Loollanka Loogu Jiro Shirgudoonka Golaha Wakiilada Oo Aan Wali Sal-dhigan, Iyo Isbahaysiga Mucaaridka Oo Mar Kale Soo Rogaal Celiyay, Laba Meeloodna Ka Soo Weeraray KULMIYE

0
443

Hargeysa, July 15, 2021- (Foore)  – Loollanka culus ee loogu jiro Hanashada Booska Gudoomiyaha aqalka Wakiiladda iyo labada Ku xigeen ayaan wali meelna saldhiggan, waxaanu mid waliba dhinaciisa halgan ugu jiraa sidii uu Xisbigiisu ugu guulaysan lahaa hogaaminta Golaha Cusub ee Wakiiladda Somaliland ee 31-May 2021 lasoo doortay.

Warar lagu kalsoon yahay oo wargeyska Foore soo gaadhay ayaa sheegaya in isbahaysiga Xisbiyada Mucaaridka oo kaashanaya siyaasiyiin ruug cadaaya oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye balse imika ka ragti duwan, ay dadaal rogaal celin ah soo qaadaan islamarkaana ay kulamo hoose la yeesheen qaar ka mid ah Xildhibaada Kulmiye ee saluugga qaba iyo Xildhibaano kale oo iyaguna hore uga tirsanaa Xisbiyada Mucaaridka balse u yara janjeedhsaday dhinaca Xisbi xaakimka iyo Xukuumadda  islamarkaana ay wax badan uga qabsoomeen kulamadaasi.

Wararkana ayaa sheegaya in Isbahaysiga mucaaridku ay laba arimood uga faa’iidaysanayaan Kulmiye, kuwaasi oo kala ah arinta Saluugga ay qabaan Xildhibaanada Kulmiye uga soo baxay Gobolka Awdal oo illaa shan Xildhibaan gaadhaya kuwaasi oo aan wali ku qancin xiitaa kulankii ay la qaataan Madaxweyne Biixi iyo Arinta kale ee ku saabsan diyaaraddaha Dubai iyo Alcarabiya oo dhawaan la shaaciyay in la xaliyay arintooda balse aan wali dhamaan, taasi oo ay Xukuumaddu ku doonaysay inay ku soo kala jabiso Xildhibaanada Mucaaridka uga soo baxay Beesha Bariga Burco.

Isbahaysiga Mucaaridka WADDANI iyo UCID ayaa rajo wayn hadda qaba maadaama oo ay Madaxtooyadda xalinta labadaasi qadiyadooda aanay waxba u hayn. Waxa kale oo ay isla Shalay isbahaysiga Mucaaridku gacanta ku soo dhigeen Xildhibaan ka tirsanaa Kulmiye kaasi oo sheegay inuu uga soo goostay kadib markii uu Madaxweyne Biixi fulin waayay balanqaadkiisii ahaa inuu siidaynayo Diyaaradaha Alcarabiya iyo FlY DUBAI oo laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here