Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax Oo Ka Hadlay Dagaalka Ay Kula Jiraan Xukuumadda KULMIYE

0
469

Hargeysa, July 29, 2021-(Foore)- Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo ah Musharrax Guddoomiye ku-xigaanka1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland ay u xusheen Xildhibaannada isbahaysiga Mucaaradka Somaliland ayaa ka hadlay loollanka shir guddoonka Golaha Wakiillada,kaas oo hadda maraya meel xasaasi ah.

Xildhibaan Cumar ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay waddo falal lidi ku ah dimuqraadiyada,waxaanu sheegay in Xildhibaannada qaar ay baayacayso, isla markaana ay lacago iyo mashaariic indho sarcaad ah u bandhigayso

Xildhiban ayaa oo arrintaas ka hadlayaa ayaa yidhi sidan:-“Qolona 52 Xildhibaan ayey haysteen qolana 30 , lakiin Xukuumadda ayaa ku dedaalaysay inay hankii Xildhibaanada  ay jebiso oo rag baddan loogu yeedho in la siinayo man-facyo yar yar oo Dawlada xilal laga siinayo reerkooda mashaariic la siinayo lacag-na la siinayo ,taas oo aad iyo aad qiimo dhac ugu ah Xildhibaan loo hayn weynaa oo soo baxay waana mid dhaawacaysa wax-yaabihii ay dadku naga filayeen  shacbigii na soo doortay ee bacad-ka noo taagnaa ee wakhtiga adag noo soo maray  runtii waa wax niyad jab ku noqonaya ,waxaan’se ku sheegayaa marwalba in aanu haysano aqlabiyadda Xildhibaanno nagau filan ayaanu haysanaa tiraduna waa noo sugan tahay insha allaah guushu wey nala jirtaa ,ta ay maanta weerarka ku yihiina waa in Xildhibaannadayadii ay soo doontaa oo ay yidhaah-daan qaar ayaanu haynaa ,taasin ceeb ayey ku tahay qaranka waxay ahayd inay ku eekadaan Xildhibaannada u soo baxay.”

Waxa uu intaas ku daray “Waa mid jebinaysa shacbigeenu rejaddii ay naga qabeen  Xildhibaanka laftiisu  damiirkiisi dad-nimadiisii shacabku waxay ka rejaynayeen  in la yidhaah qofkii waa la ka xaystay oo maanta hebel ayaa la xereeyey oo loo yeedhay  iyadnuna waa mid ayaan darro ah .”

Dhanka kalene Xildhibaan Cumar ayaa amaanay shacbiga reer Somaliland oo uu sheegay inay Xildhibaannadii iyo isbaddelkii ay u codeeyeen ay gaadhka ka hayaan “Waan u mahad-celinaynaa shacbiga reer Somaliland taageerada ay noo hayaan waanu ognahay inay culays war-baahinta baraha bulshada ku saarayaan iyaga ayaaba na ilaalinaya oo leh qof-na yaanu ka leexanin Xisbigiisa iyo jidka xisbigiisa ,markaa wax-ba nagama khaldana hawluhuna wey noo hagaagsan yihiin war jiraana cagaara ayuu iman maalintaas codaynta kalsooni wanaagsana waanu ku qabnaa waanu u hambalyeynaynaa shacabkii na soo doortay ee waliba nagu daba jooga ee na ilaalinaya annaguna waxa aanu nahay inay nala xisaabtamaan shacabkii na soo doortay

Sidoo kalene Xildhibaan Cumar ayaa sheegay in isbahaysigu ay haystaan aqlabiyadda weli, isla markana ay ka sooni isku qabaan,balse ay sugayaan wakhtiga uu Madaxweyne Biixi shaaciyo fadhiga Golaha Wakiillada “ waanu haysanaa weli aqlabiyadda waxa aanu haysanaa 48 Xildhibaan waananu guulaysanaynaa insha allaah .”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here