Haddii aad tahay ganacsade, qoraa ama xirfadle wanaagsan, in si hal-abuur leh aad u fikirto waa waxa ugu badan ee lagaaga baahan yahay, si aad hormar u sii sameyso. Nasiib darro waxaa ah in dad badan ay ku dul wareegtaan fikradaha iska fudud ee qof kasta uu ogyahay. Haddii aadan ahayn qof taxadar badan, halkaas dhow ee aad ku xanniban tahay waxay kuu horseedi doontaa khasaare ba’an. Haddii aad u baahan tahay guul iyo hormar, u fikir si hal-abuul leh oo wanaagsan, markaas waxaad gaadhaysaa natiijada ugu fiican. Taas waxay fureysaa maskaxdaada. Haddii aad dib u hagaajin ku sameyso qaab fikirkaaga, waxaad awood u yeelaneysaa in aad curiso fikrado waxtar leh oo saameyn yeesha.
- Buug akhri
Marka aad bilowdo in aad wax akhrido ama qorto, waa marka ay maskaxdaadu sameyneyso isbedel wayn oo dhanka hal-abuurka iyo curinta ah. Cilmi-baadhisyo ayaa muujiyay in dabeecadaha wax akhriska ay isbedel wanaagsan ku yeeshaa hab-dhaqanka qofka iyo awoodda qaab-fikirka. Dadka buugaagta akhriya way ka horreeyaan asaagooda. Inkastoo qof kasta uu leeyahay dabeecad gaar ah uuna ka helo akhrinta buugaagta qaar, haddana waxaa fiican in buugaagta oo dhan la akhristo. Baadhitaan caafimaad oo dhanka maskaxda ah ayaa lagu caddeeyay in akhrinta buugaagta lagu qoro sheekooyiinka mala-awaalka ah, ay caawiyaan qeybta falanqeynta sameysa, iyo qeybta wax-curinta in ay u wanaagsan yihiin.
- Maskaxdaada si aad ah u tuuji si fikrado wanaagsan ay u curiso.
Marka aad dooneyso in aad xoojiso awooddaada hal-abuurka ganacsiga ama waxkastoo nolosha la xidhiidha, maskaxdaada u qaado sida in ay tahay murqo. Sida in aad dooneyso in wax culus oo yaalla goobta jimicsiga in aad qaado si aad u xoojiso murqahaaha, lugahaaga iyo gacmahaaga. Sidoo kale waa in maskaxda aad tuujisaa si aad u kordhiso awooddeeda. Mid ka mid ah sida ugu wanaagsan ee aad arrintan u sameyn karto waa in aad maskaxda aad uga fikirto oo ad ka soo saarto fikradaha wanaagsan iyo in aad ka qeybgasho tartan looga jawaabayo su’aalo adag. Ka fikir in mararka qaar aad naftaada ku imtaxaanto keenidda fikrado cajiib ah oo xal u noqon kara dhibaato gaar ah. Meel ku qor waxkasta oo kugu soo dhaca-Marka hore waxba yaysan kula xumaanin. Ujeedada ugu wayn waa in aad heli karto fikrado aad u badan – inta aad awooddo – ka dibna meel ku qoran karto. Taas haddii aad ku celceliso, waxaa marka dambe kuu fududaanaya curinta fikrado wanaagsan.
- Aqoontaada ballaadhi
Dad badan waxay aad ugu faraxsan yihiin in hal arrin ay ku taqasuseen, meeshaasna ay u xirnaato. Taas wax dhib ah kuma jiro, sababtoo ah waxay qofka ka caawineysaa in natiijo wanaagsan uu ka keeno arrintaas. Balse in aad ballaariyo qaab-fikirkaaga iyo hal-abuurkaaga waxay ku imaan kartaa in aad ballaariso aqoontaada. Taas micneheedu wuxuu yahay in aad barato mowduucyo iyo arrimo ka baxsan taqasuskaaga – sida waxyaabo ka baxsan aqoonta aad ku shaqeyneyso. Uma baahnid in aad khabiir ku noqoto waxyaabaha kale ee aad baraneyso, balse waa in aad ugu yaraan fikrad wanaagsan ka haysataa si fahamkaaga aad u ballaariso.
- Baro sida loo maareeyo waxyaabaha ku mashquulinaya
Mashquulka iyo hal-abuurka waxaa ka dhexeeyo xidhiidh gaar ah. Dadka aadka u leh hal-abuurka iyo curinta wanaagsan, si fudud ayaa loo mashquulin karaa oo looga soo jeedin karaa wixii ay sameynayeen. Waxaa lagu mashquulin karaa ama jahwareerin kara xog iyo macluumaad aan muhiim ahayn, halkii ay iska kala sooci lahaayeen. Inkastoo arrintaas ay u muuqato faa’iido darro, haddana wuxuu micneheedu yahay in ay xog iyo akhbaaraad badan ku duubayaan maskaxdooda – waa macluumaad aad u badan oo dib kaga soo maxi doono si ay u keenaan fikrado iyo xal wanaagsan. Dadka hal-abuuri kara fikrado wanaagsan, waxay u badan tahay in ay arrimo kala duwan oo muhiim ah ay keenaan, halkii ay aragti mid ah ku tiirsanaan lahaayeen.
Balse, waa muhiim in aad barato sida ugu wanaagsan ee loo maareyn karo waxyaabaha ku mashquulinaya ama ku jaahwareerinaya – sida ciriiriga goobta shaqada, telefoonnada casriga ah iyo waxyaabo kale oo aan muhiim ahayn.
- Haka baqin in aad fasax gaaban qaadato
In aad nasasho yar aad gasho, oo illaa 30 daqiiqo ah, waxay kaa caawineysaa in waxyaabaha ku mashquulinya ay meesha ka baxaan – balse haddii si caqliyeysan aad u isticmaasho nasashada, waxay xoojineysaa hal-abuurkaaga. Ka nasashada shaqada aad haysay waxay noqon kartaa in mid kale aad u wareegto, ama aad banaanka u yara baxdo – waxay taas kaa caawineysaa in aad marxalado kala duwan si fudud ula qabsato. In shaqooyiinka aad u kala bedelato si caqli ku dheehan, waxay kobcineysaa curintaada, adigoo aan dhaawicin wax soo saarkaaga.
Qofku mar kasta oo uu muddo badan shaqeeyo aadna u daalo waxa uu u baahan yahay nasasho iyo in uu fasax gaar ah qaato si uu uga soo nasto dhibkii shaqada maskaxduna u dareento nasasho gaar ah oo ay dib ugu soo laabato.