Siyaasi Cabdiqaadir Jirde Oo Ka Hadlay Cabasho Ka Soo Yeedhay Qaar Kamid Musharraxiintii Xisbiga Waddani Ee Kasoo Jeeday Beeshiisa “Haddaanu Cod Dhacayno..”

0
456

Hargeysa, June 24, 2021-(Foore)-  Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Xaaji Ismaciil Jirde ayaa sheegay in aanay doorashada qaban Xisbiyadda Qaranku,balse ay qabtaan Komishanka doorashooyinka Qaranku,waxaanu been aan sal lahayn ku sheegay war ka soo yeedhay Musharraxiin degaankiisa ah oo hadhay, kuwaas oo sheegay in codkoodii la boobay.

Guddoomiye Jirde ayaa ku bilaabay haddalkiisa sidan:-“Waxa aanu doonnaynaa in aanu u iftiimino dadka, shir ay qabteen Musharraxiin Xisbigayaga kamid ahaa oo xisbiga eedeeyey oo Xisbiga eed u soo jeediyey oo sheegay inuu Xisbigu codkoodii la wareegay oo uu riday iyaga,taas oo sal iyo raad toona lahayn .”

Waxa uu intaas ku daray Guddoomiye Jirde “Waxa weeye Musharraxiintu Xisbiga iyaga ayaa soo dooontay oo soo dalbaday ilaa dhawr iyo lixdan qof oo xil doonnaya oo doonnaya inay xubnaha baarlamaanka kamid noqdaan ayuu Xisbigu afartaa Xildhibaan kale soo dhex-baxay iyo Xildhibaanadaa degaanka u sharraxan,Xisbigu wakhti iyo maal iyo hanti ayuu geliyey Musharraxiintaas si ay u soo baxaan oo ay xubno barlamaan u noqdaan,iyaga ayaa markaas Xisbiga u baahnaa,lakiin Xisbigu uma uu baahnayn,hiilkaas ayaa loo galay, rag asagooda ah oo aanay wax-badan dheerayn ama rag kale oo kaga fiicaniba ay jireen ayaaa laga dhex xushay oo iyaga Xisbigu hiilkaas ayuu u galay.”

Dhanka kalena Guddoomiye Jirde ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay haddalada ka soo yeedhay Musharraxiinta beeshiisa ee hadhay,waxaanu sheegay in Musharraxiin baddan ay dhaceen,balse aanu jirin Musharrax ka cabanaya Xisbigii uu ka sharraxnaa oo leh codkaygii ayuu musuq-maasuqay“Ma suurtagasho in ay maanta ay ku doodaan Xisbigii derajadaa siiyey ee noo hiiliyey ee tacabkaa iyo hantidaa iyo xoolahaa na geliyey ,wuxuu doonayey inuu codkayaga dhaco,wax suurtagal ah maaha ,waxa weeye Musharraxiin baddan ayaa dhacday,dalka oo dhan cid maanta ku cabanaysaa oo leh Xisbigii aan ka sharraxnaa ayaa codkaygii musuq-maasuqay oo cid kale siiyey,taas waa mid subxaana leh, doorashada Komishan ayaa qabta ee axsaabtu ma qabato,xisbigu haddii uu awood u leeyahay inuu cid codkooda qaato maxaanu kuwii KULMIYE u soo qaadan weynay inta aanu kuwii xisbigayaga xadayno,haddii aanu wax xaddayno axsaabtii naga soo horjeeday ayaanu codkooda qaadan lahayn.”

Guddoomiye Jirde ayaa waxa laga xishooda ku tilmaamay in Musharraxiintaa hadhay inay ummadda la hor yimaddaan haddalo aan sax ahayn iyo Xisbigii aan ka sharraxnaa ayaa codkii iga shubtay“Wax suuragala maaha,waana wax laga xishoodo xisbigii ku soo xushay ee intaas oo nin oo tartamaya kaala dhex-baxay ee tacabkaa iyo maalkaa iyo soo jeedkaa hawlo baddan ayaanu gelinay oo caafimaadka ayaa nagaga xumaaday si aanu u soo xul-no oo intaas oo habeen aanu u soo jeednay,ninkii waxaas oo abaal ah loo galay, waa la dhacaa qasab maaha inuu qof waliba soo baxo,markii uu soo bixi waayey inuu yidhaah Xisbigii aan iska sharraxay ayaa codkii iga shubtay waa wax laga xishoodo .”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here