Hargeysa, July 29, 2021- (Foore)- Qaar kamida xildhibaanada isbahaysiga xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay afduub uu xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo Kulmiye ka tirsani sheegay in Addis ababa ay xukuumada Somaliland ugu gaysatay iyadoo isticmaalaysa sirdoonka Itoobiya.
Xildhibaan Maxamed Abiib oo arrintaas ka hadlay ay sheegay sidan:-“Arrintaasi arrin dhibyar anaga noolamay muuqan, in nin xildhibaan ah oo umadu dooratay oo howlo gaar ah u tagay Itoobiya inta laga daba tago ciidan loo sameeyo, waa khatar loo badheedhay”
Waxa uu intaas ku daray “arrinkan uu ka hadlay Garyaqaan Mustafe ee ah wan-jalka arrintaas arrin dhib yar annaga noogu may muuqan in Xildhibaan ummaddu dooratay oo hawlo gaar ah u tegay itoobiya in inta lagaga daba tego in la wanjalo oo la yidhaah ,waayo sida caadiga ah rayidka ah ayaa marka lagu xidho itoobiya ay sannado qaadataa,waaba’se qof Dawlada dhammi soo wanjashay ayaa waxa laga yabaa inay sannado qaadato,lakiin nin Xildhibaan ah oo muddane ah shacabka ayaanu u sheegaynaan arrintaas halka ay marayso haddii aanad noo codaynayn ceel ayaanu kugu ridaynaa ama addisabba jooga ama halkan joog ayey arrintii maraysaa.”
Geesta kalene Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa sheegay in Xildhibaannada qaar ay Xukuumaddu ku hayso hanjabaad iyo cago jug layn joogta ah “ Qaar ayaa la leehay qandaraasyo Dawlada ah ayaad qaadan jirtay waa lagaa qaadayaa hanjabaadu wey baddan tahay ,waxa aanu leenahay dalka yaan lagu ciyaarin dadka yaan lagu ciyaarin , cida Xildhibaannada u hanjabaysaan waa cida Xidhibaankaa Mustafe oo hawlo gaar ah u jooga addisababa Magac Dawladeed ku dacweysay,ka halkaa jooga ayaa nabad geli waayee kuwa halkana maxaad u malayn,markaa waxa aanu leenahay hala ixtiraamo doonista shacabka iyo sharciyadda dalka.’’ayuu yidhi Xildhibaan Abiib
Dhanka kalana Xildhibaan Aadan Qaasin Sulayman ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin isla markaana layskula xisaabtami doono falka uu xildhibaan Mustafe sheegay in xukuumada Somaliland kula kacday.”Waa arrin u baahan ka daba tag, Cidkasta oo ay khusayso markaanu golaha tagno waanu kula xisaabtami doonaa, waanu u yeedhi doona safaarada, waanu waydiin doona safaarada waana nu kula xisaabtami doonaa” ayuu yidhi Xildhibaan Aadan Qaasin Sulayman.
waxa uu intaas ku sii daray “ Waa arrin aan loo baahnayn inuu dhaco waa fal u baahan ka daba tag cid walba oo ay khusayso marka aanu Golaha galno waanu u yeedhi doonnaa saafaarada oo waanu weydiin doonnaa falka noocaas ah, waa lagula xisaabtamayaa waananu ka daba tegaynaa,dalkii annaga ayaa masuuliyiintisiiya ma dhacayso in wax-yaabaha noocaas ah aanu u dul qaadano waa wax-yaabo Qaranimadeena iyo jiritaanka Somaliland wax u dhimaya in Xildhibaan dal tegay laga daba hadlo oo dal kale lagu qabsado isaga oo aan wax dambi ah gelin, waanu u yeedhi doonnaa safaarada waananu kula xisaabtami doonnaa falkaas ka dhacay guddaha Itoobiya .”ayuu yidhi