Wararkii Ugu Dambeeyay Loollanka Loogu Jiro Shirgudoonka Golaha Wakiilada Kadib Iclaamintii Madaxweyne Muuse Biixi Ee Berri Oo Salaasa Ah

0
623

Hargeysa, August 2, 2021(Foore) – Kadib markii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Muuse Biixi maalinta ay fadhiisanayaan Golaha cusub ee Wakiiladda Somaliland oo maalinta Bari ah ee Salaasadda ku beegan, ee ay ku dooranayaan Shirgudoonka loolanka adag loogu jiro ayaa waxa durba suuqyada Siyaasadda aad looga hadal hayaa cidda la filayo inay ku guulaysato Shirgudoonka Wakiilada.

Wararka Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa sheegaya in Xildhibaanadda Golaha Wakiiiladda ee kala taabacsan Labada Shirgudoon ee u kala sharaxan Isbahaysiga Xisbiyada Mucaaridka ee Xisbiyada WADDANI iyo UCID iyo Sidoo kale Kulmiye iyo Xukuumadda oo isku dhinac ah ay ku kala xeraysan yihiin laba Huteel oo Bariga iyo Galbeedka Hargeysa ku kala yaala kuwaasi oo markii  Shalay uu Madaxweyne Biixi soo saaray xeerkii Madaxweyne ee uu iskugu yeedhay Golaha Wakiilada Cusub, sida lanoo sheegay, albaabada loo sii jiiday, si aan loo duufsan.

Xildhibaanno magacyadooda qariyay oo ka tirsan Mucaaridka oo aanu khadka telefanka kala xidhiidhnay isla markaana aanu wax ka waydiinay arinta iyo halka la isla marayo ayaa noo sheegay in aad la iskugu dhaw yahay islamarkaana  wax yar la is dheer yahay, ama hal dheeri uu jiro. Waxay noo sheegeen in xaraaradda Siyaasaddu aad u kacsan tahay islamarkaana ay dhinacooda ku dadaalayaan inay ku guulaystaan doorashada, iyagoo sidoo kale sheegay in la xadiday Dhaqaaqa iyo xidhiidhka Telefanka ee Mudanayaasha si uu shaki meesha uga baxo.

Mid ka mid ah Xildhibaanaddan ayaa noo sheegay in aqlabiyada laga haysto oo ay u badan yihiin dhinaca Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda, waxa uu Xildhibaankani oo naga codsaday inaan magaciisa qarino uu noo sheegay in dhinaca Kulmiye hal illaa Laba Xildhibaan uu dheer yahay Mucaaridka, marka loo eego tirada lakala haysto,balse aanay taasi ahayn in Kulmiye Guulaystay, oo ay raajicinayaan inay kadaba tagaan islamarkaana ay wakhti ku filan haystaan.

Dhinaca Xisbiga Kulmiye oo aanu la xidhiidhnay nooma ay suurtagalin inaan cid ka  helno, balse warara lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Madaxtooyadda ayaa noo sheegay in tiradu u buuxdo dhinaca Kulmiye islamarkaana ay taasi sabab u tahay inuu Madaxweynuhu ku dhiirado inuu iskugu yeedho golaha. Wararkan ayaa sheegaya in Xukuumadda iyo Kulmiye nafta iskugu geeyeen inay ku mitidaan inaan waxba lagala hoos bixin, iyadoo ay wararku sheegayaan in Xildhibaanadii taabacsanaa dhankooda lagu xereeyay Huteel Galbeedka Hargeysa ku yaala.

Sikasta ha noqotee, waxay Bulshadu u dhagtaagaysaa cidda ay guushu raaci maalinta Bari ah ee Salaasada Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir “Fartoon” iyo Cabdirisiaaq Khaliif Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here