale iyo wax kale oo uu ka wadaa midna ma jiro. Waa nin meesha adduun la galo wax kasta oo ay ku kacayso iyo wax kasta oo ay gaysanayso u gala. Adduunkaasina mid uu haysan karo ma aha. Muddo gaaban baa laga shubtaa wax ka shubta mooyee kadibna halkiisii buu ka bilaabaa qarafqarafta. Waad ogtihiin meel aan lagu xidhin iyo xukuumad aan xidhini ma jirto. Somaliland xukuumad aan xidhini ma jirto Buur madaw. Xataa Imaaraadka Carabta waa lagu xidhay. Waxaad is odhanaysaa waa dadkii xabsiga loogu talo galay. cid uu masuul ka yahay iyo cid uu soo kaakicinayaa midna ma jirto. Labada habeenimo ayuu soo jeedaa wakhti aan umaddi soo jeedin oo uu taleefan dirayaa, Waxa uu intaa u taagan yahay waa xasarad  iyo dhibaato. Waxaan leeyahay Cismaanow wakhtigii aad magaca lahayd wuu dhammaaday. Waxa aad uga sii wareegtaa waa wixii aad ku dhiman lahayd ee aad ku karaao seegi lahayd. Waar haddii aad madaxweyne waxyeelayso kaalay. Haddii aad u hanjabayso kaalay oo dalka kaalay laakiin halkaa waxa aad ka leedahay adigana waa kuu foolxumo iyo magac xumo cid aad wax ku yeelaysaana ma jirto. Nin bay oo intaa miciin biday baad u ekaanaysaa. Ragannimadu waxa ay ku jirtaa ninka aad is haysaan haddiiba ay jirto, cid isma haysaane naftaada ayaad is haysaane, haddii aad cid is haysaan in aad u timaadid oo aad wajahdid”. Ayuu yidhi Wasiir Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here