Dhibaatada Caafimaad Ee Ubadku Ka Dhaxli Karaan Filimada Cabsida Leh (Horor) Iyo Saamayntooda Oo Markaaba Muuqata

0
751

Filimaanta cabsida leh ee la daawado waxay isbadal kumeel gaadh ah ku samaysaa qaabka uu jirka u shaqeeyo, sida inuu sare u qaado wadne garaaca, cadaadiska dhiigga, heerka neefsashada, qulqulka dhiigga iyo dheecannada hormoonada ee jidhku soo daayo, intaasba waxaa kicinaya isbadallada ku dhaca maskaxda, waxay arrintani la mid tahay dadka isticmaala daroogada oo kale, inkastoo marka ugu horraysa aan cabsi la dareemin, laakiin isbadallada ku yimaadda jidhka shaqadiisa waa isku mid. Labada xaaladood marka ugu horraysa qofka wuu dhibsan karaa isbadalladaas, laakiin markuu joogteeyo, jidhkiisa ayaa la qabsanaya, wuxuuna u baahanayaa mar walba waxa jidhkiisa sidaa u baddalaya, taasi ayaa keenaysa in qofku uu qabatimo sidii balwad oo kale.

Isbadalladaas ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku reebto qaabka uu jidhku u shaqeeyo iyo inuu qofku la qabsado waxyaabahaas uu joogteeyo oo ay ka guurto dareenka qaar sida cabsida, naxariista iyo u damqashada dadka iyo xaaladaha qaar. Dhibka ugu wayn ee filimaantan laga qaado wuxuu ku dhacaa caruurta maadaama ay dhib ku tahay inay kala soocaan runta iyo beenta.

Caruurta joogteysa daawadshada filimada cabsida leh iyo kuwa da’dooda ka weynba waxay ku reebaan cudurro maskaxeed oo ay ka mid yihiin: welwelka, niyadjabka, dhakaakaha iyo qalqaalnimada/fudeydka caruurta (ADHD). Dhaawaca ay filimadani gaadhsiinayaan maskaxda caruurtu waxay qaadataa muddo dheer taasoo xitaa dhici karta in markii ay weynaadaan ay saamaynta ka soo muuqato maadaama caruurtu aanay xilliga ay yaryihiin aanay kala ogeyn wixii run ama been kala ah oo sida ay u arkayaan u rumeeyaan sidaasna u saameyso.

Waxyaabaha halista ah oo ay ka qaadaan waxaa ka mid ah cillada argagaxa taasoo u soo muuqan karta mid ay ka dhaxlaan hurdo la’aan, qaraw, calwasaad iyo cabsi joogto ah (Phobia).

Tusaale caruur daawatay filin ka sheekaynayo diyaarad hawada ka soo dhacayso oo lagu le’anayo ama dadkii saarnaa cudur ku dhacayo oo ay is qaadsiinayaan oo ay arkayaan sawirro naxdin leh oo rakaabka muujinaya iyagoo le’anaya ama is cunaya sidii bahalladii waxaa laga yaabaa in maskaxda caruurtu ay ku reebto cabsi ah in ay ka qaadaan diyaaradaha oo xittaa markii ay weynaadaan aanay diyaarad raaci karin. waa arrin dhacdo oo caafimaad ahaan la yaqaanno.

Waa laga yaabaa caruur jecel filimadaas oo la qansadau laakiin saameynta ay ku reebeyso ma aha mid ay fahmi karaan oo xilligii lagu billaabayay daawadashada filimada noocaan ah ayaa waxay ka qaadeen isbedel nafsaani ah oo xitaa caruurtu ku walfaan daawadasha dad dhimanaya ama dhiigyo cab ah ama dad tooganaya ama cunaya. Maadaama caruurtu ay jecelyihiin yaraantooda in ay wax jilaan in ay isku dayaanba in ay ku daydaan filimaantaas oo xitaa ku fakaraan in ay dad dilaan ama ay jidh-dilaan waxaana calaamadaha cudurka noocaan ah lagu arkaa caruurta iyagoo yar kuwaasoo ka billaaba xayawaannada in ay dilaan ama ay ciqaabaan taasoo waalidku la yaabo meesha iyagana ay ku raaxaysanayaan dilka xayawannadaas.

Daraasad lagu sameeyay dalka maraykanka markii ay badatay dilalka ay gasanayaan dhalinyarada aadka u da’da yar, in ay sabab looga dhigay daawashada filimaanta laga barto “violence”, dad dilka, afduubashada, kufsiga iyo waxyaabo kale, taasoo filimaanta iyo musalsalaatka qaar loo ekaysiiyo qofka sidaa samaynaya inuu yahay qof halyey ah oo bulshadu u baahan tahay, marka uu soo afduubto dad uu u arko in ay dhib ku hayaan bulshada kadibna intuu guri ku soo xidho oo qalab makiinad ah ku jarjaro, kadibne dhiiga qofkaas uu u adeegsado rinji uu wax ku sawirto ama qeybo ka mid ah jidhka dadka uu bireeyay uu meel ku xeraysto, taasoo loo ekaysiinayo qof howl fiican bulshada u haya, musalsalkaan wuxuu ka mid yahay musalsallada loogu daawashada badan yahay dunida ku hadasha luuqadda english-ka, bal akhristow maxaad isleedahay oo faa’iido ugu jira caruur jirta 10 illaa 14 sano in ay fiirsadaan filimaan noocaan ah, iska daa filimaanta ku saabsan kuwa dadka dhiiga ka jaqa ama reer-aakhiraadka oo noqotay mowdo cusub oo laga helo dakhliga ugu badan ee soo gala qolooyinka filimaanta jila ama matala.!!!

Dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo intaa ka badan ayay caruurta maskax ahaan u saameysaa filimada cabsida ah ama hororka loo yaqaannaa, sidaa awgeed waalid walba oo ka fakaraya mustaqbalka caruurtiisa waxa la gudboon in uu ka fogeeyo daawadashada filimadaan.

Filimadda naxdinta leh ayaa muddooyinkan dambe waxa ay si weyn ugu fidayaan dhammaanba daafaha dunida iyada oo sannad walba ay shirkadda Filimada Maraykanka ee Hollywood soo saarto Filimo badan oo cabsi cabsi ah ama horror ah hadba sida aad u taqaano. Filimada aadka looga daba dhacay ee hororka ah ee loo baahan yahay in ubadka laga ilaaliyo iyaga iyo kuwa kale ee badanka waxa ka mid ah kuwan soo socda oo noqday kuwa ugu caansan marka laga hadlayo filimada hororka ah waxaanau kala yihiin:

Alien (1979)

Psycho (1960)

The Exorcist (1973)

Hereditary (2018)

The Conjuring (2013)

The Shining (1980)

The Texas Chainsaw Massacre (1974) .

The Ring (2002)

Halloween (1978)

Sinister (2012)

Dhammaanta waalidiinta waxa la gudboon in ay aad isaga ilaaliyaan lana socdaan waxa ay ubadkoodu daawanayaan ama guud ahaan waxa guriga lagu daawanayo yar iyo weynba maadaama telefishanku noqday waxa ugu badan ee dhibaatada ku haya bulshada dhinac kasta, ha noqoto dhaqan iyo mid kalabe. Dhammaanteen waa in aan ka fogaanaa Filimada cabsida.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here