Hargeysa, July 29, 2021- (Foore)- Qaar ka mid ah Xildhibaanada Is-bahaysiga Labada Xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID ayaa shaaca ka qaaday in Xildhibaano ka tirsan Kooxdooda la afduubtay, lana la’yahay Meel jaan iyo cidhib lala maray, iyagoo sheegay inay xiitaa ehelkoodii raadinayaan Xildhibaanadaasi.
Xildhibaanadan oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xildhibaanada la afduubtay uu ka mid yahay Khadar Guun , kaasi oo habeen hore u gacan galay Xildhibaanada taabacsan Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda, waxaana ay sheegeen in ay laayihiin meel uu ku sugan yahay ama uu jaan iyo cidhi dhigay, waxaa kale oo ay sheegeen inay ay kasoo eegeen guryahoodii, islamarkaana ay kasoo waayeen, sidoo kale ay baadi goobayaan ehelada ay kasoo jeedaan Xildhibaanadan ay laayiin oo ay aaminsan yihiin inay dhinaca kasoo horjeedaa kaxaysteen. Waxay ugu baaqeen Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye inay nidaamka ilaaliyaan, islamarkaana ay joojiyaan habkan bahalnimada ah ee Xildhibaanada Mucaaridka loo ugaadhsanayo.
Xildhibaan Khadar Cali Xakiin oo ka mid ah Xildhibaanada Xisbiga WADDANI oo arimahani faah faahinaya ayaa waxa uu yidhi “Waxaa la sheegayaa Xildhibaanno la afduubtay, oo meel Alla meel ay ku sugan yihiin aan la garanayn, oo inta sawir laga soo qaaday meel lala tagay aan lagarayn ayaa jira, sidaas awgeed qaabka wax u socdaan waa qaabkii dalka inaga xumayn lahaa, waxaan leeyahay wanaagga iyo sharafta halagu soo noqdo, karaamada ha lagu soo noqdo oo wanaaga ha lagu soo dabaalo dalka”.
Waxa kale oo uu yidhi “Runtii guryahoodii waa laga waayey dhammaan guryahoodii oo dhan ayaa la booqday, walaalahood ayaa loo tegay, hablo barooranaya ayaa jira oo Xildhibaankoodii la’a, ninkii khaddar Guun baa Xalay la soo sawiray, meel uu jaan iyo Cidhib dhigay bal soo hela halkuu ku sugan yahay?, Hudheelkee ayuu degan yahay?, halkee lagu hayaa ma jiro, gurigoodii waanu bookhanay hablihii ay walaalihii ayaan garanayn meel alaale meel uu joogo Xildhibaankii waanay cadday arrintaasi”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi “Annagu ka Xildhibaano ahaan waxa aanu isku danaynay in aanu bookhano oo u tagno Xildhibaanka ,runtii annaga iyo ehelkiisa waa la waayey Xildhibaanka oo gurigiisii waanu ka weynay oo gur yihii kale waa laga baadhay oo waala waayey ”.
Dhinaca kale, Wararka madax bannaan oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa sheegaya in Xildhibaano tiradooda lagu sheegay illaa saddex Xildhibaan oo ka tirsanaa isbahaysiga Mucaaridka la laayahay, illaa shalayna ka maqnaa maqaamyada Mucaaridka, islamarkaana looga shaki qabo inay u gacan galeen Xukuumadda Iyo Kulmiye kuwaasi oo intooda badan kasoo baxay Gobolka Sanaag. Sidoo kale kuwa kale oo Xisbiga Kulmiye ka tirsan ayaa iyagana looga shakiyay inay dhinaca Mucaaridka u goostaan kuwaasi oo lasheegay in markii ay Xukuumaddu ka shakiday lad qabo loogu diray Suldaanadoodii iyo waxgaradkii ay ehelka ahaayeen si ay u tashliiliyaan.