Saddex Arrimood Oo Sabab U Ahaa Guul-darradii Xisbiga Muxaafidka Ah Ee KULMIYE Uu Kala Kulmay Doorashooyinkii Isku Sidkanaa Ee Wakiilada & Deegaanka

0
558

Hargeysa, July 15, 2021- (Foore)- Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa Arbacadii si rasmi ah ugu dhawaaqday ansixinta natiijadii ka soo baxday doorashadii golaha wakiilada ee  la qabtay dhammaadkii bishii May. Golahan ayaa hadda sugaya in Madaxweynaha uu iskugu yeedho muddo 30 cisho guddahood ah, si loo dhaariyo ayna u doortaan guddoonka.

Xisbiga tallada haya ee Somaliland, Kulmiye, wuxuu markan fadhiisan doonaa gole aanu aqlabiyad ku lahayn. Xisbiga ayaa lumiyay kuraas badan oo uu hore ugu lahaa golaha.

Maxaa sababay guul darada Xisbiga Kulmiye?

In ka badan toban sanno oo uu si wadajir ah gacanta ugu hayay madaxtooyada Somaliland iyo aqlabiyada buuxda, xisbiga Kulmiye ayaa guuldarro weyn kala kulmay doorashadii ugu dambeysay, si gaar ah gobollada xisbiga sida weyn looga taageersanaa jiray.

Xisbiga 19 jirka ah, oo noqonaya kan labaad ee ugu da’da wayn axsaabta Somaliland, ayaa doorashadii Isku sidkanayd ee golayaasha Wakiilada Iyo Degaanada ku lumiyay kuraastii ugu badneyd iyo aqlabiyadii ugu weyneyd ee xisbi hal doorasho ku waayo, taariikhda Somaliland.

59 illaa 60-kii kursi ayuu inta la hubo Xisbiga ku lahaa golaha wakiilada ee la bedelayo oo 82 xubnood ka koobani, balse hadda uu sodon mudane oo keli ah uu ku yeelan doono.

Saddexdan arrin ayaa ka mid ah sababaha loo tirinayo in laga guulaysto xisbiga muddada dheer haya talada Somaliland:

  1. Maroodi Jeex iyo Togdheer oo lagaga guulaystay

Xisbiga Kulmiye oo 2002-dii uu Madaxweynihii Hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), aasaasay, ayaa taageerayaasha ugu badan ku lahaa gobollada Togdheer iyo Maroodi Jeex. Waxa uu laba jibaaray tiradii xildhibaannada uu ku leeyahay golaha wakiilada ka dib markii ay xisbigaas ay ku biireen xubnihii golaha ku matalayay xisbigii hadhay ee Udub sannadkii (2012-kii). Golaha Wakiilada ee hadda la bedelayo waxa uu KULMIYE ka heystay Togdheer iyo Maroodi Jeex 25 xildhibaan, halka UCID iyo WADANI oo la isugeeyay ee labadaas gobol ka heysteen 10 mudane. Laakiin xubnaha Kulmiye ee Golaha Wakiillada cusub ee la dhaarin doono ku matalaya labadaas gobol hadda waa 12 mudane oo keliya ah, taas oo kala badh ka yar xubinihii hore ee xisbiga.

Laakiin Wadani ayaa si weyn ugu guuleystay oo ka helay labadaas gobol 14 mudane, isaga oo Togdheer tirada ugu badan ku guuleystay. Halka UCID oo hore labadaas gobol uga heystay saddex mudane oo kale ah uu hadda helay 9 mudane.

In Xisbiga Kulmiye oo aqlabiyadiisu ay udub dhexaad u ahayn Togdheer iyo Maroodi-jeex, lagu la tartamay isla labadaas gobol oo lagaga guuleystay, waa mid ka mid ah sababaha ugu waa weyn ee xibsiga tallada haya lagaga adkaaday doorashada golaha wakiilada iyo deegaanka ee Somaliland.

Xisbiyada mucaaradkuna waxay ku guuleysteen inay xajistaan gobolladii ay awoodda ku lahaayeen ee Sanaag iyo Awdal.

  1. Khilaafka Xisbiga dhexdiisa ah

Illaa iyo horraantii sannadkii 2019kii ba waxaa xisbiga ka dhex jiray khilaaf ka dhashay xubno liiska golaha dhexe laga reebay oo Wasiir Hore, Maxamuud Xaashi Cabdi, ugu cad cadaa iyo xubno kalana ay ku wehlinayay, laga saaray liiska xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga ka dib shirkii xisbiga ee Boorama. Khilaafkaas oo sii socday waxaa Maxamuud Xaashi iyo xubno la aragti ah ay markii dambe ku sheegeen in uu salka ku hayo guddoomiyenimada xisbiga ka dib doorashadii madaxweynenimo, iyaga oo dalbanayay in madaxweyne Muuse guddoomiye-nimada sidii Siilaanyo u baneeyo taas oo loo fasirtay mid sidii hagbada markayaga noo bane ah. Dooddooda waxaa beeniyay guddoonka xisbiga Kulmiye, oo ah kan labaad ee ugu cimriga dheer xisbiyada Somaliland. Khilaafkaas oo aan weli xal rasmi ah, oo lagu wada qanacsan yahay, laga gaadhin ayaa loo tirinayaa inuu saameeyay natiijada doorashada ee gobolka Togdheer. Laakiin waaxa khilaafkaa gaashaanka u daruuray guddoomiyaha barnaamij siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye, Faysal Cumar Madar oo beeniyay jiritaanka khilaaf xisbiga dhexdiisa ah oo saameeyay natiijada doorashada.

Waxay dadka siyaasada falanqeeyaa ku doodayaan: “Wax khilaaf ah oo xisbiga dhexdiisa ka jiray haba yaraatee ma jirin, xisbiguna si midaysan oo yar iyo wayn ah ayuu u wada shaqeeyay.” Gudoomiyaha Barnaamij siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye Faysal Cumar Madar.

  1. Ololaha iyo adeegsiga Teknolijiyadda casriga ah

Sababta kale ee xiisaha leh waa qaabkii xisbiyadu u sameeyeen abaabulka, ololaha iyo xulista xisbiyada. Garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan, oo ah sharciyaqaan iyo falanqeeye, wuxuu sheegay in xulista musharixiinta xisbiga talada haya ee Kulmiye ay gacanta ugu jirtay dad kooban. Laakiin Xisbiyada mucaaradka ay xulista u wajaheen qaab xirfadaysan iyaga oo sameeyay guddiyo si weyn uga baaraandagayay xulista musharixiinta. Soo-jeedintaas waxaa beeniyay guddoomiyeha barnaamij siyaasadeedka ee xisbiga Kulmiye, Faysal Cumar Madar, oo sheegay in culeys kaga yimid musharixiinta badidood oo doonaya in ay iska sharaxaan xisbiga Kulmiye.

“Tusaale ahaan 20 Mudane ee gobolka Maroodi Jeex, waxa xisbiga u imanayay 50, ilaa dhawr iyo afartan qof oo doonayay. Marka taas haddii qof xisbigu dooran waayay inta uu mucaaridka tagay ku soo baxay, maaha Fursad aanu luminay, laakiin sidaanu u xulanay ayaa is badashay baan odhan karaa”, ayuu yidhi Faysal. Garyaqaan Maxamuud waxa uu sidoo kale sheegay in xisbiyada mucaaridka ay la soo shir tageen musharixiin dhallinyaro u badan, iyo koox abaabulan oo da’ yar ah oo teknolojiyadda si weyn ugu adeegsaday ololaha doorashada. “Kulmiye musharaxiintoodu waxay u badnaayeen Odayaal aan wakhtiga la socon,” ayuu yiri Garyaqaan Maxamuud. Guddoomiye Faysal Cumar Madar, ayaa qiray in adeegsiga teknolojiyadda uu doorashadan ku cusbaa, isaga oo sheegay in ay ka garaabayaan oo ay xisaabta ku darsan doonaan wixii hadda ka dambeeya.

Golaha Wakiilada cusub ee la dhaaran doono waxa uu xisbiga kulmiye ka noqon doonaa midka talada haya laakiin aan aqlabiyad ka heysan Golaha Wakiilada, iyo xitaa dowladda hoose, sida caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo maamulkeedu,ka baxay gacanta Kulmiye. Taas waxa dhici karta inay saameyn ku yeelato fulinta qorshaha siyaasadeed ee xukuumada, haddii aysan mucaaradku kala jabin oo aysan isbaheysi la gelin midkood. Laakiin doorashada guddoonka Golaha Wakiilada ayaa noqon doonto tijaabada ugu horreysa ee sal-adeegga isbaheysiga curdunka ah ee Waddani iyo Ucid oo uusan midkoodna aqlabiyad heysan kan kale la’aantiis.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here