Faysal Cali Waraabe Oo M/weyne Biixi Ugu Baaqay Inuu Joojiyo Dagaalka Siyaasadda Ah

0
639

Hargeysa, June 28, 2021-(Foore)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu joojiyo dagaalka gudaheena,isla markaana uu iimaansado 30-ka xubnood ee Xisbiga KULMIYE uga soo baxay doorashadii Golaha Wakiillada

Guddoomiye Faysal Cali Xuseen, ayaa ugu horeynba ka hadlay Doorashooyinkii Dalka ka dhacay, Isagoo Bogaadiyey Shacabka Reer Somaliland Ee u Soo caddeeyey Isbadel ka dhaca Dalka.

Isagoo Geesta kale Ugu Baaqay Madaxweyaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi Inuu joojiyo Kala Qaybin uu Sheegay Inuu ku Hayo Xildhibaannadda Cusub Ee Golaha Wakiiladda Ee la Soo Doortay, Isla-markaana uu Ku Iimaansaddo 30 Xildhibaan ee uu Xisbigiisa KULMIYE ka Helay Aqalka Golaha Wakiiladda. Waxaana uu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Isagoo Arrintaa Doorashooyinka Iyo Madaxweyne Biixi la hadlaya“ Madaxweynaha waxa aan ugu baaqayaa inuu iska daayo dagaal gudaheena ah ,30 Xidhibaan ayuu helay soddonkaa Xildhibaan haku eekaado aqlabiyadda dadka leh ayaa leh Guddoomiyaha ,30 Xildhibaan ayaad heshay Iimaanso, Labadii Xisbi Ee Kale ayaa Helay 52 Xildhibaan, Shir-guddoonka Isbahaysiga Leh Xumaanna Maaha, Ee Waa Isku Dheeli-tirka Dhadhaarada Qaranka.”ayuu sheegay

Wuxuu Intaa raaciyey Guddoomiyuhu oo uu Yidhi “Madaxweyne Jooji Sharci Darrada Aad Waddo Ee Aad Rabto In Dad Xisbi Kale Kasoo Baxay  Ay Xisbigaaga U Codeeyaan”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa digniin u diray xubnaha Golaha Wakiillada ee UCID,waxaamu si gaar ah u soo qaatay xubno Musharraxiin sheegtay oo u galay KULMIYE “ waxa an xasuusinayaa xildhibaanada soo baxay inuu dastuurkeenu sheegayo qoddobka 51 farqadiisa koobaad A, “Xildhibaankii shurruudihii lagu soo dooratay mid jebiyay inuu kursiga waayayo”.annaguna haddii aan UCID nahay sharci yaqaan ayeynu u dhiibnay wuu soo faah-faahiyey, Musharrax kasta waanu ka saxeexnay Nootaayo sharcigu wuu inoo yaalaa ,ragga KULMIYE isku hor sawirray eel eh, waxa aanu nahay Musharrax waxa aanu idin xasuusinaynaa inuu sharcigi jiro.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here