Akhri Qaybta 2aad Xeerka Nidaamka Ururrada Iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lambar 14/2021

0
102

Hargeysa, July 01, 2021- (Foore)- Intiinnii la socotay cadadkeenii ugu dambeeyey ee Isniintii waxa aan halkan idinkula wadaagnay qaybta koowaad ee Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr.14/2021 oo wax ka baddal iyo kaabis lagu sameeyey kaasi oo ay Golaha Guurtidu toddobaadkan ansixiyeen.

Waxa aan halkii ka sii amba qaadi doonaa qodobadii uu innoogu joogay Isniintii waxaanu Xeerku odhanayaa sidan: “Qodobka 11aad

Waxyaabaha ka reebban Xisbiyada/Ururada

  1. Waxaa ka reebban xisbi/urur kasta inuu u soo gudbiyo Gudidda war bixin been ah ama khaldan.
  2. Xisbina kama muuqan karto xeerarkiisa qodob ama qodobo ka hor imanaya Dastuurka iyo Shareecada Islaamka.
  3. Xisbi/Urur kasta waxaa ka reebban inuu dhaqaale ka helo illo shisheeye
  4. Xisbi/urur kasta waxaa ka reebban inuu hantida qaranka Somaliland u adeegsado ama u isticmaalo hawlihiisa u gaarka ah ee doorashooyinka.
  5. Xisbi/urur kasta waxaa ka reebban inuu adeegsado koox ama ciidan hubaysan oo uu ku fushado danihiisa gaarka ah.
  6. Xisbi/urur kasta waxaa ku waajib ah inay Hoggaanka Xisbiga/Ururka, Gudiddiisa fulinta iyo Golaha Dhexe u soo doortaan si daah-furan oo dimuqraadiya.

Qodobka 12aad

Xuquuqda Xisbiyadda Qaranka

Xisbiyada Qaranka ee la siiyey shahaadada xisbinimo Qaran, waxay xaq u leeyihiin:-

  1. a) Inay si siman u adeegsadaan warbaahinta Qaranka, waxayna yeelan karaan warbaahin u gaar ah markey ogolaansho ka helaan hey’adaha ku shaqada leh.
  2. b) Inay si xor ah u gudbiyaan afkaartooda siyaasadeed iyagoon wax u dhimayn xasiloonida iyo nabadgelyada guud ee dalka.
  3. c) Inaan la cabudhin karin masuuliyiinta xisbiyada ciidamada amaankuna aaney gali karin xarumohooda ilaa ogolaasho laga helo maxkamadda awooda u leh,
  4. d) Xisbiyada Qaranka ee mucaaridka ahi way dhaliili karaan xukuumada.
  5. e) Xisbiyadu wixii dacwad ama cabashooyin ay ka tawdaan shaqada Gudidda diwaangelinta iyo Anshaxmarinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka waxay qoraal ahaan ugu gudbinayaan maxkamadda gobolka ee ay cabashadu ka jirto,
  6. f) Haddii ay ku qanci waayaan go’aanka maxkamadda gobolku ka soo saarto, waxay racfaan uga qaadanayaan Maxkamadda Dastuuriga ah.
  7. g) Xisbiyada qaranku way yeelan karaan hanti gaar ah.

Qodobka 13aad

Xuquuqda Muwaadiniinta

Muwaaddin kasta oo buuxiyay shurruudda xeerka, wuxuu xaq u leeyahay:-

  1. Inuu ka qayb-qaato hawlaha siyaasadda;
  2. Inuu ku biiri karo xisbi ama urur siyaasadeed kuu doorto;
  3. Xubnaha ururku ama xisbigu waxay leeyihiin xuquuqo isku mid ah xaqa doorashada iyo codayntaba marka lagu guda jiro xilliga doorashada xisbiga/ururka gudihiisa;
  4. Xubin kasta oo doonaysa in ay ka baxdo xil xisbi ama urur;
  5. Waa in xubinta xisbiga/ururku u soo gudbisaa arjiga is casilaadda.
  6. Waa in xisbiga/Ururku ku aqbalaa 14 maalmood gudahood is casilaadda xubinta.
  7. Xubininna kama wada tirsanaan karto laba Xisbi/Urur ama Xisbi iyo Urur isla wakhti keliya.

Qodobka 14aad

Sababaha Lagu Waayi Karo Xubinnimada Xisbi/Urur

Xubin ka tirsan Xisbi ama Urur waxaa laga saari karaa oo keliya marka:-

  1. Ay ka qayb-qaadato samaysanta urur kale ama ka qaybqaadato hawlo xisbi kale.
  2. Ay ku gafto xeerka u yaalla xisbiga/Ururka ama ay ku dhacdo xukun ciqaab ah oo kama danbays ah oo ugu yaraan ah 3 sanadood;
  3. Haddii ay timaaddo xaaladaha ku xusan faqradaha hore, Gudidda fulinta ee xisbiga ayaa si xeerka waafaqsan go’aan uga gaadhaysa muddo 30 maalmood gudahood ah marka hoggaanka xisbi/Ururku sidaa ku soo eedeeyo;
  4. Xubinta ama xubnaha lagu eedeeyay xaaladaha kor ku xussan isla markaana Gudidda fulinta go’aamiso in laga saaro xisbiga, waxay muddo 14 maalmood gudahood ah qoraal rasmi ah oo cabasho u gudbinaysaa ama u gudbinayaan Gudidda;
  5. Gudidda waxaa waajib ku ah in ay dhagaysato isla markaana daristo asbaabta go’aanka sidoo kale iyo cabashada xubinta ama xubnaha;
  6. Gudiddu waa in ay muddo 21 maalmood gudahood ah go’aan ka gaadhaa, waxaana u furan in
  7. b) Ay buriso go’aanka hore
  8. t) Ay ayiddo go’aanka hore iyo
  9. j) In ay waka-bedesho go’aanka hore
  10. Dhinac ku qanci waaya go’aanka Gudidda, waxa u bannaan in uu cabasho u gudbisto maxkamadda sare Muddo 14 maalmood gudahood ah oo ka bilaamaysa maalinta Gudiddu ku dhawaaqdo go’aankeeda, iyadoo xukunka Maxkmadda sare noqonayo kama dambays.

Qodobka 15aad

Mudadda Musharraxa Madexweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga

  1. Qofna iskuma sharrxi karo Musharrax Madaxweyne, Ku-xigeen Madaxweyne laba jeer wax ka badan.
  2. Qofna ma qaban karo Xilka Gudoomiyaha Xisbiga laba jeer wax ka badan,

QAYTA 5AAD

XEER–HOOSAADKA, HOOSAADKA QAAB–DHIMEEDKA IYO SHAQADA URURADA SIYAASADDA

Qodobka 16aad

Xeer-hoosaadka iyo Qaab-dhismeedka Ururada Siyaasadda 

Xeer-hoosaadka ururada siyaasadda waa in ay ku cad yihiin:-

  1. Magaca ururka oo dhamaystiran.
  2. Ujeeddooyinka ururka.
  3. Qaab-dhismeedka ururka iyo waaxyaha uu ka kooban yahay.
  4. Xarunta dhexe ee ururka oo ah Somaliland gudaheeda.
  5. Qaabka lagu soo doorto ama lagu beddeli karo, muddada xilka ee mas’uuliyiinta ururka.
  6. Shuruudaha xubinta lagu noqon karo, sababta lagu waayi karo iyo iscasilaadda xubinta ama mas’uulka.
  7. Qodobo khuseeya sida xeer-hoosaadka ururka wax looga beddeli karo.

Qodobka 17aad

Reebbanaan

Uma bannaana qof kasta oo ka tirsan ciidammada qalabka-sidda, Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta, hey’adaha Sirdoonka Qaranka, Ururada aan Dawliga ahayn, shaqaalaha dawlada (civil servants) iyo xubnaha ka tirsan garsoorka,  xeer-ilaalinta iyo Gudidda  Diwaangelinta iyo Anshaxmarinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka  in ay:-

  1. Samaystaan urur siyaasadeed iyo xubin ka-noqoshadiisaba.
  2. In loo magacaabo xafiis Urur Siyaasadeed.
  3. Ku lug-yeelato arrimo Axsaab/Urur oo luminaaya dhex-dhexaadnimada xafiiska uu joogo.
  4. Taageerid ama ka-soo-hor-jeedsi Xisbi/Urur Siyaadadeed.

Qodobka 18aad

Astaamaha iyo Magacyada

Ururna ma isticmaali karo astaan ama magac uu hore u isticmaalay urur kale, xisbi, hay’adaha dawladda ama Qaranka Somaliland.

Qodobka 19aad

Hoggaamiyeyaasha Xisbi/Urur Siyaasadeed

Qofka isu sharraxaaya hogaanka Xisbi/Urur Siyaasadeed waa in uu buuxiyo shuruudahan:

  1. Waa inuu yahay muwaaddin reer Somaliland ah.
  2. Waa in da’diisu tahay ugu yaraan 35 jir.
  3. Waa in aanu ku dhicin xukun maxkamadeed oo kama danbays ah oo uu oo ku mutaystay fal-dambiyeed uu gaystay oo ka badan 3 (saddex) sanno 5tii sanno ee u dambaysay marka laga reebo in Madexweynaha JSL uu siiyay cafis.
  4. Waa in uu yahay qof muslin ah kuna dhaqma diinta islaamka.
  5. Guddoomiyaha ku helay xilka si waafaqsan shuruudaha qodobkan wuxuu muddo-xileedkiisu noqonayaa 5-sanadood oo ka bilaabmaysa maalinta shirweynaha xisbiga lagu doorto.
  6. Guddoomiyaha Xisbi ee loo doortay Madaxweynaha, wuxuu xilka guddoomiyaha sii hayn karaa hal muddo-xileed oo kale.

Qodobka 20aad

Isbeddelka Hoggaanka iyo shuruucda Xisbiga/Ururka

  1. Isla markaana waa in qoraal rasmi ah oo arrintaa ku saabsan loo diro xeer-ilaalinta guud, gudidda diiwaangelinta iyo Anshaxmarinta ururada siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada qaranka iyo komishanka doorashooyinka qaranka mudo aan ka badnayn 15-maalmood.
  2. is-beddelka ku yimid hoggaanka xisbiga/ururka, Golihiisa fulinta ama dhexe iyo xeerarkiisa waa in laga diiwaan-galiyaa Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud, Gudidda Diiwaangalinta iyo anshax-marinta Ururrada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka isla markaana loo gudbiyaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka muddo aan ka badnayn 30 Maamlood.

QAYBTA 6AAD

WARBAAHINTA IYO HANTIDA XISBI/URUR SIYAASADEED

Qodobka 21aad

Warbaahinta Xisbiga ama Ururka

  1. Xisbi/Urur siyaasadeed waxa uu xaq u leeyahay in uu abuuro warbaahin u gaar ah si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka ee khuseeya warbaahinta gaarka ah.
  2. Xisbi/Urur siyaasadeed waxa ka mamnuuc ah in ay faafiyaan, daabacaan ama baahiyaan warar been ah, isla markaana abuuraaya kicin iyo iska-hor imaad dadweyne, wiiqaaya midnimada dalka, ama waxyeello u gaysanaaya nabadgelyada guud.
  3. Xisbiyada/Ururada siyaasaddu waxay si siman u isiticmaalayaan warbaahinta ay Dawladdu maamusho wakhtiga ololaha doorashooyinka Qaranka.

Qodobka 22aad

Hantida Xisbi/Urur

Hantida Xisbi/Urur waxa ay ka iman kartaa:

  1. Qaadhaanka ay xubnaha Xisbi/Urur bixiyaan.
  2. Deeqda la siiyay Xisbiga/Ururka waa in ay ka timaaddo shirkado wadani ah, ama muwaadiniin reer Somaliland ah.
  3. Kaalmo ay si siman u bixisay xukuumaddu
  4. Xisbi/Urur waxaa ka reebban in uu ilo dhaqaale ka helo ama ka helaan ilo shisheeye sida ku tilmaaman qodobka 11aad
  5. Xisbi/Urur kastaa wuxuu idman karaa baadhis madax-bannaan oo lagu sameeyo laamihiisa maaliyadda, sidoo kale hanti-dhowraha guud ee dawladdu wuxuu baadhis ku samayn karaa habka loo adeegsaday kabka dawladda ee loogu qoondeeyay miisaaniyadda dawladda iyo hantida kale ee xisbigu ku helay si xeerka waafaqsan.
  6. Qoondada Miisaaniyadda ee ay xibiyadu ka helaan dawladda, waxay ku bixinayaan ijaarka iyo hawl-wadeennada xafiisyadooda gobollada iyo degmo doorasho iyo wixii daruuri ah ee aanu Xeerku u diidin.
  7. Gudiddu waxay ku kor-joogtaynaysaa xisbiyada in xafiisyadoodu ka furan yihiin gobol/degmo doorasho, isla markaana hantidaasi loo adeegsaday si xeerka waafaqsan.

QAYBTA 7AAD

 XISBIYADA SIYAASADDA EE JIRA 

Qodobka 23aad

Shakhsiyadda Qaanuuniga ah ee Xisbiyadda

  1. Saddexda xisbi Qaran ee loo aqoonsado xisbiyo qaran waxa ay leeyihiin Shakhsiyad Qaanuuni ah (Legal Personality).
  2. Xisbiyada Qaranka waxa ay xaq u leeyihiin in ay u tartamaan Doorashada Tooska Haseyeeshee, waa in ay Gudidda Diwaangelinta iyo Anshax Marinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka u soo gudbiyaan waxyaalahan
  3. b) Magaca Xisbiga oo dhamaystiran
  4. t) Ujeeddooyinka Xisbiga;
  5. j) Qaab-dhismeedka Xisbiga iyo Waaxyaha uu ka kooban yahay
  6. x) Xarunta dhexe ee Xisbiga oo ah Somaliland gudaheeda

Kh) Qaabka lagu soo doorto ama lagu beddeli karo, muddada xilka ee             mas’uuliyiinta Xisbiga,

  1. d) Shuruudaha Xubinta lagu noqon karo iyo sababta lagu waayi karo iyo iscasilaadda xubinta ama mas’uulkaba.
  2. r) Qodobbo khuseeya sida Xeer-hoosaadka Xisbiga wax looga beddeli karo

Qodobka 24aad

Ganaaxa ku Xad-Gudubka Xeerka

Gudiddu waxa ay ganaax lacageed oo dhan (150,000,000 SL/Sh) Boqol iyo Konton milyan oo shillin Somaliland ah ku soo rogayaa Xisbiga ku xad-gudba Xeerkan, halka ururkan la ganaaxayo (50.000.000) Konton Milyan Oo Somaliland Shilling ah.

Qodobka 25aad

Hab-raaca Ganaaxa

  1. Haddii xisbi/Urur ay ku caddaato in u ku xad-gudbay qodobbada xeerkan ama xeer kale oo dhaqangal ah, waxaa loo Gudbinayaa digniin qoraal ama ganaax lacageed si waafaqsan qodobka 24aad ee Xeerkan.
  2. Haddii ay xisbi/urur lagu eedeeyo xagjirnimo, cunsuriyad ama innuu baahinayo mabaa’dii ka dhan ah shareecada islaamka, Qaranimada Somaliland iyo wax kasta oo ka hor imanaya dastuurka Jamhuuridda Somaliland, waxay ugu gudbinaysaa xafiiska Xeer-ilaalinta si uu ugu soo ooggo dambigaas una geeyo maxkamada awood u leh.
  3. Hadii xisbigu ku qabsan waayo shirweynihiisa ama Shirka Golaha Dhexe, Gudidda ayaa go’aan ka gaadhaysa si waafaqsan Xeerkan,
  4. Hadii ay go’aamiso Maxkamadu in urur/xisbi ruqsada ama Shahaadada lagala noqdo waxaa soo beddelaya ururka ku soo xigay doorashada tooska ah ee uu kuu ku helay Shahaadadda Xisbinimo.
  5. Ururka beddelaya xisbiga Shahaadda a laga noqday, waa in uu muddo 30 cisho ah ku qabsadaa shir-weyne uu ku dooranayo Qaab-dhismeedkiisa hoggaankiisa si wafaqsan Xeerka.

QAYBTA 8AAD

Qodobka 26aad

Waxyaabaha ka Reeban Adeegsiga Deeqaha Dawladdu siiso Xisbiyada

Deeqaha dawladda looma isticmaali karo si toos ah ama si dadban in loogu qorsheeyo samaynta ganacsi gaar loo leeyahay, ha ahaato hanti guurto ah ama tu ma-guurto ahba;

Qodobka 27aad

Xisaab xidh  

Xisbi Qaran kastaa waxaa uu samaynayaa xisaab xidh sanadeed (dakhli iyo kharash) uu soo cadeeyay hanti dhawre madax banaan, waxaana loo gudbinayaa komishanka Doorashooyinka Qaranka ugu danbayn 31 March ee sanad kasta.

QAYBTA 9AAD

QODOBBO KALA DUWAN

Qodobka 28aad

Xisbiga Dhaca ama UrurkaU Gudbi Waaya Xisbi

  1. Xisbi kasta/Urur oo ku guulaysan waaya doorashada tooska ah waxay ku biirayaan saddexda xisbi qaran ee soo baxay kay doonaan, waxayna qoraal ahaan ugu gubinayaan Gudidda Diiwaangelinta iyo Anshaxmarinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka mudo aan ka badnayn hal bil (30 maalmood).
  2. Haddii xisbigii mudanaha Golaha wakiiladu uu ka tirsanaa ku dhaco tartanka Ururada iyo Xisbiyada waa in mudanuhu ku biiraa xisbiga Qaran ee uu doorto, wuxuuna dhamaysanayaa muddo xileedka u hadhsan.
  3. Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu waxay dhamaysanayaan mudadda xilkooda inta uga hadhsan hadii xisbigoodu soo bixi waayo waxaana u furan inay galaan xisbiga ay doonaan.

Qodobka 29aad

Tayaynta iyo Habaynta Xisbiyada Qaranka

  1. Xisbiyada Qaranka ee Doorashada ku guulaystaa waa in ay ku dhaqmaan maa-mul wanaag iyo dimuqraadiyada dhexdooda ah, waana in awooda loo siman yahay talada xisbigana waa in mar kasta lagu go’aan qaataa qaabka uu dhigaayo xeer hoosaadku.
  2. Shirweynaha Xisbi Qaran waxaa la qabanayaa (5) shantii sano hal mar waxaana la baahinayaa lixdan (60) maalmood ka hor.
  3. Shirka xisbi ee Golaha Dhexe waxaa la qabanayaa halkii sanaba mar waxana la baahinayaa 30 casho ka hor.
  4. Shir weynaha xisbiga waxa lagu soo dooranaya.
  5. b) Xubnaha hogaanka xisbiga iyo Gudidda Fulinta,
  6. t) Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga,
  7. j) Waxaa lagu ansixinayaa barnaamijka iyo xeer-hoosaadka xisbiga.
  8. Liiska xubnaha Gudidda Fulinta iyo Golaha Dhexe ee xisbi iyo nuqul Xeerhoosaadkooda ah waxaa loo gudbinayaa Xeer-ilaalinta, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Gudidda Diwaangelinta iyo Anshaxmarinta Ururadda Siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada Qaranka mudo aan ka badnayn 30 maalmood shirweynaha ka dib.
  9. Hogaanka xisbiga, Gudidda Fulinta iyo xubin Golaha Dhexe waxaa xilka qaadis tooda soo jeedin kara:
  10. b) 1/3 xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga
  11. t) Gudoomiyaha xisbiga.
  12. j) Is-casilaad.

Waxaana cod kala-badh iyo hal ku ansixinaya xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga.

  1. Gudidda diwaangelinta iyo Anshaxmarinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa xisbiyada dhexdooda ku ilaalinaya dimuqraadiyada, iyagoo war bixintoodda u soo gudbinaya Golaha Wakiiladda marka loo baahdo.
  2. Marka mudo xileedka Gudidda Diwaangelinta iyo Anshaxmarinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka uu dhamaado waxaa shaqadooda la wareegaya komishanka doorashooyinka Qaranka.

Qodobka 30aad

Laalis

  1. Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda (Xeer Lr.14/2011) waxaa badalay Xeer Lr..14/2021.
  2. Xeer kasta oo ka soo horjeeda Xeerkani waa waxba kama jiraan (null and void).

Qodobka 31aad

Dhaqan-galka

Xeerkan waxa uu dhaqan-gelayaa marka ay Goleyaasha Xeer-dejintu ansixiyaan Madaxweynuhuna saxeexo

C/risaaq Siciid Ayaanle                                                       Md.  Baashe Maxamed Faarax

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada JSL               Gudoomiyaha Golaha Wakiillada

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here