Hargeysa, August 2, 2021- (Foore)- Muddo dheer oo kaambayn culus oo ciddiyo ku dagaalan ahi u soo dhaxeeyey xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE oo dhinac ah iyo is-bahaysiga xisbiyada Mucaaridka ah oo dhinaca kale ah, tartankana loogu jiray hanashada xubnaha shir-guddoonka Golaha wakiillada ee Cusub ayaa wax umaddu ka dhur sugto xilliga uu Madaxweynuhu isugu yeedhi doono Golaha cusub waxa ugu dambayn Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu shalay si rasmi ah digreeto Madaxweyne ugu soo saaray Isugu yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland shalay oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Foore, laguna baahiyey Digreetada Madaxweynuhu ku soo saaray isugu yeedhidda Golaha cusub ayaa Madaxweynuhu maalinta Salaasada ee Berri u asteeyey in ay noqotao fadhiga koowaad ee ay golaha wakiillada ee cusubi isugu iman doonaan, kaasi oo la filayo in ay ku doortaan xubnaha shir-guddoonka ee golaha hogaamin doona muddo xileedkooda.
Digreetada Madaxweynaha ayaa u dhignayd sidan:
Xeer Madaxweyne: 01/08/2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 13/082021 uu maanta ku meel mariyey Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub.
Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-
Xeer Madaxweyne Lr. 13/082021
Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub
Markaan Arkay: Qodobka 44aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo tilmaamaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isugu yeedhayo Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub;
Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Sare ee summaddiisu tahay MS/GDD/28/2021, kuna taariikhaysan 07/07/2021, ujeeddadiisuna tahay Ansixinta Natiijada Doorashada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Tix-geliyey: Muhiimadda uu leeyahay fadhiga ugu horreeya ee Mudanayaasha Golaha Wakiilladu, si ay u maraan dhaarta Dastuuriga ah, isla markaana iskaga dhex-doortaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, si waafaqsan Faqradda 3aad ee Qodobka 44aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Waxaan Go’aamiyey;
In Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub ee dhawaan la doortay uu qabsoomo maalinta Salaasada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo. Fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland”.
Isku soo wada duuboo berri oo Salaasa ah ayaa la filayaa in ay xisbiyada muddoda badan is eryanayay ku kala calaf qaadaan xubnaha shir-guddoonka ee qoloba dhinaceeda u wadato waxaana ku tartami doona guddoonka Golahan masuuliyiinta Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo labadooduba xilal wasiir ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee KULMIYE.