Hargeysa, June 24, 2021-(Foore)- Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo kamid ah masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ayaa ka jawaabay cabasho ka soo yeedhay Musharraxiin degaankiisa ah oo ku hadhay doorashadii,kuwaas oo sheegay in codkoodii u Xisbiga WADDANI ka boobay.
Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid ayaa sheegay in aanu jirin meel uu xisbiga WADDANI cod kaga boobay Musharraxiintaas, waxaanu ka dalbaday inay soo bandhigaan haddii ay hayaan caddaymo la xidhiidha, Isagoo sheegay in aan laga haddal Musharraxiin shan ah oo ka sharraxnaa Xisbiga KULMIYE oo dhacay,kuwaas oo ka soo jeeday degaanka.
Xuseen Axmed Caydiid ayaa sheegay in Dumar la soo fadhiisiyey war-baahintay ay ku jireen Haween ka tirsan Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo iska dhigayey tageerayaasha Xisbiga WADDANI oo cabanaya, balse ay ahayaan KULMIYE “ Xisbiga KULMIYE ilaa lix Musharrax ayaa ka sharraxnaa oo mid mooyaane shantii kaleba ,waxa ay kamid ahayeen dadka aan soo bixin Musharraxiinta aan soo bixin, waxa la yaab leh markaas waxa kuwaa KULMIYE looga hadli layahay ee cid –baa dhacday loo odhan layahay , Xisbiyadda Mucaaradka kuwii ka sharraxnaa loo leeyahay cid ayaa dhacday ayaa layaaba, waxa marag ma doon ahayd dumar masakiin ah oo maalin dhaweyd laga hadliyey oo waxay ka hadlayaanba aan garanayn oo qaarkood Madaxweynahaa jooga oo aan berigaa joogin yidhaah-deen doorasho hore oo berri hore dhacday shan ayaad noo soo saartay Madaxweynow oo doorkan maxaanu u dhacnay ka hadlaayey, Dumar KULMIYE ah oo waa weyn ayaa dhex-fadhiyey,waxaan loo dhigayey WADDANI oo dadkiisi ka cabanayo ayaa loo dhigayey, Dumar waa weyn oo KULMIYE ahina waa dhex-fadhiyeen .”
Geesta kalana Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid ayaa soo bandhigay caddaymo ku saabsan codadkii ay Musharraxiintu ka heleen goobaha degmada Axmed Dhagax ilaa Gabolka Hawd,waxaanu bayaamiyey in aanay jirin Musharrax codkiisa la dhacay oo uu Xisbiga WADDANI boobay “Halkan Waxa aan ku hayaa goobihii degaanka ay codka ugu baddan ka filayeen,musharraxiintaasina wey haystaan oo waa loo gudbiyey,haddii la helo goob kamid ah goobahaa oo nin aan degaankaa ahay cod buurani uga qoran yahay,marka laga reebo Cabdikariin Axmed Mooge iyo Barkhad Jamaac Batuun oo Gobolkaba looga wadda codeeyey si layaab leh, marka labadaa laga reebo,dadka loo tirinayo ee la leeyahay wey na dheceen haddii mid cod buuran ka helay degaanadiina goob uu ka helay aad soo saartaan markaa waa la idin dhacay oo annaga ayaa idiin markhaati furi doonna in la idin dhacay ee bal na taabsiiya goobta goob heblaayo ah, Dugsiga Faaduma Biixi, Dugsiga Macalin Da’uud, MCH-ka, Adna Hospital, 18 May ,bal goobahaaga waad garanaysaa ilaa kuwa Balligubadlee,goobta qofka aan degaanka ahayn cod buurani uga qoran yahay na taabsii,marka laga reebo Barkhad iyo Cabdikariin oo Gobolka oo dhan looga codeeyey.”
Waxa uu intaas ku daray “Marka hore intiina baddani Xisbiga maydin ahayn, maantana Xisbiga talladiisu idinka idiin-ma taal, ninka aan Xisbiga ahayn ee shalay calaamada yar la yimi,maanta Xisbiga talladiisa iyo arrinkiisu kuma yaal,halka aad farriinta u diranayso si basar ah adiga oo u taga ayaa fiican,nin marka laga reebo intiina kale maydaan ahayn Xisbiga ma musharraxnimadaa aad la timaadeen goor ka horaysay ayaad ahaydeen Xisbiga, Xuseen Aadan Cadde marka laga reebo,xuseen-ba isna isa sheeg in aanu fillaynayn guul.”