Waligaa Ma Maqashay 11 Arrimood Oo Qofka Dib U Dhac Ku Keena Qayrkiina Ka Reeba?!!

0
648

Waligaa ma laguu sheegay inaad adiga isku tahay cadowgaaga koowaad?. Haddii aad tahay dadka noloshooda dib u dhaca ku keena waa lagugu yidhi hadalkaas ugu yaraan hal mar ama labo jeer. Waxaana jira dad badan oo noloshooda dib u dhac ku keena halkii ay horumar ka samayn lahaayeen. Waa hubaal in qof walba uu jecel yahay nolol heer sare ah balse dadka qaar waxaa ka dhiman habkii ay horumarka u sameyn lahaayeen. Maanta laga billaabo iska jir 11-kan hab dhaqan ee kaa reeba horumarka iyo halka ay facaa hiigsadaan.

1- Inaad isla barbar dhigto dadka kale

Adduunkan qof walba wuxuu ku leeyahay calaf u gaar ah, sidaas dareteed marna ha u hanqal taagin qof kale nasiibkiisa. Haka maseyrin wax uu heysto qofka kale, laga yaabee in haddii aad dadaasho aad hesho wax kasii fiican.

2- Dib u dhigista howlaha

Waxa kuu qorsheysan inaad qabato si aad tallaabo horumar leh u gaadho isla maantaba samee. Tusaale ahaan, haddii ay niyaddaada ku jirto inaad abuurto ganacsi yar, ku dhaqaaq islamarkaasba. Ha la qabsanin inaad dib u dhigto howlaha. Mararka qaar lagama maarmaan way noqon kartaa laakiin yaanay noqon mid joogto ah.

3– Ka Werweridda barrito

Hurdadaada ha u waayin wax aanad ogeyn sida ay u dhici karaan. Alle oo kaliya ayaa og cilmul-qaybaka. Waxaaba laga yaabaa in barrito uu nasiib fiican ku sugayo halkii aad werwer kaga sugnaydna aad heshaba wax wanaagsan oo kale. Si fiican i seexo caawa si aad barrito u hesho tamar aad ku samaysato waxyaabaha aad la tacaalayso.

4- Fadhiga badan

Dadku waxay u qaybsan yihiin kuwo shaqeeya iyo kuwo guriga iska fadhiya. Haddii aad ka shaqeyso meel aad fadhido 9 am ilaa -5 pm, inta badanna aad fadhiso waxaa habboon inaad dhaqdhaqaaq samayso marka aad kasoo baxdo shaqada. Caafimaad ahaan kuuma wanaagsana in adigoo maanta dhan fadhiyay aad fadhi kale sii gasho. Haddii aanad shaqeynin, iska yaree fadhiga badan, oo jimicsi samee.

5- Ka warqab la’aanta carruurta

Qodobkan wuxuu ku socdaa waalidiinta aan waxba ka ogeyn xaaladaha carruurtooda, ama mar mar uun la socda. Ku dadaal in aad ilmaha si dhow uga war hayso, haddii kale qoyskaaga oo dhan ayaa dib u dhacaya. Waxaana laga yaabaa in qoyskii aad doonasay in aad dhistaa uu kaa xumaado.

6- Israafka lacagta (Daadaadinta Maalka)

Qof walba wuu jecel yahay inuu tashiilo dhaqaalaha ku baxa, laakiin dadka oo dhan uma suurowdo arrintaas. Isku day inaad xaddiddo kharashka maalinlaha ah ee kugu baxa. Haddii aad lacagtaada tashiili wayso marka ay gacantaada ku jirto, barrito waxaad dib ugu noqonaysaa xilligii aad lacag la’aanta ahayd. Ma sahlana in qof lacag u bartay uu waayo kharashkii uu haystay. Waligaa ku dadaal in aad beekhaamiso dakhliga ku soo gala oo aad kala dhigato.

7- Is canaanasho (Is Hiifid)

Noloshaada sida ay tahayba waa inaad ku faraxsanaatid. Maxaa ka liita qof naftiisa u nacaya caqabadaha kula soo darsa dunidan waqtiga gaaban?. Waligaa dib u dhac kama baxaysid haddii aadan naftaada dhiirigalinin.

8- Toosinta ugu sarreysa

Wax kasta oo aad sameyneyso u samee sida ugu fiican laakiin waqti badan haku luminin in wixii oo wanaagsan aad sii wanaajiso. Adigoo u gudbi kara waxyaabo kale ayaad dib u dhac ku noqoneysaa wax aad hore u hagaajisay. Ku dadaal in marka aad gacanta ku hayso ay noqoto natiijo wanaagsan.

9- Dayicitaanka caafimaadka maskaxda

Caafimaadka maskaxda wuxuu ka mid yahay muhiimadda nolosha. Maadaama ay jiraan culayso badan, ku dadaal in aanay maskaxda kaa gaadhin waxyeello. Maskaxdaadu waa tan kugu hagta nolosha.

10- Is eedeynta

Mararka qaar khaladaad kaa dhaca ha u fasiranin dambi ay gashay naftaadu. Ha isku eedeynin wax qaddarnaa oo u dhacay qaab aadan waxba ka qaban karin.

11- Is gooni yeelidda

Bulshadaada ayaad wax ku tahay mar walba. Marxalad wanaagsan iyo mid fiican tii aad ku jirtaba dadkaaga kula jir. Haku fakarin in aad kaligaa wax noqoto adigoo bulshada kale dhinac u riixaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here