Magacaygu wa Aadan Yuusuf Faarax waxan idinla wadagayaa dhacdo yar oo igaga dhacday labada shirkadood ee telesom iyo somtel.
Waxaan maalinimadii Arbacadii aniga iyo wiil aanu saaxiibo nahay oo shaqo tag ahaa aanu u tagnay shirkadda Somtel gaar ahaan headquarterka Hargeysa, dadabdeed waxanu la kulanay qaybo ka mid ah shirkadda markaanu usheegnay ujeedkaanu usoconay oo ahayd inaan shaqo ubaahanahay haday shirkadda ka banaantahay ayay waxay noogu jawaabeen shirkadda ciddii reerka ka mid ah ayaa laga shaqalaysiiyaa uun!!.
Waan la yaabnay run ahaantii shirkad dhan oo bulshada qaybaheeda kala duwan ka raadinaysa ((costumer)) inay sidaa u hadlaaan ka dib waan iskaga soo baxnay waxaanu nimid shirkadda Telesom headquarter keeda oo biriishka wayn ee Hargeysa udhow ka bacdi waa lana soo dhaweeyay arinkii aanu usoconay oo ahaa inaanu shaqo doonayno ayaanu la wadaagnay ka dib way na aqbaleen(( form)) loogu talo galay dadka shaqo doonka ayay noo dhiibeen markaanu buuxinay ayay noo sheegeen in ay nala soo hadli doonaan haday shaqo banaannaato.
Hadaba labada shirkadood siday u kala qabilaad wanaagsan yihiin ayay u kla macamiil ((costumer)) badan yihiin.
”Halhaystii ahayd telesom dadka wada leh” ayaan xaqiiqsaday. Waxaan qirayaaa inay telesom tahay shirkada ugu adeeega fiican somaliland.
Soo Jeedin ((Somtel))
Waxaan kula talin lahaa shirkadda SOMTEL inay macamiisha si fiican ula dhaqanto wixii fursado shaqo ee jirana aanay isku koobin ((reer ahaane)) ay dadka macamiisha u ah iyo dadka kala la wadaagto.
Anigu card ka somtel waan isticmaali jiray iyo internet kaba laakiin maalintii Arbacadii baan iska dhigay card ka SOMTEL, Markaa si aanay dadku uwada dhigin kaadhka, fursadaha ka qayb galiya dadwaynaha …mahdsaniid
Qalinka: Aadan Yuusuf Faarax