Hargeysa, June 28, 2021- (Foore)- Fadhigii Golaha Guurtida Somaliland ee Shalay waxa ay Goluhu si rasmi ah u ansixiyeen Xeerka nidaamka Ururrada Iyo Axsaabta Siyaasadda oo Golaha Wakiilladu Hore ugu soo gudbiyey kaasi oo wax ka baddal iyo Kaabis lagu sameeyey Xeer Lr. 14/2021 kaasi oo muddoba Golaha Hor yaallay.
Xeerkan oo in muddo ahba shacabka Somaliland ka dhur sugayay ansixintiisa marka laga hadlayo baahida loo qabo in uu dalka si rasmi ah uga hir galo nidaamka axsaabta badan oo ay meesha uga baxdo in xisbiyadu muddo ka badan inta sharcigu u jeediyey ay iska joogaan ayaa waxa uu keenay in ay dad badani durba is waydiiyaan ama faallooyin ka dhiibtaan sida Xeer Lr.14 wax uga baddali karo saaxadda siyaasadeed ee dalka oo keenaysa in ay dib u furmaan Ururradii Siyaasiga ahaa marka ay muddo xileedkooda dhammaystaan saddexda xisbi ee wakhtigan dalka ka dhisani UCID, Waddani iyo KULMIYE oo muddodoodu ku eg tahay sannadka dambe ee 2021.
Xeerkan ay shalay ansixiyeen Golaha Guurtida Somaliland ee Xeerka nidaamka Ururrada Iyo Axsaabta Siyaasaddu waxa uu jidaynayaa in xisbi waliba muddo xileedkiisu yahay 10 sano oo ka bolaabmaysa maalintii shahaadada xisbinimo la siiyay. Xisbiyada hadda Jira waxa shahaadada xisbigu ay guddoomeen sannadkii 2012 oo ay dalka ka dhaceen doorashooyinkii Golayaasha Deegaanku waxaanay muddadu kaga egtahay 2022 oo ah sannadka dambe oo ay sidoo kale ku beegan tahay wakhtiga dhammaadka Muddo xileedka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxaana sidoo kale xeerkan ku cad in aanu Guddoomiye Xisi ama Musharrax Madaxweyne laba jeer wax ka baddan isu soo taagi Karin doorashada Madaxtooyada taasi oo meesha ka saaraysa qaar ka mid ah guddoomiyayaasha xisbiyada qaranka oo tiraba saddex jeer oo hore isu soo taagay doorashada Madaxtooyo.
Muddoda Shahaadada Xisbinnimo haddii aan soo qaadano Xeer Lr.14 qodobkiisa 8aad Farqaddiisa 1aad waxa uu u dhigan yahay sidan: “Muddadda Shahaadada Xisbinimo ee xisbiyada Qaranku waa toban (10 sano) oo ka bilaabanta taariikhda Shahaadda Xisbinimo la siiyay.
Qodobka 15aad xeerkan ayaa isna ka hadlaya Mudadda Musharraxa Madexweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Xisbiga waxaanay labada farqadood ee uu ka kooban yahay u dhigan yihiin sidan:
- Qofna iskuma sharrxi karo Musharrax Madaxweyne, Ku-xigeen Madaxweyne laba jeer wax ka badan.
- Qofna ma qaban karo Xilka Gudoomiyaha Xisbiga laba jeer wax ka badan,
Isku soo wada duuboo xeerkan ayaa la filayaa in uu dhaqan galo marka uu Madaxweynuhhu saxeexo ee lagu soo saaro faafinta rasmiga ah iyada oo markii ay shalay Golaha Guurtidu ansixiyeen si weyn shacabku u soo dhaweeyeen.