Hargeysa, July 26, 2021-(Foore)- Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane Xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Awdal ayaa ka hadlay sababtii uu uga tegay Xisbiga KULMIYE,isla markaana uu ugu biiray Xildhibaannada taabacsan isbahaysiga Mucaaradka ,isagoo hore u sheeciyey inuu dhisayo musharraxiinta Shirguddoonka Golaha Wakiillada ee Isbahaysiga Mucaaradka.
Xildhibaan Maydhane ayaa sheegay inuu ka tegay caddaalad darrada KULMIYE,isla markaana uu Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha KULMIYE u caddeeyey mawqifkiis Musharraxiinta KULMIYE ee shir guddoonka Golaha Wakiillada oo aan shaxda laga reebay reer Awdal.
Xildhibaan Maydhane oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay sidan:-“ Faratoon waa Xildhibaan waana oday aanu Golaha ka wadda mid nahay, waxa aan ka tegay Faratoon muu ahayn ee Madaxweyne Muuse Biixi ayuu ahaa, ninka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ah ee caddaalad darradu garab taal ayaan ka tegay anniga oo ah Xildhibaan ka soo baxay Xisbiga KULMIYE Gobolka Awdal ummad-na sida masuuliyadeedii markii la yidhi inan ayaa Gobolka Awdal ka miisaan baddan ayaa nabad allaah ku yidhi Madaxweyne ayaan mooddayey ee caaqil ayaa meesha jooga “ayuu yidhi
Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane ayaa si ba’an waxa uu u dhaliilay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu ku eedeeyey in aanu daacad ka ahayn saami qaybsiga beelaha Somaliland gaar ahaan in aanu Gobolka Awdal helin saamiga uu xaqa u leeyahay isaga oo ku tilmaamay Madaxweynaha shakhsi caaqil reeereed oo kale sidiisa u dhaqmaya oo aan ahayn Madaxweyne qaran.