Drs Edna Aadan Oo Si Adag Uga Hadashay Dhakhaatiir Reer Somaliland Ah Oo Lagu Qafaashay Soomaaliya, Sababta Iyo Qaabka Loogula Dhaqmay Muqdisho!!

0
346

Hargeysa, July 15, 2021- (Foore)- Drs. Edna Aadan Ismaaciil (Edna Aadan Dhakhtar) ayaa garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha ee Cigaal waxa ay kusoo dhawaysay qaar ka mid ah dhakhaatiirta ka hawl gasha Cisbitaalka Edna oo dhibaato loogu gaystay Madaarka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kadib markii halkaasi muddo dhawr maalmood ah lagu xidhay sidoo kalena lagaga jeexjeexay baasaaboorka Somaliland ee ay ku safrayeen.

Laba dhakhtar oo kamid ah shaqaalaha Cusbitaalka Dr Edna Aadan oo ku socday dalka Kenya kana tegey caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa dhowaan lagu xidhay Muqdisho oo ay Transit (hakad) kusii ahaayeen. Xubnahan oo 3 maalmood Xamar ku xanibnaa ayaa shalay loo soo tarxiilay dhinaca caasimadda Hargeysa ee Somaliland waxaana la sheegay in laga jeex jeexay Baasaaboorka Somaliland oo ay ku safrayeen. Drs Edna Aadan ayaa saxaafadda u sheegtay in ay nasiib wanaag tahay in Shaqaale laga qafaashtay usoo badbaadaan iyada oo aad u dhaliishay saraakiisha madaarka Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya.

Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo warbaahinta uga warramaysay sida ay wax u dhaceen waxa ay tidhi: “Ilaahii innoo soo celiyey ayaa mahad leh ee ka soo celiyey qafaalasho shaqaalihii caafimaadka ee lagu qafaashay Xamar soomaaliya. Waa saraakiil caafimaad waa shaqaale tababar u socday. Waa shaqaale sifo sharci ah ku dhoofay waxa ay ku dhoofeen baasaaboorka Somaliland kaasi oo fiise ama dal ku gal dalka ay ku socdaana loogu sameeyey, kaasi oo loogu soo saaray baasaaboorka Somaliland. Waxa ay hakad Transit ah ku ahaayeen Madaarka Muqdisho. Sharciga adduunka u yaallaa waxa weeyi dadka dhoofaya ee transit ka ah ee Madaar ku sii hakanaya ka sokeeya meesha ay ku socdaan lama dibindaabyeeyo. Baasaaboorrada lagama qaado, lagama jeexjeexo dhib kalena looma gaysto. Meeshaasi ay ku socdaan ayaa fiisahaasi ama dal ku galkaasi ay ku socdaan u ogolaata ama u diidda. Inta meelood ee ay safarkooda ku sii hakanayaan shuqul kuma laha waa xeer adduunyada u yaalla oo u dejisan. Hadday Soomaaliya sharciga garanayaan baasaaboorka kamay qaadeen kama ay jeexjeexeen. Saddex maalmood qafaalasho kumay haysteen. Hadday sharciga adduunka garanayaan waxaasoo kale may sameeyeen. Labadii qof ee ay qafaasheen maanta dalkoodii bay joogaan Hargeysa ayay joogaan. Calankii tawxiidka lahaa ayay xambaarsan yihiin. Fiisihii laga jeexjeexay berri ayaa loo cusboonaysiinayaa. Tababarkii loogu talo jiray ayay dib ugu baxayaan. Tababarkaasi waxa ay wax ugu qaban lahaayeen Soomaaliya, Somaliland, Itoobiya, Jabuuti iyo deegaanka Soomaalida iyo meesha ay ka yimaaddaanba. Dadka lagu daweeyo halkan ee madaarkan lagu soo dhaweeyo waxa ugu badan dadka ka yimaadda Soomaaliya. Maalin walba Garoowe, Boosaaso iyo meelo kaleba ayay ka yimaaddaan oo Xamar bay ka yimaaddaan”. Ayay tidhi Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo si adag uga hashay dhakhaatiirtaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here