Hargeysa, July 29, 2021- (Foore)- Xildhibaan Ibraahim Maxamed Jaamac (Khadar Guun) oo ka mid ah xildhibaannada Xisbiga WADDANI Doorashadii Golaha Wakiillada uga soo baxay Gobolka Maroodi Jeex oo hore uga tirsanaa xildhibaannada is-bahaysiga dhawaanna axdi ku maray oo sheegay in uu dhisi doono Musharraxiinta xisbiyada Is-bahaysiga Mucaaridka ayaa mar kale la sheegay in uu giraanta u kala weeciyey dhinaca xisbul xaakimka iyo xukuumadda oo uu ka mid yahay xildhibaannada Madaxtooyadu soo mustafaysay ee ay doonayso in ay u codeeyaan xubnaha shir-guddoonka ugu cimaamadan xisbiga KULMIYE.
Xildhibaan Ibraahim Maxamed Jaamac oo dhawr maalmood ka hor uun warbaahinta ka sheegay in uu Axdi ku maray inuu dhisi doono Musharraxiinta xisbiyada is-bahaysiga Mucaaridka ayaa la sheegayaa in uu imika dhinaca kale u wareegay taasi oo layaab ku noqotay Bulshada oo wali xasusan ereyadii uu dhawr maalmood ka hor warbaahinta mariyay.
Xildhibaan Ibraahim Maxamed Jaamac (Khadar Guun) oo ka hadlayay madashii is-bahaysiga Mucaaridku ku soo dhaweeyeen Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane ayaa waxa hadalladiisa ka mid ahaa: “Waxaan ku hadlayaa xildhibaannada is-bahaysiga waxaanan halkan ku soo dhawaynayaa walaalkay Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane oo runtii tiir culus ka ah xildhibaannada Gobolka Awdal halkanna noogu yimid baaq uu ka sido Gobolkii Awdal. Waxa uu noo balballaadhiyay waa waxa aanu Axdiga ku wada galnay in aanu fulino. Xildhibaan Maydhane maanta waxa uu noo keenay mid ay Somaliland oo dhammi wada baadi goobayso oo ay doondoonayso oo ah caddaalad. Anigaygaasina aan daydayayo oo ay Somaliland oo dhammi bari iyo Galbeed ay daydayayso. Namuu waydiisan wax dheeraad ah, namuu waydiisan cad dheerad ah oo u Awdal u rabo, namuu waydiisan wax gaar ah oo uu Awdal u rabo. Waxa uu ku soo ururiyey waar waxa aaannu caddaalad u leenahay nagula dhaarta oo nala raadiya taasina waa ta lagu dhaariyey Madaxweynaha. Taasi waata lagu dhaariyo xildhibaannada. Caddaalad ayaa umadda wada deeqda taasi ayaanu xildhibaanka ballan kual galnay. Quusbuu ka taagan yahay oo in badan buu caddaalad raadinayay sida uu noo sheegay” ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Maxamed Jaamac (Khadar Guun).
Illaa imika si xaqiiqo ah looma oga halka uu ku dambeeyey Xildhibaan Ibraahim Maxamed Jaamac (Khadar Guun) balse warar xog-ogaal ahi waxa ay sheegeen in uu u tallaabay dhinaca xildhibaannada xisbiga KULMIYE ee codkooda ula diyaarka ah shir-guddoonka madaxtooyadu wadato.