Xisbiga WADDANI Oo Ka Qayliyey Wax Uu Ku Tilaamay Laaluush Lagu Soo Xero Galinayo Qaar Ka Mida Xildhibaannadii Dhawaan Lasoo Doortay

0
528

Hargeysa, July 8, 2021-(Foore)- Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ayaa ka hadlay laaluush ay Xukuumadda KULMIYE la wareegayso suuqyadda,isla markaana ay ku xod-xodanayso Xildhibaanada ka soo baxay Xisbiyadda UCID iyo WADDANI si ay u hesho kooramka ay raadinayso ee Golaha Wakiillada.Xildhibaan Barkhad oo arrintaas ka hadlaya ayaa  yidhi “2021-kii ayeynu maraynaa duni ayeynu joognaa ummadu il baxday duni ayeynu joognaa caqligii iyo aqoontii korodhay, duni ayeynu joognaa  dalalka caalamka dorashooyin qurux baddan aynu kula tartamayno, korniinkeena siyaasiga ah iyo korniinkeena ummaddeed wax-bada in ay waaqaca k baddelaan ayaa haboon.”

Waxa uu intaas ku sii daray Xildhibaan Barkahad Batuun “Markaa marka iibsiga la leeyahay waxa la iibsadaa hantida guurtada ah iyo ta ma guurtada ah ,waxa kale oo la iibsadaa xoolaha ,markaa Xildhibaanadu goor ay xoolo noqdeen horta taa garan maayo, waxa wax lagu rabbaa dhaqaalaha qofka Xildhibaanka ah loola imanayaa waa noocee,halkuu ka yimi siduu ku yimi ,yaa iska leh, waa su’aalaha meesha yaal,Dhaqaalaha laga qadaado hooyadda cad-ceeda fadhida  cashuurteeda  ee tamaandhada iibinaysa ee caanaha iibinaysa ee aan dallad haysan  ee aan haysan suuliyo iyo meel ay ku xaajo gutaan ee aan haysan meelo ay ku cibaadaystaan ee fadhida meel hal mitir oo isku wareeg ah  ee laga yaabo inay agoon u soo shaqo tagtay,cashuurta taa laga qaadayo oo qof Xildhibaan ah oo ay dooratay oo ay tidhi caafimaadkayga ka haddal oo ay tidhi wax-barashada awlaadayda ka haddal oo ay tidhi waddooyin in na loo sameeyo ka haddal oo xukuumadda la xisaabtan oo ay tidhi xil ayaan ku saaray ka qaadanayaa iyo ka bixinayaa waa damiir darro halkii ugu hoosaysay, annagu ma nihin kuwaa illaahay ayaanu ka magan galnay ka laaluushka bixinayaan iyo ka qaadanayaaba nacdal illaahay ayey mutaysanayaan, waxa aan leehay masuuliyadaa Xildhibaanadu illaahay ha uga baqaan .”

Dhanka Kalena waxa uu sheegay in guul-darada Xukuumadda KULMIYE ay muujinayso lacagaha ay suuqa la wareegayso Xukumaddu “Horta cidda jabtay marka dagaal la gallo  ee laba col is qabtaan cidda gurmadka u baahata ayaa jabta, goroonka waa lagu tartamayaa dadka tartamayaa waa dad Somalilander ah  danta laga shaqaynayaan waa danta Somaliland dadka loo shaqaynayaan ee dad reer Somaliland ah cidda dhaqaale suuqa la soo gelaysaa ayuu jabka ka muuqdaa.”ayuu sheegay.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ayaa farriin u diray Xildhibaanada Golaha Wakiillada “Waar Xildhibaanow shaqaale shicib ayeynu nahay  shillimaad inama gooyo,Xildhibaanada waxaan leeyahay dan Qaran ayaa ina sugaysa  ee dan qofeed inama sugayso.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here