Xisbiga UCID Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ku Eedeeyey Inuu Ujeeddo Ka Leeyahay Dib U Dhigista Fadhiga Golaha Cusub Ee Wakiillada

0
436

Hargeysa, July 26, 2021- (Foore)- Xoghayaha Arrimaha Gudaha Ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Baashe Cabdi Gaboobe ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku eedeeyey in uu qorshe gaar ah ka leeyahay dib u dhigista kulan uu isugu yeedho Golaha wakiillada ee cusub.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Ee Xisbiga Ucid Eng. Baashe Cabdi Gaboobe waxa uu faahfaahin ka bixiyay sida uu sharcigu qabo marka laga hadlayo fadhiga ugu horreeye ee Golaha Wakiillada ee la soo doortay iyo sida uu Madaxweynuhu uga cago jiidayo in uu isagu yeedho ama kulmiyo kulankooda ugu horreeya taasi oo uu ku sifeeyey arrin siyaasadeed oo uu ku doonayo in uu xubno kaga helo xildhibaannada is-bahaysiga xisbiyada Mucaaridka.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Ee Xisbiga Ucid Eng. Baashe Cabdi Gaboobe ayaa arrintan faahfaahin kaga bixiyay qoraal uu shalay ku baahiyey degelka uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxaanu isaga oo arrintaasi faahfaahinaya qoraalkiisa ku yidhi sidan: “Innago og maamul xumada wadanka ragaadisey ee xukuumadda Kulmiye oo sababtey dhaqaale darro’ iyo  shaqa la’aanta dhallinyaradeena heysata oo sannad walba tobannaan kun ay jaamacadaha ka qalin jabiyaan, maalintii dhaweyd na 32 kun oo ardey  ay u fadhiisteen imtixaanka  shahaadiga ah ee fasalka sideedaad iyo form four (Dhammeystirka secondary); kuwaasoo iyaguna dhawaan ku soo biiri doona malaa’yiinka shacab ee bila shaqada ah (Unemployment rate is almost above 80% in Somaliland), ayaa nasiib darro laga jooga SHAN iyo KONTON CASHO doorashada isku sidkan ee golaha wakiilada iyo deegaanka ee ka qabsoontey Somaliland 31 May, 2021. Maah maah ingiriisa tidha “Time is money” oo macnaheedu yahey “Waqtigu wa lacag”; Carabtuna waxay tidhaa “” الوقت كالسيف إذا لم تقطعه يقطعك Guddiga doorashada qaranka Somaliland waxey natijadda hor dhaca ah ku dhawaaqeen 6 June, 2021. Maxkamadda Sare iyadoon wax ba ka bedelin natiijada hor dhacda ee guddiga doorashadu soo gudbiyeen waxey ku qaadatey muddo bil ah (6 June illaa 7-dii July, 2021) si ay u ansixiso. Madaama natiijadaa hordhacda ah (6 June, 2120) ay noqtey ta rasmiga ah, laga bilaabo maalintaa, xukuumadda Kulmiye waxay geed gaaban iyo geed dheer u fuushey muddo laga joogo KONTON CASHO sidii ay uga heli la heyd ugu yaraan 12 xildhibaan isbaheysiga mucaaridka Ucid iyo Waddani oo leh 52 xildhibaan si ay u hesho absolute majority; dabadeedna shir guddoonka golaha wakiilada hanato. Haddaba bal ila eega wuxuu dhigaayo xeerkii doorashada 2021 ee madaxweyne Muse saxeexey.

Qodobka 136 aad :

Dhaarinta xildhibaanada la doortey ee golaha wakiilada.

1- Ka dib ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah, Maxkamadda Sare ayaa cayimaysa taariikhda dhaarinta muddo aan ka badnayn todobada casho gudahood oo ka bilaabmanta maalinta natiijada rasmiga ah lagu dhawaaqay. Waxaana lagu dhaarinaya xubnaha golaha wakiilada ee la doortey xarunta golaha waxiilada si waafaqsan Qodobka 129 ee dastuurka qaranka.

2-Kulanka dhaarta waxa furaya, hoggaaminayana Guddoomiyaha Maxkamadda Sare sida ku cad qodobka 44 (3) ee dastuurka.

Bal ka dastuurkana eega :

Qodobk 44 aad ee dastuurka Somaliland :

Isugu yeedhida golaha cusub

1- Golaha cusub wuxuu qabanayaa fadhigiisa ugu horreeya 30 casho gudahood oo ka bilaabmaysa maalinta lagu dhawaaqo go’aamada doorashada; ( Halkaa ma cadda, ma maalinta (6 June, 2021 ) guddiga doorashada ku dhawaaqidda ee natiijada hordhacda mise waa maalinta maxkamadda sare ansixisa, 7 July, 2021 ?? ) Waxaana isugu yeedhaya madaxweynaha.

2- Haddii Madaxweynuhu isugu yeedhi waayo, golaha ayaa u kulmaya iskii maalinta 45 aad laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go’aamada doorashada

3- Golaha cusub waxa furaya guddoomiyah Maxkamadda Sare oo  dhaarinaya xubnaha. Markaa waxa guddoominaya shirka xubinta ugu da’da weyn; waxaana goluhu iska dhex dooranayaa guddoomiyaha iyo laba guddoomiye ku xigeen”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here