War-murtiyeedka Shirka Aqoonyahanka iyo Dhallinyarada Madasha TALO-WADAAG Ee Deegaanka Allaybaday Akhri/Daawo

0
703

Hargeysa, July 12, 2021- (Foore)- Shirka Madasha TALO-WADAAG ee Dhallinyarada iyo Aqoonyahanka Degmada Allaybaday iyo Deegaamada Hoos Yimaadda oo xalay ka qabsoomay Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa waxa ay ergooyinka shirka ka soo qayb galay doodo dhaadheer ka yeesheen danaha Deegaanka, isku duubnimada iyo wax wada qabsiga guud ahaan shacabka Deegaanka iyo gaar ahaan aqoonyahanka iyo Dhallinyarada.
Ergooyinka shirka ka soo qayb galay oo isaga kala yimid degmooyinka Arabsiyo, Allaybaday, Gabiley, Wajaale iyo deegaamada hoos yimaadda degmada Allaybaday ayaa waxa si weyn la iskula gurfeeyey xaaladda deegaanka, baahiyaha aasaasiga ah iyo sida loo rabo in degdeg wax loo qabto iyada oo gabogabadii shirkasi laga soo saaray ku aaddan xukuumadda, hay’adaha dawliga ah, kuwa maxaliga ah iyo dhammaanba daneeyayaasha deegaanka.
Waxa kale oo qodobada shirka lagaga dooday qaar ka mid ah ay ergooyinku isku raaceen in lala wadaago dhammaanba cidda ay khusayso sida Hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah iyo kuwa heer Gobol.
Gabogabadii shirka kadib dood iyo falan qayn dheer waxa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhawr iyo toban qodob oo halkaasi laga akhriyey waxaanay ahaayeen kuwan:

Halkan Ka Daawo kana akhriso Nuxurka Warmurtiyeedka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here