Boorama, June 28, 2021-(Foore)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa ka dalbaday Cabdiraaq Khaliif inuu uga tanaasulo kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, kaas oo ay Xukuumadda dabada ka waddo, isla markaana ay iyadu damacsantay inay Xilkaas u dhiibto.
Cabdirashiid Ducaale Qambi oo war-baahinta kula hadlay Magaalada Borama ayaa tusaale u soo qaatay heshiiskii Gar-adag ee Siilaanyo iyo Salebaan Gaal “Axmed Siilaanyo iyo Salebaan Maxamuud Aadan doorasho ayey isku qabteen gar-adag ayaa la geeyey oo qabiilkoodii geeyey, waa la kale reebay.”ayuu sheegay
Wasiir Qambi ayaa sheegay haddii ay beesha dhulbahante isku tagto inay odhanayso Cabdirasaaq Khaliin u tanaasul odayga “Maanta haddii ay isku tagaan dadka degaankaas waxa uu ku odhan lahaa waar adeerkaa daa,xannaf-na ha abuurin ,hadda ayaanu ku leenahay waar adeerkaa daa ayaanu ku leenay, waan kugu celinaynaa,wuu kaaga da’a weyn yahay ,wuu kaaga cilmi baddan yahay,siyaasadda wuu u caafimaad qabaa waana u da.”ayuu sheegay
Waxa uu intaas ku sii daray “Waar haddii aynaan sidaa yeelayn oo sidaa u kale dambaynayn oo maanta haddii aynu isku tagno oo qabiil ahaan u baxno lagu odhan lahaa waar joog Cabdirasaaq ,markaas ayaad Xisbi ku cararaysaa waar Xisbiga Mucaaradka ahi sawkii ahaa la jiifiyaana bannaan la joojiyaana bannaan ee Burco qabiilka u baddelayey,waar iminka Xisbi ma jiree dhaqan oo ka hadh odayga.”
Ugu Dambeyn Cabdirashiid Ducaale Qambi oo weijigiisa ay ka muuqato cadho ayaa ku cataabay erayadan “Dhallinyaro ayaad tahay khibrad ma lihid 2012-kii ayaa noogu kaa horraysay ,shacabka Somaliland waxa aan odhan lahaa,maanta waxa la joogaa maalin qofka aynu dooranayno aynu baadh-no oo aynaan nina nabsi ka gelin nina maqaamkiisa weydaarin, maanta Yaasiin Xiir Dal iyo Debad ninkii wax ka qaban lahaa weeye, Gaal iyo islaam , Beel calam Golaha Wakiillada nin kaga habooni ma jiro,.”ayuu yidhi Wasiir Cabdirashiid Ducaale Qambi, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo ka hadlayay xaaladda siyaasadeed iyo tartanka loogu jiro kursiga Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland oo ay u taagan yihiin laba xubnood oo ka soo jeeda isla beesha wasiirka.