Nin Wastaad Ah Oo Xukuumadda Xabsi Ugu Jiray Muddo 5 Bilood Ah Oo Shalay Dib U Helay Xorriyadiisa

0
426

Hargeysa, July 26, 2021-(Foore)-  Muwaadin Aadan Xuseen Xaashi Xaashi oo muddo shan bilood ah u xidhnaan Xukuumadda Madaxweyne Biixi, kadib markii la xidhay xilli uu ku guddo jiray dacwad uu ka gudbiyey saraalkii ka tirsan ciidan sirdoonka oo uu sheegay in ay jidh dil u geysteen, ayaa xabsiga laga sii daayey shalay, iyadoo ay Maxkamaddu wax danbi ah ku weyday,

Aadan Xuseen Xaashi ayaa kamid aha muruq-maalka ka shaqaysta dhismayaasha ayaa xabsiga la dhigay isagoo ku guddo jira dacwad uu ka gudbiyey saraakiil jidh dil u geystay oo ka tirsan ciidan, waxaanu xasbiga ku jiray muddo shan bilood ah, balse Maxkamadda ayaa sii daysay shalay markii lagu waayey wax dambi ah

Aadan Xuseen Xaashi oo markii la soo daayey war-baahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay sidan:-“Illaahay ayaa qaddaray in aan xorriyadaydii dib u helo muddo shan bilood ah ka bacdi, waxa aanu u mahad-naqayaa guud ahaan ummadda Somaliland iyo cid kasta oo arrintay gacan ka geysatay ,waxa aan u mahad-naqayaa ehelkayga gaar ahaan aabbahay iyo xaaskayga iyo cid kasta oo ka qayb-qaadatay arrinkayga

Dhanka kalene qaraankii u doodayey ayaa ka hadlay soo dayday muwaadinka, waxaanu yidhi  “waxa la xidhay sideedii bishii saddexaad 2021-ka,waxa la xidhay kadib markii uu ka dacwooday niman ciidan ah oo weliba ka tirsan ciidanka sirdoonka oo uu sheegay inay nabaro gaadh siiyeen oo ay garaaceen, markii uu dacwooday ee uu bilaabay ee ay warqadii uu ku dacwoonayey gaadhay xafiiska ciidanka ayaa isagii la xidhay-ba.”

Garyaqaan Jamaal Xuseen Mandeela ayaa intaas ku daray “Waxa uu xidhna muddo ku siman shan bilood, qareen ayaan u ahaa waanu daba soconay, maxkamaddu markii ay ku weyday wax dambi ah maanta oo ay bishu tahay 25 July 2021 xorriyadiisii ayey u celisay”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here