Hargeysa, July 5, 2021-(Foore)- Abwaan Yusuf Cismaan Cabdille Shaacir ayaa sheegay inuu aqbalay guddi ay magacowday Somaaliya oo lagu daray inuu xubin ka noqdo,taas oo ka shaqaynaysay arrimaha horumarinta afka Somaaliga.
Abwaan Yusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir) ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu guddidaa kamid noqdo,isla markaana uu la shaqaynayo, waxaanu sheegay in ay Somaliland garan weyday waxay Dawladda Somaaliya garatay “Raggayaga halkan jooga ee faraha baddan ee waayo arraga ee naga waa weyn ciddi wax uma dirato, wax-na lama weydiiyo, nin waliba habeen ayuu sida uu u joogo dhimmanayaa, markaa dadkana haddii la maali waayo maskaxdu wey is masaxdaa marka dambe, haddii aanu shaqadii qaban wixiiba waad illaaweysaa.”ayuu sheegay
Waxa uu isago oo haddalkiisa sii wata uu sheegay inay Somaliya sharaftay,isla markaana ay qiimaysay, balse aan Somaliland qiimayn “Markaa dhinac haddii laga eego annaga waxa aan u arkaa inay na sharfeen, markii cid kale wax-ba noo dirran weyday ee nala qiimayn waayey ee aqoontii aanu sidnay iyo dhaqankii iyo afkii laga faa’iidaysan waayey,waxa ay doonnayaan inay ka faa’iideeyaan,taana wey ku horeeyaan iyagu waana lagu ammaanayaan marka dhinaca wanaagsan la iska taago.”
Dhanka kalene Yusuf Shaacir ayaa sheegay in Somaliland danayn haldoorkeeda kale duwan “Halkan haddii na loo jeedo oo na loo yeedho oo nagala shaqaysiinayo markaa haddii aan wixii la dannaynay oo dadkii dhintay iska daaye,kuwii noolaa aan cidi danaynay hebelow maxaa halkaas ku magacowday ama halkaa u tagtay xaq qofka looguma leh,xaggaad marka igu oggeyd ee aan joogay .”
Waxa uu intaas ku daray “Komishan-ka Aids-ka iyo ka xuquuqul-insaanka ayaa ijira maxaa loo samayn waayey komishan-ka dhaqan-ka somaliland.”Abwaan Yuusuf shaacir ayaa sidaa yidhi.”ayuu sheegay
Geesta kalena waxa uu sheegay Abwaan Shaacir in aan Somaaliya magacodeen haddii uu Somaliland ka shaqaynayo oo uu yahay shaqaale,balse ay jaaniskaa dayacday Somaliland “Haddii aan Somaliland marka hore ka shaqayn lahayn cid kale ma magacowdeen oo qofka halkan ka shaqaynaya cid kale may soo magacowdeen,markaa cida jaaniska bixisay waa halkan waa Somaliland .”
Gunaanadkii Abwaan Yuusuf Shaacir ayaa sheegay in haddii aanu Somaliland shaqo ku hayn uu meesha uu doono tegi karro “Somaliland waxa u eeg halkan ummad baddan ayaa joogta oo aqoon u leh dhaqanka iyo afkaba inay xil iska saarto oo arrintaa dhaqanka iyo afkaa wax laga qabto, haddii aan wax-ba laga qabanayn Xamar daayoo kalkata ayaanu ka dhacaynaa ma cid ayaa lacag nagu leh ma Dawlad ayaan u shaqaynaa annagu,annigu ma cid ayaan u shaqeeyaa, qofka i odhanaya maxaad halkaa u tagtay, ama maxaa halkaa lagaaga magacaabay xagguu igu ogyahay,annigu qof suuqa jooga ayaan ahay oo weliba aan shaqo hayn ,markaa haddii wax na loo diran waayey,adeer cidii kale ee wax noo diranaysa maxaa loo qabsanayaa loo eedaynayaa”ayuu sheegay.